Somaliland: Tirada Dadka uu Hayo Xannuunka Halista ah ee HIV/AIDS-ka oo la Shaaciyey
Goobaha baadhitaanada laga sameeyey, tirada haweenka iyo ragga laga helay iyo heerka uu dalka ka marayo
Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha Komishanka la Dagaalanka AIDS-ka ee Qaranka Somaliland Maxamed Daahir Khayre, shaaca ka qaaday tirada dadka uu hayo xannuunka halista ah ee HIV/AIDS-ka iyo weliba xaaladda uu dalka ka marayo.
Guddoomiyaha oo shalay warbixin u jeediyey Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada xog-warran la yeeshay, waxa uu sharraxaad ka bixiyey xaaladda xannuunkani dalka ka marayo, isagoo sheegay in muddadii u dhaxaysay sannadihii 2004 ilaa 2010 laga baadhay dad tiradoodu gaadhayso 11,729 (Kow iyo tobban kun, toddoba boqol iyo laba iyo labaatan) qof, kuwaasoo cudurkan laga helay 2,174 (laba kun, boqol iyo toddobaatan iyo afar) qof, halka sannadkii 2011 laga baadhay dad tiradoodu tahay 6,290 (lix kun, laba boqol iyo sagaashan) ruux, isla markaana xannuunka HIV/AIDS laga helay 4,93 oo qof.
Mr. Maxamed Daahir Khayre waxa uu tilmaan ka bixiyey noocyada dadka inta badan laga helay xannuunkan, waxaannu yidhi, “Dhaqdhaaqa xuduuda dalka ee gobolada Somaliland ayaa laga baadhay cudurkan, waxaanay dadkani iskugu jireen dad ganacsato ah, dadka maqaaxiyaha shaaha iyo cuntada lagu iibiyo, dadka qaadka keena, dadka bakhaarada ku leh magaalooyinka xuduuda ah, dadka Dekedda ka shaqeeya, dumarka jidhkooda ka ganacsada iyo wadayaasha gaadiidka waaweyn ee xuduudaha iskaga tallaaba.”
“Dadkii la baadhay waxay shaqooynkoodu kala ahaayeen Dirawaliinta xuduudaha iskaga talaaba 37% ayaa laga helay cudurkan, dadka qaadka ka ganacsadda 21% ayaa qaba, dadka makhaayadaha ka shaqeeya 15% ayaa qaba HIV/AIDS, dadka guri joog ah 14%, Hablaha markii hore Jabuuti ka shaqayn jiray 6%, Tukaamadda ganacsiga ee yaryar ee ku yaala meelaha xuduudaha ah 1.8%,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka AIDS-ka Somaliland.
uddoomiyuhu waxa sheegay in dadkii laga helay cudurkan HIV/IADS muddadii u dhexeysa 2004-2010 ay 1,199 ka mid ahi ahaayeen dumar, halka 975 kalena rag yihiin, tirada isku darkooduna tahay 2,174 qof. Sidoo kalena waxa uu soo bandhigay daraasado uu Komishanka AIDS-ku sameeyay sannadihii 1999 kii, 2004tii, 2007dii iyo 2009kii, kuwaas oo celcelis ahaan cudurkani marayay 0.9% ilaa 1.4% boqolkiiba, isagoo sheegay in goobaha daraasadan laga soo ururiyay ay kala yihiin Hargaysa, Berbera, Boorama iyo Laascaanood.
Mr. Maxamed Daahir mar uu ka hadlayey qorshayaasha ay ugu tallogaleen in lagula dagaallamo cudurkan in ay ka mid yihiin inay siyaasad cad oo heer qaran ah ka leeyihiin cidhibtirka aafada Aidska. Waxa kale oo uu xusay in ay qaar ka mid ah dalalka gobolka ka heshiiyeen sidii loola dagaalami lahaa HIV/AIDS-ka.
Guddoomiyaha Komihsanka la-dagaalanka AIDS-ku waxa uu caddeeyay in sababaha kor u qaada fiditaanka cudurkan ay ugu waaweyn yihiin galmada, qaxoontinimada, safarada Badan, duruufaha dhaqaale iyo dhiigga loo shubo dadka bukaanka ah.
http://samotalis.blogspot.com/
Goobaha baadhitaanada laga sameeyey, tirada haweenka iyo ragga laga helay iyo heerka uu dalka ka marayoHargeysa (Jam)- Guddoomiyaha Komishanka la Dagaalanka AIDS-ka ee Qaranka Somaliland Maxamed Daahir Khayre, shaaca ka qaaday tirada dadka uu hayo xannuunka halista ah ee HIV/AIDS-ka iyo weliba xaaladda uu dalka ka marayo.
Guddoomiyaha oo shalay warbixin u jeediyey Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada xog-warran la yeeshay, waxa uu sharraxaad ka bixiyey xaaladda xannuunkani dalka ka marayo, isagoo sheegay in muddadii u dhaxaysay sannadihii 2004 ilaa 2010 laga baadhay dad tiradoodu gaadhayso 11,729 (Kow iyo tobban kun, toddoba boqol iyo laba iyo labaatan) qof, kuwaasoo cudurkan laga helay 2,174 (laba kun, boqol iyo toddobaatan iyo afar) qof, halka sannadkii 2011 laga baadhay dad tiradoodu tahay 6,290 (lix kun, laba boqol iyo sagaashan) ruux, isla markaana xannuunka HIV/AIDS laga helay 4,93 oo qof.
Mr. Maxamed Daahir Khayre waxa uu tilmaan ka bixiyey noocyada dadka inta badan laga helay xannuunkan, waxaannu yidhi, “Dhaqdhaaqa xuduuda dalka ee gobolada Somaliland ayaa laga baadhay cudurkan, waxaanay dadkani iskugu jireen dad ganacsato ah, dadka maqaaxiyaha shaaha iyo cuntada lagu iibiyo, dadka qaadka keena, dadka bakhaarada ku leh magaalooyinka xuduuda ah, dadka Dekedda ka shaqeeya, dumarka jidhkooda ka ganacsada iyo wadayaasha gaadiidka waaweyn ee xuduudaha iskaga tallaaba.”
“Dadkii la baadhay waxay shaqooynkoodu kala ahaayeen Dirawaliinta xuduudaha iskaga talaaba 37% ayaa laga helay cudurkan, dadka qaadka ka ganacsadda 21% ayaa qaba, dadka makhaayadaha ka shaqeeya 15% ayaa qaba HIV/AIDS, dadka guri joog ah 14%, Hablaha markii hore Jabuuti ka shaqayn jiray 6%, Tukaamadda ganacsiga ee yaryar ee ku yaala meelaha xuduudaha ah 1.8%,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka AIDS-ka Somaliland.
uddoomiyuhu waxa sheegay in dadkii laga helay cudurkan HIV/IADS muddadii u dhexeysa 2004-2010 ay 1,199 ka mid ahi ahaayeen dumar, halka 975 kalena rag yihiin, tirada isku darkooduna tahay 2,174 qof. Sidoo kalena waxa uu soo bandhigay daraasado uu Komishanka AIDS-ku sameeyay sannadihii 1999 kii, 2004tii, 2007dii iyo 2009kii, kuwaas oo celcelis ahaan cudurkani marayay 0.9% ilaa 1.4% boqolkiiba, isagoo sheegay in goobaha daraasadan laga soo ururiyay ay kala yihiin Hargaysa, Berbera, Boorama iyo Laascaanood.
Mr. Maxamed Daahir mar uu ka hadlayey qorshayaasha ay ugu tallogaleen in lagula dagaallamo cudurkan in ay ka mid yihiin inay siyaasad cad oo heer qaran ah ka leeyihiin cidhibtirka aafada Aidska. Waxa kale oo uu xusay in ay qaar ka mid ah dalalka gobolka ka heshiiyeen sidii loola dagaalami lahaa HIV/AIDS-ka.
Guddoomiyaha Komihsanka la-dagaalanka AIDS-ku waxa uu caddeeyay in sababaha kor u qaada fiditaanka cudurkan ay ugu waaweyn yihiin galmada, qaxoontinimada, safarada Badan, duruufaha dhaqaale iyo dhiigga loo shubo dadka bukaanka ah.
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment