18 January, 2012

Hargeysa: Shil Baabuur Oo Galaaftay Nolosha Afar Qof Oo Uu Ku Jira Ilmo 8 Maalmood Jiray

Hargeysa (Waaheen) – Alle ha u naxariistee afar qof ayaa ku dhintay shil gaadhi oo shalay galab ka dhacay duleedka galbeed ee Magaaladda Hargeysa.
Shilkan baabuur ee dadku ku dhinteen oo ka dhacay Agagaarka Maqaaxida Inanta ee galbeedka Hargeysa ayaa sidoo kale waxa ku dhaawacmay afar kale, kuwaas oo la keenay Cisbitaalka guud ee Magaaladda Hargeysa.
Shilkan masiibada ah ayaa la sheegay inuu sababey gaadhi booyad ah oo dul maray gaadhiga dadku ku dhinteen oo ahaa Xaajiyad yar oo dadkan badhna dhinteen, badhna dhaawacmeen u siday dhinaca deegaanka lagu magacaabo Ceel-macaan, waxaana la sheegay in shilkan khasaaraha nafeed keenay uu dhacay ka dib markii booyadu ay ka baydhay neef lo’ ah oo jidka dhex taagnaa isla-markaana ay si kedis ah gaadhiga dadku ku dhinteen u duqeeyay.
Dadka shilkaasi ku dhintay ayaa waxa ku jira ilmo-yar oo la sheegay inuu jiray ilaa 8 maalmood oo kaliya, ruux dumar ah iyo laba rag ah, kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin Koos Ismaaciil Aaden, Cali Madar iyo Marxuum Magaciisa lagu sheegay Aaden.
Dadka dhaawacu ka soo gaadhay shilkan oo tiradoodu tahay afar ayaa waxa ka mid ah hooyada ilmaha yar ee shilkaasi ku saqiiray.
Short URL: http://waaheen.com/?p=28410

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: