YAA
KA SHAKISAN QARANNIMADA IYO JIRITAANKA SOOMALILAND..!
Axmed
Xasan Carwo
La-taliyaha
Madaxweynaha ee Dhaqaalaha
Waxa Soomaliland jirtay 22
sano oo nabad ah iyo 10 sano oo halgan ah iyo 76 Sano oo isticmaar ah. Waxa
midnimo niyad sano oo lagu doonaayo mideynta shanta Soomaaliyeed ay ku jirtay
21 Sano ( !960-1981). Taasi waxay marag u tahay in muddada ay Soomaaliya wax
wadaageen ahayd muddo aad u yar kolka aad u eegto inta ay goonida u jirtay. Muddadaas
dheer ee ay goonida ka ahayd Soomaliya, waxa unkumay beelaha Soomaliland oo
is-dhexgalay oo abuuray degaano beelahu isku dhafan yihiin, waxayna yeesheen
dabci, dhaqan, iyo hiddo ay wadaagaan ooy Soomalida inta kale kaga duwan
yihiin. Waxa abuurmay hab iyo dhawaaq hadalka iyo ereyo u gooni ah, hab-guurka iyo
dhismaha qoyska oo mideysan, iyo nidaamka maamulka oo ah mid ku salaysan habka
dawladda UK. Intaasi waxay u yeeshay astaan iyo aragti u gooni ah oo reer
Soomaliland mideysa. Waxaana ka
markhaati ah hadalka laf-jabka ah ee mataaneentii Soomaliya lagala kulmay
iyadoo dadka reer Soomaliland min Ceelaayo iyo Lowyacaddu reer Soomaliya ay ugu
yeedhaan “Soomali Qaldaan”..yacnii dadka iyaga ka duwan uun dhe.
Soomaliland oo beelaha dega
dhammaantood ay si xor ah ugu shireen magaalada Burco, islana qaateen inay
midnimadii ay Soomaliya sida xorta ah ula galeen oo dhib, hadardaamo ay
weheliso cadaalad darro iyo horumar laáan ay ka baxeen ayna yihiin dal
madaxbanaan oo qaran gooni u taagan ah, ikhtiyaarkoodna ay ku gaadheen dhismaha
qaran dimuquraadi ah oo dunida ka tirsan. Waxa dhidibka loo aasay Jamhuuriyadda
Soomaliland 18 May 1991 iyo kheyriyadda Burco.Waxa xigay dastuur loo codeeyey
haa 97%, doorashooyinka degaanka, kan wakiilada iyo ka madaxtooyada. Waxa soo
maray laba Madaxweyne oo beelahu doorteen si dadban iyo laba si dimuquraadi ah
codka muwaadiniintu ku doorteen.
Waxa
ayaamahan la hadal hayaa shirka dawladda UK ay u qabanayso Soomaalida. Waxa
xog-waranka dawladda UK ay baahisay ka mid ah dadka lagu casuumay Dawlad KMG,
Ahlu sunna, Puntland, Gal Mudug iyo Soomaliland. Haddaba iyadoo xukuumadda
Soomaliland cadaysay inay ka-qaybgalka ay kala tashan doonto axsaabta qaranka,
wakiilada iyo waxgaradka Soomaliland,
ayaa halkii rayi dhiibasho iyo taageero loo fidin lahaa xukuumadda xiligan loo
baahan yahay midnimada iyo wadajirka ayaa waxa muuqata in dad danta gaarka ah
ka hormariya tan guud oo indhehoodu arkaan waxa ay doonaan dhegahooduna maqlaan
waxa ay doonaan, ayaa ula kala baxay fidinta dacaayado aan meesha oolin oo kas
gaabka iyo maatada lagu beeraayo shaki iyo cabsi aan meesheed oolin.
Waa ayo cidda qarannimada
dalka hooyo burburinaysaa, ma cidda soo halgantay ee labataneeyo sano u
samirtay ee manta hoggaanka ku guulaysatay, ee sharaf, magac iyo maamuus
maqaamkii ugu sareeyey ku gaadhay ayaa laga dardaar warinayaa..Waa fikir lunsan
oo u baahan in qashinka lagu rido. Inta been abuurka lagu jiro miyeyna ka
fiicnayn inaynu eegno oon ku taageerno la-tashiga xukuumaddu ku dhawaaqday.
Weli ma jirto go’aan shirka laga gaadhay. Waxaana habboon inaynu isla eegno
sifaha iyo shuruudaha aynu ku tegi karno, amba ku diidi karno..labaduba wey
inoo furan yihiin. Haddaan diidno, iyo haddaan tegno midna ma keeni kato
burburka Soomaliland oo waa dal hano qaaday oo dadkiisu yihiin ilaalayaaha
jiritaankeeda, ayna diyaar u yihiin badbaadintiisaa cid kasta oo gar darro ula
timaada. Taas ninka ka cabsi qaba iyo kan ka shakisani waa nin cidla ka didey,
ayna ka tahay fulaynimo amba nin isagu muraad kale leh.
Waxa manta aan helay su’aal
lagu weydiiyey guriga guurtida ee UK ( House of Lords) mudane ah Wasiiro
Dawlaha arrimaha Debedda ee UK Lord Howell oo ka jawaabaaya su’aal ay weydiisay
Lord Luce..waa kan iyagoo aan sideeda idiinku soo naqiley oo af Ingiriis ah
deedna aan turjumaada idiinku xigsiiyey:
Lord Luce (Crossbench)
To ask Her Majesty's Government, further to the Written Answer byLord Howell of Guildford on 21 December 2011 (WA 391-2), who has been invited to the London conference on Somalia on 23 February; and whether they have invited the president of Somaliland.
Lord Howell of Guildford (Minister of State, Foreign and Commonwealth Office; Conservative)
As we noted previously, we have invited Governments and multilateral organisations that are active and influential on Somalia, as well as representatives from Somalia.
We are pleased to say that we have secured very senior attendance from representatives from the region (for example Ethiopia, Kenya, Uganda) and the international community (for example Turkey, Qatar, Nigeria, Sweden, and the European Union) alongside a host of Somali representatives; as well as theAfrican Union and United Nations Secretary-General.
We have invited Somaliland to attend the London conference on Somalia. We are following up the invitation with discussions with the Somaliland authorities, working to find a basis for their attendance that is acceptable to them and to us. We very much hope that President Silanyo will attend: Somaliland has much useful experience to share of creating relative stability in the region.
To ask Her Majesty's Government, further to the Written Answer byLord Howell of Guildford on 21 December 2011 (WA 391-2), who has been invited to the London conference on Somalia on 23 February; and whether they have invited the president of Somaliland.
Lord Howell of Guildford (Minister of State, Foreign and Commonwealth Office; Conservative)
As we noted previously, we have invited Governments and multilateral organisations that are active and influential on Somalia, as well as representatives from Somalia.
We are pleased to say that we have secured very senior attendance from representatives from the region (for example Ethiopia, Kenya, Uganda) and the international community (for example Turkey, Qatar, Nigeria, Sweden, and the European Union) alongside a host of Somali representatives; as well as theAfrican Union and United Nations Secretary-General.
We have invited Somaliland to attend the London conference on Somalia. We are following up the invitation with discussions with the Somaliland authorities, working to find a basis for their attendance that is acceptable to them and to us. We very much hope that President Silanyo will attend: Somaliland has much useful experience to share of creating relative stability in the region.
Lord
Luce waxay weydiisay Wasiirka cidda lagu casuumay shirka iyo in Madaxweynaha Soomaliland
lagu casuumay…
Waxuu ku jawaabay
Lord Howell: “Sidaan hore u sheegnay waxaanu casuumnay xukuumadaha iyo ururada
caalamiga ah ee ay khusayso arrimaha Soomalidu iyo wakiilo ka socda Somaliya.
Waxaanu ku faraxnay inaanu helno inay ka soo qayb galayaan dad muhiim ah ee mandaqadda( Matalan
Ethiopia, Kenya, Uganda) iyo mujtamaca adduunweynaha (sida Turkey,
Qatar, Nigeria, Sweden, and the European Union) iyo cid ka socota. oo matasha
Soomaalida iyo African Union and United Nations
Secretary-General
Waanu casuumnay Somalialnd
inay shirka timaado Shirweynaha London ee Somaliya. Waanu dabasoconaa oo waxaa
noo socda wadohadal sidii loo heli lahaa hab iyo wax keeni kara inay ka soo
qayb galaan oo u cuntama iyaga iyo anaga. Waxaan rajeynayaa inuu Madaxweyne Siilaanyo yimaado:
Soomaliland waxay leedahay khibrad faaíido badan oo ay u soo tebin karto lana
qaybsan karto deganaansha gobalka.”
Haddaba
waxa manta loo baahan yahay ma aha in qof waliba sida uu doono uu u arko oo
siyaasad madhalays ah iyo aragti gaaban wax lagu eego. Waa in la darsaa oo la helaa wadatashi loo dhan
yahay oo qaraar cad laga gaadho deedna bulshada si wada jir ah loo wacyi galiyaa,
lagana daayaa shaki abuurka iyo fidnada laga abuuraayo meel ayna ku juirin.
Waxaad
ogaataan marxaladda dalku marayo dhinaca gobalada bari iyo ololaha kala
qaybinta ee ay wadaan dawlad xafadeedka Xamar. Waxa inala gudboon inaynu is
barbar taagno xukuumadda aynu sida dimuquraadiga ah ku dooranay, taas
mecnaheedu ma aha indho-la’aan in lagu raaco. Waa in nidaamka la ilaashaa oo
la-xisaabtanka dhaleeceyntu ahaadeen qaar xadkooda haysta iyo inaan loo
faaídeyn cadowga.
