TACSI KA TIMID LA-TALIAYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA IYO GANACSIGA
MARXUUM DR. IDRIS IBRAAHIM
Anigoo ku hadlaaya magaca Xafiiska La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga, ka reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga Amaal Cumar Carte waxaan
dhambaal tacsi ah u dirayaa ehelka, tafiirta, qaraabada, xigto iyo xigaal, iyo shacbiweynaha Somaliland Geerida Naxdinta leh ee ku timid
dhambaal tacsi ah u dirayaa ehelka, tafiirta, qaraabada, xigto iyo xigaal, iyo shacbiweynaha Somaliland Geerida Naxdinta leh ee ku timid
MARXUUM DR. IDRIS BRAAHIM, wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa maanta 27/01/2012. Waxaan si gaar ah u tacsiyadeynayaa xaaska marxuumka Marwo Aamina Siciid iyo ubadkiisa.
.
Marxuumku waxa uu ka mid ahaa aqoonyahanada dalka dib ugu laabtay bilowgii sagaashanaadkii isagoo xilka wasaaradda Xanaanada Xoolaha muddo badan hayey wax weyna ka qabtay.
Marxuumku waxa uu ka mid ahaa aqoonyahanada dalka dib ugu laabtay bilowgii sagaashanaadkii isagoo xilka wasaaradda Xanaanada Xoolaha muddo badan hayey wax weyna ka qabtay.
Waxaan ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somalilandna uu waafajiyo Samir iyo Imaan iyo duco ay u fidiyaan marxuumka. Amiin.
Axmed Xasan Carwo
La-taliayaha Madaxweynaha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
No comments:
Post a Comment