Al-Shabaab Oo Qarka U Saaran In Saaxada Somalia Laga Waayo, Khilaaf Hogaankooda Sare Hadheeyey Oo Wiiqay Awoodii Ururkaasi Iyo Dagaalo Jihooyin Badan Kaga Socda Oo Ay Ku Hoobteen
"Shalay Abaarihii 3:00 Galabnimo Waxa Ay Ciidamadayadu Weerar Cirka Ah Ku Qaadeen Magaalada Garbahaaray Oo Xarun U Ah Kooxda Al-Shabaab, Waxaanu Ka Dilnay 60 Dagaalyahan" Col. Cyrus Oguna
Muqdisho, January 8, 2012 (Haatuf) – Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama dalka Somalia ayaa qarka u saaran inuu burburo oo uu ka baxo saaxada Somalia kadib markii dagaalo xoog leh ay ku soo qaadeen Ciidamada dawladda Taagta daran ee Somalia Iyo Ciidamada Wadamada Jaarka la ah Somalia, kuwaas oo si weyn u wiiqay Awoodii Al-shabaab ay ku lahayd dalkaasi.
Sidoo kale Ururka Al-shabaab oo ahaa kan ugu xooga weyn Somalia oo gacanta ku hayey Koonfurta iyo Badhtamaha Somalia ayay dagaalo kaga socdaan saddex jiho oo kala duwan, isla markaana Ururkaasi uu soo food saaray khilaaf ba'an oo u dhexeeya hogaanka sare ee Al-shabaab oo muddo soo jiitamayey.
Khilaafkan u dhexeeya hogaanka sare oo ka dhashay kadib markii Garabka ay hogaamiyaan Mukhtaar Roobow, Cali Dheere iyo Xasan Daahir Aweys kulan ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ay halkaasi ka soo saareen go'aamo ay ka mid yihiin in Magaca Ururka Al-shabaab lagu badalo Imaarada Islaamiga ah ee Somalia, taas oo ay gaashaanka ku dhufteen garabka kale ee uu hogaamiyo Axmed Cabdi Godane, oo loo yaqaano Abu Subair, khilaafkaas ayaa Al-shabaab gayeysiiyey in laga qabsado deegaamo iyo magaalooyin Istaraataji ah oo ay ka talin jireen, isla markaana u muuqda mid soo dadajinaya burbur kama dambays ah oo ku yimaada Al-shabaab.
Dhinaca kale Afhayeen u hadlay Ciidamada Kenya ayaa sheegay in weeraro cirka ah oo ay Diyaaradahooda dagaalku ku qaadeen Magaalada Garbahaaray ay ku dileen ugu yaraan 60 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.
"Shalay abaarihii saddexdii galabnimo waxa ay ciidamadayadu weerar cirka ah ku qaadeen magaalada Garbahaaray oo xarun u ah kooxda Al-shabaab, magaaladan waxa ay kooxda Al-shabaab u adeegsanaysay dufaaca magaalada kale ee Baardheere, khasaare aad u balaadhan ayaa goobtan ka soo gaadhay Al-shabaab, waxaanu haynaa warar hordhac ah oo la xidhiidha khasaaraha soo gaadhay oo ah dhimashada ilaa 60 dagaalyahano ah, 50 kalena waanu ka dhaawacnay halka 9 baabuurta dagaalka ahna aanu ka gubnay, qabsashada magaalada Garbahaarayna wax dhib ah kala kulmi mayno". Sidaasi waxa yidhi Afhayeen u hadlay Ciidamada Kenya oo la yidhaa Colonel Cyrus Oguna, waxaanu intaasi ku daray.
"Imikadan aan idin la hadlayo difaaca Al-shabaab wuu sii burburayaa, hogaankoodana tafaraaruq ayaa ku jira, waxaanu filaynaa in aanu maalmo gudahood ama todobaadyo gudahood ay Al-shabaab ka goostaan dagaalyahano badan, taasina ay noqoto mid sii socota. Heerka waxyeelada ay geysteen weeraradii diyaaradaha dagaalku ay qaadeen waxa uu ahaa mid aad u sareeya oo ay ku bartilmaameedsadeen Kooxda Al-shabaab oo ay ku burburiyeen awoodii iyo dufaaci ay halkaasi ku lahaayeen"
Ciidamada Dalka Kenya ayaa ka gudbay xuduuda Somalia bishii October ee sanadkii hore si ay dagaal ula galaan Alshabaab, halka Ciidamada Ethiopiana ay guddaha u galeen magaalada Baladweyne, halkaas oo ay xoog kaga qabsadeen Kooxda Alshabaab oo gacanta ku hayey magaaladaasi, iyadoo sidoo kalena Ciidamada dalwadda Sheekh Shariif iyo quwadaha wadamada Uganda, Burundi iyo Djibouti ay ka qayb qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Hase yeeshee Ilaa iyo hadda lama hayo war rasmi ah oo Al-shabaab kaga jawaabayso sheegashada Ciidamada Kenya, isla mar ahaantaana lama hayo warar dhexdhexaad ah oo khasaaraha dhabta ah cadaynaya.
Si kastaba ha ahaatee Dadka ka faalooda arimaha Somalia ayaa sheegaya in dagaalka Johooyinka badan kaga socda Al-shabaab, Khilaaf Ragaadiyey iyo dhaqaale xumi soo wajahaday tan iyo intii la dilay hogaamiyihii Alqacida ay sabab u tahay guuldarooyinka uu ka soo waaqsan layahay Ururkaasi, kuwaas oo bilihii u dambeeyey awoodii uu ku lahaa Somalia ay sii diciifaysay, isla markaana dib u gurasho ka samaynayey magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka Koonfurta Somalia.

No comments:
Post a Comment