Amnesty International oo baadhaysa Maxaabiista ku dhimatay iyo kuwa ku xauunsanaya Jeelasha Somaliland
Hargeysa(Waaheen) Hay'adda Caalamiga ee xuquuqal Insaanka ee Amnesty International ayaa baadhitaan ku wada xaalada ay ku nool yihiin Maxaabiis ku dhimatay iyo kuwo ku xanuunsanaya Xabsiyada Somaliland gaar ahaana Hargeysa iyo Mandheera.
Baadhista ay wado Hay'adaasi ayaa la sheegay inay ka dhalatay Maxbuus dhawaan ku dhex dhintay Jeelka iyo kuwo Cisbitaalka u jiifa xanuunka TB-da oo uu ku dhacay kadib markii sida ay sheegeen Eheladoodu ay soo food saartay Nafaqo daro iyo Dawo la'aani.
Sida uu Waaheen u sheegay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xabsiyada Somaliland waxa uu sheegay in ay hawshaasi hay'addu u soo dirtay Gabadh ka mid ah shaqaalaha Hay'adaasi isla markaana ay la soo xidhiidhay Wasaaradda iyo Taliskaba balse waxa uu ka gaabsaday wax faahfaahin ah in uu ka bixiyo ujeedada socdaalkeeda.
Maxaabiista ay dhibaatadu ku haleeshay xabsiga Mandheera ayaa ahaa kuwo ka tirsanaan jiray Ciidanka Booliiska kuwaasoo lagu riday Xukuno dhaadheer, waxaanay Eheladooda iyo Qoysaskoodu wadaan cabashooyin la xidhiidha Xukunkaas balse Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hada wax garawshiiyo ah ka bixinin inkastoo warar Suuqa soo galay ay sheegeen in Cafis loo fidinayo.
Baadhitaanka Hay'addan ayaa waxa ka horeeyay warbixin kale oo ay Hay'adda Xuquuqal Insaanka ee Human Right Watch ka soo saartay Qaxooti Itoobiyaan ah oo ay Somaliland dhawaan u mastaafurisay Dalka Itoobiya kuwaas oo ay ku canbaaraysay Somaliland iyadoo sheegtay in ay ku xad gudubtay xuquuqdii ay lahaayeen.
Short URL: http://waaheen.com/?p=27928

No comments:
Post a Comment