Wakiiladu
ha gutaan waajibkooda oo ha ka baxaan xilkas la’anta ka muuqata iyagoo laba
maalmood fadhigu u buuxsami waayey.
Warbaahintuna
ha noqdaan kuwa muujiya dareenka dhabta ah ee dadweynha ee aan noqon qaar si
dadban ugu adeega cadowga.
Tvga
qaranka waxa saran xil weyn oo ah inuu kor u qaado midnimada iyo wadajirka
ummadda, iyo inuu yeesho birtilmaameed wacyigelin iyo faaqidaad amuuraha
khuseeya qaranka iyagoo makarafoonka si xor ah looga soo qaybgeliyo xusbiyada
mucaaridka ah, aqoonyahannada iyo qurbajooga dalka. Waa kaalin gaabis ah ee
marxaladdan ha laga faa’ideysto.
Qadyadda
qarannimdu ma laha mucaarid iyo muxaafid waa mid muwaadin kasta waajib ay ku
tahay difaaceeda iyo ilaalinteeda. Qaranka cidina marti kuma aha, cidna marti
loogama aha. Soomaliland waxa leh reer Soomaliland oo dhan oo si siman u leh
xuquuq iyo waajibaad saran.Min Ceelaayo ilaa Lowyacaddu min Buuhoodle ilaa
Berbrera waa dal iyo dad mideysan, una baahan inay helaan qorshe iyo siyaasad
lagu hawl galo oo khilaafkooda si nabad ah u suuliya. Waa waajib ina wada saran
si gaar ahna u saran mas’uuliinta siyaasadeed mid hoggaanka haya iyo mid
sugaayaba.
Waxa
iyana habboon in inta xukuumadda ka tirsan ee xilka haysaa ahadaan duul
ilaaliya midnimadooda oo doodaha ay ka yeeshaan hawl-qabadka xukuumadda ayna
noqon mid ay ku muujiyaan warbaahinta, Ma jirto xukuumad aan dhexdeeda afkarta
ku kala qaybsanayni, waxa se sharcigu yahay in afkaarta lagu qaybsamo ee lagu
doodo ay gun yeelato, taas oo ah go’aanka leysla gaadho in dhammaan la wado
daafaco, oo ninkii fikirkiisa Golaha lagaga xoog bataa ilaaliyo ga’aanka Golaha
oo ay waajib ku tahay inuu daafaco. Waa sida keliya ee xukuumad dimuquraadi ahi
ku shaqayn karto.Waa in wadajir xukuumaddu u daafacdaa go’aamada ka soo baxa.
Waa in sirta Golaha la ilaaliyaa oon suuqyada la gelin.Cidda nidaamkan
aasaasiga ah aan dhowreyni waa in wax laga qabtaa oo la joojiya nabarka
boogtiisu fideyso.
Aqoonyahanka
waxa habboon inay fikir wax ool ah u gudbiyaan xukuumadda ooy noqdaan dar ku
soo biiriya afkaar horumar siyaasadeed, bulsho, dhaqaale iyo ganacsigba dhali
kara. Waxaan halkan idinku balan qaadayaa inaan gacanta ka geliyo Madaxweynaha
waxii talo ah ee waxtar u leh dalkeena, iyo waxii tabasho iyo dhaliil ah ee si
asluub ah oo dhammays ah loo soo bandhigo. Mid run iyo marag leh
.
Dalkeena waxa yaal dhibaatooyin badan ooy barbar socoto faa’idooyin iyo
kheyraad aan la taaban, fursado dhaqaale iyo baahi is huwan. Waxa aynu kaga
bixi karnaa inagoo waqtiga ku qaadana inaynu ku fakirno danta guud iyo
horumarinta dalka, inaynu ilaalino dakhliga yar ee inoo soo hoyda, si gaar ah
waa waajib saran xukuumadda iyo shaqaalaheedu inay noqdaan qaar ilaaliya
khrashka, oo kol walba ka fakira baahida dalka taal iyo itaal yarida cidda
lacagta laga soo xareeyey.
Maanta
waa maalintii Midnimda, waa maalintii Wadajirka, waa ayaantii Gacmaha
leys-qabsan jiray, waa dharaartii cududa Mucaaridka iyo Muxaafidku mataanoobi
jireen, waa ayaantii waxgarad, waayeel, dhalin iyo dumar danta guud la dhowri
jiray. Waa dharaar qarannimada la qadarinaayo ee muwaadin gudo waajibkaaga.
Tan
iyo maqaal kale, ammaano Alla.
Mahad
oo dhan Alle ayaa leh,
Ahmed
Hassan Arwo
La-taliyaha
Madaxweynaha ee arrimaha
Dhaqaalaha,
Ganacsiga iyo Maalgashiga
samotalis@gmial
.com
No comments:
Post a Comment