Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland ayaa maanta furay qandaraasyo ay hore u baahiyeen bishii November sannadkii 2011, kaas oo lagu dhisayo madaarada Hargeysa iyo Berbera.
Kulanka lagu furay qandaraaslayaasha qiimeyntooda oo ku qabsoomay isla xarunta Guddidaasi waxa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha guddida Qandaraasyada, Aadan Cali Xasan (Nugaal), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada Md, Axmed, Agaasimaha Guud ee Gudida Qandaraasyada Md Maxamed C/kariim Bulaale iyo masuuliyiinta 11 shirkadood oo u tartamayay qandaraaska, kuwaasi oo isugu jiray shirkado caalami ah iyo shirkado wadani ah.

Agaasimaha guddia Qandaraasyada Qaranka ayaa ugu horeyn kulankaasi hadlay ka jeediyay waxaanu yidhi “Qandaraaskan maanta aanu fureyno oo aanu naadinay 12/11/2011, mudo bil iyo dheeraada ayey baahinta soo soctay, waxaanay ahayd yeedhmo loogu talagalay in shirkadaha caalamiga ah iyo shirkadaha wadaniga ahba inay ka qaybqaataan, sida muuqatana labaduba halkan way ku dhan yihiin oo way soo xareeyaan”
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista, Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md, Axmed Dalal Faarax, oo isaguna kulankaasi ka hadlay ayaa qandaraaslayaasha tartamay kula dardaarmay inay isku haneyaan shirkada ku guuleysata, waxaanu yidhi; “Anigoo ku hadlaya magaca Wasaarada Duulista Hawada iyo magaca Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada waxa farxad inoo ah, mashruucan oo muddo soo jiitamayey, mudo badana aad modeysay dadku inay mala awaal ka sameen jireen inay maanta (shalay) xaqiiq tahay in tartankiisii inoo furmayo, waxaan rabaa inay kalsooni yeeshaan tartamayaashu, mar walba inagu waxaynu jecelnahay in wax wanaagsan aynu u samayno dalkeena iyo dadkeenaba”
Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulistu waxa kale oo uu intaa raaciyay “Shirkadaha ka soo qaybgalay tartankan sida la ii sheegay waa kow iyo toban isugeyn, markaa waad garanaysaan habka loo maro qandaraaska iyo shuruucdiisa markaa maanta (shalay munaasibadan ayuu iskugu nimid waa furitaankiisa hadhowna waxa loo gali doona wixii farsamo ah.
Waxaan jeclaan lahaa in aan dowlada Kuwayt u mahadnoqo taageerada ay na siiyeen, markaa waxan u soo jeedin lahaa qandaraaslayaasha in aad isu haneysaan shirkadii ku soo baxda”.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada. Sidoo kale waxa uu tilmaamay muhiimada mashruucan oo uu sheegay in wax weyn uu ka badali doono ganacsigeena madaarada, waxaanu soo jeediyey in dhammaan la dhowro shuruucda.
Guddoomiyaha Guddida Q. Qaranka Md, Aadan C/laahi Xasan (Nugaal) oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in tartanka qandaraasyadan ay xaq soorayaan oo ayna shirkadna u xaglin doonin isla markaana u mahadnaqa dalka Kuwayt, waxaan hadalkiisa ka mid ahaa, “Maanta waa furitaankii waanu fureynaa shirkad waliba waxa ay soo qortay xaga lacagta ayuunba halkan layskaga sheegi karayaaa maanta (shalay wixii imika ka dambeeyana waxa la galayaa wixii farsamo ah, marka la furo ka dib, sheegida shirkada ku guulaysatana kolay wakhti ayay qaadanaysaa hana dadajinina, waxaanu balan idinku qaadayanaa inuu si cadaalad ah uu ku dhaco, siyaabo badan ayaa lagu taageereynayaa maaha lacagta oo kaliya” ayuu yidhi Guddoomiye Nugaal, waxana uu intaas ku daray “Madaaradu waa muunadii dalka iyo dowlada Somaliland, waan u mahadnaqayaa dowlada Kuwayt ee mashruucan nagu caawisay shirkadaha ku guulaysan doonaan waxaan Alle uga baryayaa inuu ku guuleeyo iyaguna ay dadaalaan”.
Mashruucan mashruucii ugu weynaa ee ay baahiyaa Guddida Q.Qaranka, isla markaana ay ku baxayso in ka badan sideed milyan oo doolar oo lagu dhisayo madaarada magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa, waxana la sheegi doona shirkada ku guuleysatay 24-ka bishan Janaury.
Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com

No comments:
Post a Comment