“Mar haddii uu maamul ka dhisan yahay dhawaaqaasi waa dhawaaq dhiilo oo nabadda uun wax u dhimaya" Wasiirka Arimaha Guduhu.
Hargeysa (GNS) Wakhti ay isku raaceen odeyaasha iyo madax dhaqameedyadda reer Sool in ay sameystaan maamul ka madax banaan Somaliland isla markaana isku afgarteen in deegaanka ay degaan beesha Reer Sool la gaadhsiiyo maamul ay khaas u lee yihiin ayaa waxa ka hadalay xukuumadda Somaliland, waxana ay Somaliland sheegtay in uu hadalkani yahay waxba kama jiraan. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur (Caraalle (Duur) oo arintan ka hadlay mar uu caawa u warmayay laanta afka soomaaliga ee BBC, da ayaa waxa uu sheegay in afka laga odhan karo maamul goboleed, balse aanay suura gal ahayn in uu ka hir gallo maamul Goboleed deegaanadda Sool, Sanaag iyo Cayn, waxana uu yidhi isaga oo ka hadlaya arintaasi “ Runtii dee wax maamul ah oo laga samayn karaa marka caqliga la eego dhawaaq waa laga odhan karaa oo in wax la yidhaahdaa waa wax fudud, laakiin fulintiisu waa wax adag wax laga samayn karaana ma jirto, sababtuna waxa weeye waayo goboladaasi la sheegayaa waa gobolo Maamul Somaliland la yidhaahdaa uu ka jiro oo uu ka talliyo.”
Wasiir Duur waxa uu sheegay in ku dhawaaqidda Maamul Goboleedkanai ay tahay mid daandaansi ah oo wax u dhimaysa wadda degenaashaha iyo xasiloonidda deegaanadaas “Mar haddii uu maamul ka dhisan yahay dhawaaqaasi waa dhawaaq dhiilo oo nabadda uun wax u dhimaya, laakiin waxa weeye waa erey aan af dhaafayn oo aan ficil loo rogi Karin marnaba sidaan u arko.” Ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Guduhu.
Wasiirka arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraalle Duur waxa uu tilmaamay in raga ku dhawaaqey maamul goboleedkani ay yihiin kuwo ka yimid dibadda isla markaana aan rajo ka rabin dadka deegaankaas, waxana uu carabka ku dhuftay in ay dib u noqonyaan dadka dega deegaanadaasina ay dhamaantood yihiin Somalilander, isla mrakaana ay doonayaan in ay doonayaan Xukuumadda Somlailand, waxana uu intaasi raaciyay inaanay raali ka ahayn maamul dhaafsiisan ka Somaliland, waxana ka mid ahaa hadalkiisii “Dadka waa la eegi doonaa oo dhawaaqyada dambe ee ka soo baxa waa la arki doonaayoo, laakiin waxa weeye bulshada afar qof iyo labaatan qof oo meel iskugu tagta iyo in qol qaadaa bulshada masiirkeeda ma matasho, ummaddu waxay ku tashato ee ay goosato lama diidi karo, laakiin intan imika dibada ka timid ee baritana dibada uun ku noqon doona ee ka yaaci doona Taleex ummadda ma matelaan. Inta ciida ku joogaysa ayaa xaq u leh inay masiirkooda ka tashato xaq u leh iyagaana nabadooda ka tashanaaya,”.
Si kastba ha ahaatee hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xil shir beeleedka Talleex lagaga dhawaaqay maamul u gooni ah deeganaadda Sool, Koonfurta Sanaag iyo Cayn .
No comments:
Post a Comment