09 January, 2012

Qodobo Ka Mid Ah Go’aanada Kasoo Bixi Doona Shirka Taleex Ee Lagu Shirqoolayo Somaliland

Qodobo Ka Mid Ah Go'aanada Kasoo Bixi Doona Shirka Taleex Ee Lagu Shirqoolayo Somaliland
Taleex, January 8, 2012 (Haatuf) - Qaar ka mid ah go'aanada ka soo bixi doona shir beeleedka Dhulbahante ee siyaasadaysan ee ka socda degmada Taleex ee gobolka Sool, kaas oo ay hogaaminayaan siyaasiyiinta Dhulbahante ee ka soo horjeeda Madaxbanaanida qaranimada Somaliland oo si qarsoodiya loo bixiyey ayaa dhamaantood lidi ku ah gooni isku taaga Madaxbanaanida Somaliland.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo goob joog ku ah shirkaasi Taleex ayaa xaqiijiyay in go'aanadaasi ka soo bixi doona shirkaasi oo ka hor shirkaasi lagu soo sameeyay dalalka dibadaha ay guntiga ku haysteen siyaasiyiinta uu ka mid yahay Cali Khaliif Galaydh oo kamid ah siyaasiyiinta Dhulbahante ee midnimada Somaliweyn u ololeeya iyo madaxdhaqameedyo ay ka mid yihiin Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah Isimada Somaliland diidka ahi, ay tibaaxuhuna intaa ku darayaan in go'aamadaasi todobaadkan si rasmiya lagaga dhawaaqi doono madasha shirka Taleex.

Go'aamada sida qarsoodiga ah aanu ku helay ee shirka Taleex ka soo bixi doona, ayaa qaar ka mid ah nuxurkoodu yahay sidan:-

In Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta Sool iyo deegaamada hoos yimaada iyo deegaanada u dhexeeya Buuhoodle weeraro dagaal oo lagaga xoraynayo lagu qaado.

Masuuliyiinta golayaasha dawlada Somaliland kaga jira beelaha Dhulbahante ee daacada u ah qadiyada Somalianl la khaarajiyo, isla markaana lagu qaado hawlgalo qarsoodiya oo lagu laynayo.

In maamul goboleed ka madaxbanaan Somaliland iyo Puntland lagu dhawaaqo oo xukuma deegaanada Sool iyo Buuhoodle, lana sameeyo maamul heer madaxweyne gaadhaya.

In midnimada Somalia ay taageersan yihiin, kana soo horjeedaan madaxbanaanida Somaliland

In kacdoon iyo mudaharaad lagaga soo horjeedo Somaliland laga sameeyo magaalada Laascaanood iyo jiidaha ciidamada qaranku ku sugan yihiin, dadweynaha beelaha dhulbahante ee ku sugan deegaanadaasina lagu baraarujiyo inay taageeraan maamulka cusub.

In la sii wado dilalkii qorshaysnaa ee lagu ugaadhsan jiray masuuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada ee xukuumada Somaliland u joogta magaalada Laascaanood.

Shirkaasi lagu minjo xaabinayo qaranimada Somaliland ee qaar ka mid ah go'aanada hordhaca ah ee lagaga dhawaaqi doono todobaadka soo socda ayaan shaki ku jirin in qaranimada Somaliland dhabar jab weyni ku iman doono hadaanay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo aanay la imanin qorshayaal lagaga hortago kooxaha Somaliland diidka ah ee ku soo gabanaya magaca beelaha dhulbahante. 

No comments: