11 January, 2012

Magacyada Dad Somaliland ka soo Jeeda oo Ciidammada Itoobiya ku Dileen Degaanka Xalxalis

Magacyada Dad Somaliland ka soo Jeeda oo Ciidammada Itoobiya ku Dileen Degaanka Xalxalis
Jamhuuriya.
Togdheer (Jam)- Ciidamo Itoobiyaan ah oo hubaysan, ayaa galinkii hore ee shalay hal qof ku dilay, saddex kalena ku dhaawacay degaanka Xalxalis ee oo ka tirsan degmada Gaashaamo oo u dhew xuduudka bari ee Somaliland iyo Itoobiya.

Sida ay xafiiska Jamhuuriya ee Burco u xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ah oo ku sugan degaankaasi, waxa falkani ka dhashay markii ciidammada Itoobiya isku dayeen inay kaxaystaan gaadiid ku sugnaa halkaas, balse ka horyimaaddeen dadka degaankaasi, dabadeedna ciidanka Itoobiyaanku tacshiirad ku fureen dadweynaha, halkaasna ku dileen marxuum lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamuud Ibraahim, waxana ku dhaawacmay saddex nin oo kala ah Cabdi Fataax Maxamed Warsame (Ina Dhoolayare), Ibraahim Cabdillaahi Jaamac iyo Maxamed Kamaajuur Aadan Aw Xuseen, kuwaasi oo dhammaantood ka soo jeeday Somaliland.

Wararku waxay intaa ku dareen in dadka dhaawacmay oo la sheegay in qaarkood dhaawacoodu culus yahay iyo hal baabuur ay kaxaysteen ciidammada Itoobiyaanku, isla markaana ula kaceen dhinaca degmada Gaashaamo oo ka tirsan Ismaamulka Soomaalida ee waddanka Itoobiya.

Laba toddobaad ka hor ayey ahayd markii ciidammada Itoobiya saddex nin ka qafaasheen gudaha magaalada Buuhoodle, una kaxaysteen dhinaca magaalada Jigjiga. Sidoo kale, dabayaaqadii sannadkii tagay ayaa ciidamo Itoobiyaan ah gudaha u galeen laba jeer degmada Ballidhiig ee ka tirsan Gobolka Togdheer, iyagoo halkaasna mar ka kaxaystay culimo Tabliiqiyiin ah masaajidka magaaladaasi, balse markii labaad dadweynaha degaankaasi si adag uga horyimaaddeen, taasoo sababtay iska horimaad dhexmaray labada dhinac.


http://www.jamhuuriya.info/view_article.php?article_id=17772

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: