11 January, 2012

Madaxweynaha Somaliland Oo Xilkii Ka Qaadey Badhsaabadda Goboladda Sanaag, Togdheer Iyo Gabiley Iyo Badhsaabo Cusub Oo Loo Magacaabay

Madaxweynaha Somaliland Oo Xilkii Ka Qaadey Badhsaabadda Goboladda Sanaag, Togdheer Iyo Gabiley Iyo Badhsaabo Cusub Oo Loo Magacaabay
Badhsaabadda xilka laga qaadey ayaa kala ah Mudane, Cali Aaden Meecaad, Mudane, Cali Cabdi Hurre, Mudane, Yaasiin Muxumed Cabdi

Hargeysa (GNS) -Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa digreeto Madaxweyne oo uu soo saarey caawa waxa uu xilkii ay hayeen kaga qaaday qaar ka mid ah Badhasaabadii Gobolada Sanaag, Togdheer Iyo Gabiley, isla markaana waxa uu magacaabay masuuliyiin cusub oo buuxisa xilalkaasi ay baneeyeen. 

Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxafadeed uu ku saxeexan-yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo imikadan soo baxay, waxaanu u dhignaa sidan: 
Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreetooyin Madaxweyne xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday Badhasaabadii Gobolada Sanaag, Togdheer, Gabiley iyo badhasaabku xigeenkii Gobolka Togdheer 

Sidoo kalena Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay Masuuliyiin Cusub oo buuxinaya jagooyinka ay baneeyeen masuuliyiintaa hore. 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland 
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; 

Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; 

Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda ay Gudoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka; 

Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Gudoomiyeyaasha Gobolada Gabiley, Sanaag iyo Togdheer; 
Markuu La Tashaday: Madaxda ay arrintani khusayso; 
Markuu ku Qancay: Inay buuxin karaan, aqoon iyo kartina u leeyihiin jagoouinkan; 

Wuxuu go’aansaday 

1. In Mudane, Xuseen Cumar Magan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee JSL. 

2. In Mudane, Aaden Diiriye Cigaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee JSL. 

3. In Mudane, Cabdoo Axmed Aayer, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ee JSL. 

4. In Mudane, Maxamed Maxamuud Yuusuf, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Togdheer ee JSL. 
Masuuliyiinta Xilalka laga qaaday:- 

1. Mudane, Cali Aaden Meec 
Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Gabiley 

2. Mudane, Cali Cabdi Hurre 
Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Sanaag 

3. Mudane, Yaasiin Muxumed Cabdi 
Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Togdheer 

4. Mudane, Cabdi Daahir Xasan 
Gudoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Togdheer 

Madaxwynaha Jamhuuriyada Somaliland, waxa uu Badhasaabadii hore uga mahad celiyey mududii ay xilalkaas u soo hayeen qaranka, 
Isla markaana Madaxweynuhu waxa uu digreetooyinkan ku amray inay masuuliyiintani xilalkaa ku wareejiyaan sida ugu dhakhsaha badan gudoomiyeyaasha cusub ee loo igmaday xilalkan inay qaranka halkaa uga siiiwadaan 

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: