18 January, 2012

SHIRWEYNAHA XISBIGA KULMIYE UK

Asalaamu Caleykum,
Ku:    Guddoomiyayaasha Laamaha Xisbiga Kulmiye ee UK
Og:   Guddoomiyaha G fulinta Xisbiga Kulmiye ee UK
         Taageerayaasha xisbiga kulmiye ee UK
Ujeeddo:  Shirweynaha  Xisbiga Kulmiye ee UK
Guddiga qabanqaabada shirweynaha xisbiga KULMIYE laanta UK ee lagu xulay shirkii ka dhacay Magaalada Bristol UK 17/12/11, waxay dhammaan ergooyinka Laamaha  Xisbiga Kulmiye ee UK Iyo xubnaha marti sharaftaba ku marti qaadaysaa shirweynaha Afraad  ee xisbiga Kulmiye UK  oo ka dhici  doona haddii ALLA idmo:
Harrow Civic Centre ,Station Road, London, HA1 2XF,
Maalinta Axada  5/02/2012 (Sunday 5th Febuary  2012).
Train station-ka ugu dhow: Harrow Wealdstone (Bakerloo line)
Buses: 182, 183, 140,340
................................ 
Shirweynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE UK ujeedadiisa ugu weyni waxay tahay in lagu doorto guddiga fulinta Kulmiye UK, madaama uu guddigii hore waqtigeedii dhammaaday, isla markaana lagu dardar geliyo wax-qabadka iyo hawlaha laamaha xisbiga ee magaalooyinka iyo gobolada wadanka UK.
Haddaba guddiga qabanqaabada shirweynuhu markay ka baaraan-dagtay sida ugu fudud ee uu shirweynahaasi u qabsoomayo waxay isla garteen sida soo socota:
1.      In shirku furmi doono  2:00pm soconna doono ilaa  7.00pm (05/02/2012).
2.      In dhammaan Laamaha Xisbiga Kulmiye ee ay soo dirtaan ergooyinkii uga qeyb geli lahaa shirweynaha afraad ee xisbiga kulmiye UK.
3.      In ergooyinka laamaha ka imanaaya ay ku jiraan ugu yaraan laba  xubnood oo dumar ahi, taasoo lagu xoojinaayo siyaasadda xisbiga ee ku dhisan dhiirri-gelinta in dumarku ka qayb qaataan dhismaha qaran cusub oo dimoqraadi ah.
4.      Inay laamuhu soo gudbiyaan magacyada xubnaha shirka uga soo qayb galaya ugu dambayn 31/01/2012.
Waxa dhammaan guddiyada laamaha Xisbiga Kulmiye ee UK laga codsanaynaa in ay sida ugu dhakhsaha badan ugala soo xidhiidhaan guddiga qabanqaabada shirka arrimaha kor ku xusan, waqtigana dhawraan mar haddaynu saacado kooban haysanno.
Wixii faahfaahin dheeraada ah fadlan kala soo xidhiidh:
Ibrahim-07983408914, Ali-07957396330, Xariir-07588570023,
Wa billaahi tawfiiq.
Guddiga Qaban Qaabada Shirweynaha 4aad UK
            Qaybinta ergooyinka laamaha
Laanta
Ergada
West London
15
East London
15
Birmigham
15
Bristol
15
North London
10
Cardiff
10
Shieffeld
10
Liverpool
7
Southeast London
8
Miltion Keynes
5
Manchester
8
Guddiyada iyo Marti Sharaf
32
Total
150

No comments: