12 January, 2012

Marxuum Aadan Maxamed Mirre Waqaf Oo Si Heer Qaran Ah Loogu Aasay Maagaladda Hargeysa

Marxuum Aadan Maxamed Mirre Waqaf Oo Si Heer Qaran Ah Loogu Aasay Maagaladda Hargeysa
Marxuumka ayaa saaka maydkiisa waxa laga soo rogey Madaarka caalamiga ah ee Egal international airport ee magaaladda Hargeysa, waxana...... Daawo Sawiradda

Hargeysa (GNS)- Waxa maanta si heer qaran ah loogu aasay magaaladda Hargeysa ALLE Naxariitii janno ha ka waraabiyee Marxuum Aadan Maxamed Mirre Waqaf, oo Isniintii Todobaadkan ku geeryooday Cusbitaal ku yaal Dalka Malaysiya ka dib markii Wadankaas loo geeyay xaaladd caafimaad. 
IMG_0240 
Marxuumka ayaa saaka maydkiisa waxa laga soo rogey Madaarka caalamiga ah ee Egal international airport ee magaaladda Hargeysa, waxana Garoonka diyaar ugu ahaa Boqolaal qof oo kala duwan kuwaas oo is kugu jirey Caa’iladdiisa iyo Asxaabta kalla duwan ee heer qaran iyo heer Gobol. 
IMG_0242 
Alle ha u naxriitee Marxuum Waqaf, ayaa waxa isla saakaba lagu aasay Xabaalaha Naaso Hablood ee Magaaladda Hargeysa, waxana aasaka Marxuumka ka soo qayb galay Raxan Wasiiro ah kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, Wasiirka Gaashan dhiga, Ganacsiga, Duulitsa Hawadda, Madaxtooyadda, Dib udajinta, Wasiiro kalle, Agaasimayaal, Gudoomiyaha Goloha Wakiiladda, ahna Gudoomiyaha urur Siyaasadeedka WADANI, Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Gudoomiyha Xisbiga UCID, Saraakiil sarsare oo ka socdda Xisbiga UDUB, Kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii horre ee Arimaha Gudaha C/laahi Cirro, Wasiirkii horre ee Warshadaha Maxamed Salleebaan Weyne, Xildhibaanadda Labadda Golle Qaran, Siyaasyiin, Aqoonyahano iyo boqolaal qof oo kalla duwan. 
IMG_0241 
Taariikhdda marxuumka oo kooban ayaa waxa halkaasi ka soo jeediyay Masuuliyiin kalla duwan ugu horeyn waxa taariikhdda maxrxuumka dul maray Mujaahid Maxamed Kaahin Cabdi, waxana uu sheegay in uu Aadan Mirre Waqaf ahaa nin afgaaban, Hawl kar ah isla markaana jecel wadankiisa, Waxana uu intaas ku daray in ay in badan saaxiibo ahaayeen isla markaana uu ku yaqaanay nin Wanaagsan qaranimaddisana jecel. 
IMG_0236 
Gudoomiyaha Goloha Wakiiladda Somaliland C/raxmaan C/laahi Cirro ii isna ka hadlay aaska marxuumka ayaa sheegay in uu yahay halyeey ka baxay qaranka somlailand, waxana uu ALLE uga barayay in uu janadda ka waraabiyo. 
IMG_0224 
Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi Cabdi oo iyana ka warmay taariikhdda marxuumka ayaa sheegay in uu marxuumku ahaa nin wadinyadda jecel isla markaana xil kasta oo loo dhiibay kaga baxay si hufan, waxana ay tilmaameen in uu ahaa nin la jecel yahay. 
IMG_0235 
Madaxweyne ku xigeenkii horre ee Somaliland C/raxmaan Awcali, Gudoomiye kuxigeenka labaad ee xisbiga kulmiye mudane C/raxmaan C/qaadir Faarax iyo Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Talyanle oo ka hadlay goobtaasi ayaa intuba waxa ay si isku mid ah ugu dheeraadeen taariikhdda Marxuumka, waxana ay ILAAHAY ugu baryeen in uu naxriitii janno ka waraabiyo ehelkii, qaraabaddii iyo qaranka uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. 
IMG_0248 
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi iyo Qoraaaga Boobe Yuusuf Ducaalle, ayaa iyana sheegay in ay in badan is yaqaaneen Marxuum Aadan Maxamed Mirre Waqaf, waxana ay sheegeen in uu ahaa nin Daacad ah, laguna yaqaanay cibaadda suuban waxana ay si guud ahaana u dul mareen taariikhdda marxuumka iyo xilalkii kala duwanaa ee uu ka soo qabtay gayiga Soomaaliya iyo ta Somaliland labadaba. 
IMG_0249 
Isku soo wadda duuduub oo marxuumka ayaa ifka kaga tagey Shan caruur ah iyo laba xaas, waxana uu xilal kala gadisan ka soo qabtay Maamuladdii kala danbeeyay ee Somaliland isagoo noqday maayarka magaalada Burco, Wasiiru-dawlaha arrimaha gudaha iyo Wasiirka Gaashaan-dhiga ee Xukuumadda Madaxweyne Rayaale. 
IMG_0251 
Sidoo kale, Aadan Maxamed Mire (Waqaf) wuxuu noqday Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, isagoo muddo xilkaas hayay, waxaanu markii dambe noqdey hogaamiyay garab ka go’ay Xisbiga UCID oo ay kuwada jireen Xubno badan oo ka tirsanaa Xisbiga UCID, ALLE ha u naxriisto Marxuum Waqaf, waxa uu ugu danbeyntii sheegay uu ka leexday garabka kalle ee ay isku safka ahaayeen, waxana uu tilmaamay inaanuu la socon labadda garab ee uu u kala qaybsamay xisbiga UCID midna. 
IMG_0243 
IMG_0219 
IMG_0218 
IMG_0217 
IMG_0211 
IMG_0209 
IMG_0256 
IMG_0254 
IMG_0253 
IMG_0252 
IMG_0247 
IMG_0240 
IMG_0245 
Cali-Mahdi Cismaan Axmed 
Gabiley News Reporter 
Hargeysa Office 
Contactgabiley@Yahoo.Com
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: