12 January, 2012

Balanqaadyadii Beenoobay ee Jamaal Cali Xuseen, Qosolkii Cod Raadiska Ahaa ee Gabiley iyo Xaasidnimo Kasoo Ifbaxday.

Balanqaadyadii Beenoobay ee Jamaal Cali Xuseen, Qosolkii Cod Raadiska Ahaa ee Gabiley iyo Xaasidnimo Kasoo Ifbaxday.
“Walaal Ahmed, runtii qaab cusub baad keenteen, markaan qaybta danbe soo bandhigayana…” Jamaal

Gabiley (Gabiley News):- Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ku loolamaya siyaasada hogaanka xisbigii talada dalka lagaga guulaystay ee UDUB ayay soo if baxayeen qaar ka mid ah dhaliilihiisa ugu waawayn iyo Balanqaadyo dhicisoobay oo uu kaga baxay xubno ka mid ah naadiga akhristayaasha Timacadde Gabiley. 

Axmed Sh Nour Ducaaleh (Ahmed Biito) oo ka mid ah naadiga akhriska Gabiley ee Timacadde ayaa hore ugusoo bandhigay magaalada Gabiley daabacaadii koowaad ee buuga Diiwaanka qosolka, isagoo adeegsaday qaab masrixiyadeed loosoo Bandhigay Buuga Diiwaanka Qosolka ee uu qoray Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen kaasi oo ku cusbaa madalaha bandhigista buugaagta, noqdayna mid ay dadwaynaha reer Somaliland si wayn uga wada heleen, isagoo qoraagu wakhtigaasi usoo diray soo bandhigaha warqad uu uga mahad celinayo qaabka cusub ee ay buugiisa usoo bandhigeen, isla markaana ugu balanqaaday inay iyagu lasoo bandhigi doonaan daabacaada labaad ee buuga marka uu wadanka soo gaadhsiiyo. 

“Walaal Ahmed, runtii qaab cusub baad keenteen, markaan qaybta danbe soo bandhigayana waydin ila bandhigi Hargeysa iyo Gabileyba insha Allah next year. Markaa waynu wada socon, waanan ka xumahay inaynu is weynay, laakiin waynu is helaynaa; Aad baanad ugu mahadsan tihiin sidii la yaabka lahayd ee cusbayd ee aad buugga u soo bandhigteen.” Waa fariintii gaabnayd ee Jamaal Ali Hussein ugu mahad celinayay Ahmed Biito markii uu buugiisa soo bandhigay iyo balanqaadkii beenoobay ee uqaaday Naadiga Akhriska Timacadde. 

Ahmed Biito oo xalay kasoo qayb galay xafladii xalay loo sameeyay iyo tii murtimaal ee Hargaysa ayaa sheegay in aqoonyahanku Been u sheegay, sidoo kalena kaga baxay balantii uu la galay markii hore, ta labaadna Labadooduba Jamaal Cali Xuseen iyo Ururka Murti Maal midna may xusin in fikirkaasi ay hore ugusoo bandhigeen Naadiga Akhriska Timacadde, taasi oo barnaamiyada Murti Maal samayso iyo Buuga Jamaal midna. 

Ahmed Biito ayaa waxaa kale oo uu sheegay maanta wixii ka danbeeya inaanay jiri doonin waxa la yidhaahdo xuquuqda qoraaga ama fikirka ee marka lagu qorayo afka qalaad loo yaqaano (Copy right), taasi oo uu jideeyay aqoonyahanka siyaasiga sheeganaya ee Jamaal Cali Xuseen. 

Xubno ka tirsan Naadiga Akhriska Timacadde oo ka qayb galay xafladii xafladii Murti Maal ee maansoor loogu sameeyay bandhiga buuga uu qoray aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo jamaal laftiisu ka Hadlay aanu afka Soo Marin Naadiga Akhriska Timacadde iyo shakhsiyaadkii lahaa fikirka qaab masrixiyadeedka loo soo bandhigay buugiisa, taasi oo shacabka reer Gabiley iyo naadiga Akhriska Timacadde labaduba xaqiiqsadeen in Jamaal Cali Xuseen uu dadka reer Somaliland usoo wado Balanqaadyo aanay waxba ka suurto gali doonin. 

Jamaal Cali Xuseen ayaa mar labaad buugii Diiwaanka Qosolka kusoo Bandhigay isla jaamacada Timacadde ee Gabiley isagoo halkaasi iskadaa hal kalmad ee aan carabkiisa soo marin naadiga Akhriska Gabiley iyo shakhsiyaadkii soo bandhigay buugiisa Diiwaanka Qosolka ee uu duudsiiyay fikirkii cusbaa ee ay kusoo kordhiyeen in loo soo bandhigo. 

Jamaal Cali Xuseen heerka uu ka gaadhay xaasidnimada waxaa uu quudhi waayay inuu sheego shakhsiyaad reer Gabiley ah oo sheekooyin ugu tabarucay daabacaada buugiisa labaad iska daa inuu quudhi doono dad u kaambayn gareeya oo cod uga raadiya gobolada dalka jamhuuriyada Somaliland ee. 

Shacabka reer Gabiley ayaa Markii Jamaal uu ka baxay balanqaadkii uu la galay xubnihii fikirka lahaa ee naadiga Akhriska Timacadde, markii uu xafladihii loo sameeyay bandhiga buugiisa ee la qaatay fikirkii naadiga Timacadde uu hal mar soo hadal qaadi waayay ee uu siiyay ururada uu wato ee ay Murtimaal ugu horayso, waxay xaqiiqsadeen in Jamaal Cali Xuseen yahay nin diidan fikirka ay keeneen reer Gabiley taasoo cadaysay inaanu waligii fulin doonin balanqaadyada uu codka kaga doonayo shacabka reer Somaliland. 

Reer Gabiley waxay abaal wayn u hayaan qorayaasha reer Somaliland ee ay ka mid ka yihiin Maxamed Baashe Xaaji Xasan iyo Jaamac Muuse Jaamac oo labadooduba marka ay wadanka yimaadaan fuliyaan balanqaadyada ay u sameeyaan naadiyada, laakiin Jamaal Cali Xuseen waxaa soo if baxday cadaawad gaar ah oo uu u hayo reer Gabiley, isagoo markii u horaysay ee uu Gabiley yimid ka gaabsaday iskadaa inuu kulan u sameeyo ee uu carabkiisa soo marin waayo. 

Shacabka reer Gabiley ayaa baryahan danbe si wayn iskaga shaandheeya isla markaana u faaleeya hadalada ay siyaasiyiinta codka ka doonaya u balanqaadaan, kuwaasi oo hore u ogaaday qaar badan oo iyagoo qiiraysan balanqaadyo sameeya kadibna aanay waxba ka suurto galin sida Jamaal Cali Xuseen oo kale. 

Kalasoco Gabiley News Fashilaadaha Aqoonyahanka Jamaal Cali Xuseen. 

Ahmed Sh Nour Ducaleh (Ahmed Biito) 
Gabiley News Reporter 
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: