"1975-kii ayaa sidaan sheekada ku helay la igu arkay aniga oo sudhan geed ku yaalla xaafadda Goljanno ee magaalada Hargeysa. Waxaan ku jiray Sallad…..”
Mustafe waa 36-Jir aan aqoonnin aabihii iyo hooyadii. Waxa uu ku noolyahay magaalada Hargeysa oo badhtankeeda lagu tuuray isaga oo qiyaastii bil ama laba ifka joogay. Waraysi uu wiilkan la yeeshay Wargeyska Saxafi, ayuu kaga warramay qiso xanuun badan oo ka turjumaysa nolosha ruux kalidii joog ah oo aan waxaa ummad is dhaafaysaa kala xigin, Waxaana uu Mustafe hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi. “Sannadkii 1975-kii ayaa sidaan sheekada ku helay waqti ku beegan, Salaaddii subax waxaa la’iga hellay aniga oo sudhan geed ku yaalla xaafadda Goljano ee magaaladda Hargeysa. Waxaan ku jiray Salad, markaa waxaana afka iigu jiray masaasad. Ruux dumar ah oo geedka aan ka lalmaday iga soo rogtay ayaana I geyssay Xarunta Agoomaha Hargeysa.
Dhaqan ahaan xarunta agoomaha waxa la qoraa qof kasta oo ruuxa ama ilmo yar geeya xerrada, waana la diiwaan-geliyaa. Sidaas ayaa la’igaga wareejiyay oo aan ugu koray dhalintii kacaanka.
6- Jir markii aan noqday ayaan baraarugay, waxaanan doonay ciddii I keentay xerada. Islaantii magaceedii ayaan baafiyay oo aan ka tixraacay diiwaankii la’gaga reebay, waanan helay Islaantii. Kaddib Islaantii gurigeedii ayaan ugu tagay, waxaana ay ii sheegtay inay Geed la’I sudhay inta salad la’igu ridday anigoo markaa dhashay ay iga qaaday, waxay I geysay geedkii laftiisii oo illaa maanta jira, waxaana ay ii sheegtay oo kale in marka ay I heleen ay ku wada socdeen Afar dumar ah oo shaqo u kallahayay. Waxay ii geysay oo kale saddexdii dumar ahaan ee kale.
Islaamahan waxaan ka dalbaday inay ii geyaan ciddii I dhashay, laakiin dumarkii waxay iigu dhaarteen inay halkaas iga heleen., waxayna igu yidhaahdeen xaafaddahan ayuunbay ku jiraan ciddii ama gabadhii ku dhigtay ee raadi.. meel aan ka raadiyo waan waayay.
Nin oday ah ayaa markii danbe iigu yimid xarradii anigoo illaa 7-jir ah, waxaana uu igu yidhi waan ku dhalay oo astaamo aan leeyahay ayuu sheegay. Waan ku dhagay oo waan raacay, siddii ayaanan iskuul ku galay oo aan caruurtiisa uga mid noqday, waanu I xalaaleeyay. Markii dagaalku dhacay 1988, waxaanu galay imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyadda sare.
Labaatan sano ka dib markii la qaxay ee la soo noqday ee aan muddo ka shaqeeyay dalka Djabouti oo aan reerkii hadba wixii aan helli karo taro..ayaa waxaa 1995-kii is qabsadday odaygii aabaha markaa ii ahaa Islaantiisii. Islaantu waxay ku dooday oo ay muddo isku haysteen in uu ii sheego in aanu I dhalin. Waxay ku tidhi da’ ayaad tahay Inankiina waakan weynaaday caruurtii xaqii lama qaybsanayo, markaa u sheeg runta oo ku dheh kumma dhalin. Dabadeed, wuu ii yeedhay waxaana uu igu yidhi siddaas ayaad tahay, maantana nin weyn oo aqoon leh ayaad tahay, wax aan kaaga baahanahayna ma jirto, siddaas ulla soco oo magaaladda iska gal, waan u qaadan waayay arrintaasina waxay igu noqotay waxaanad filayn iyo falaadhiba meel halis ah ayay kaa abaaraan.
Waxaan ku idhi odaygii hadday sidaastahay oo aanad I dhalin, maxaad iigu sheegi weyday mar hore ileyn waan is baafin lahaa oo dadkii I dhalay ayaan raadin lahaaye, maxaad ii dhigatay. Dabadeed waxaa uu yidhi dee waxaan is lahaa Ilmahaagii ha noqdo waanan kulla dedaalay,laakiin, sidaas ayaad ahayde anigu kumma dhalin.
Marka hore, waxaan ugu qaatay haddalkiisa xaqiiq iyo in uu I dhalay, siddaan horeba u idhi waxaa uu sheegay astaamo aan lahaa. Markaa astaamihii ayaan weydiiyay sidda uu ku ogaaday, waxaana uu igu yidhi. Astaamaha waxaa ii sheegay ninkii meesha (Xeradda dhalinta) waqtigaas haystay oo igu yidhi Inankan yar wuu ku anfici doonaaye korso. Ka hor intaanu odaygu igu odhan siddan ee aan caruurta ku jiray wax ka duwanaan ah oo aan dareemay iyo wax dhibaato ah oo aan qabay midna ma jirine waxaan ahaa nin reerkiisii helay oo si fiican ulla nool.laakiin, dhacdadaas danbe ayaa niyad-jab igu keenay iyo in aan waalan gaadho.
Waqtigaas sheekadani soo baxday ee reerkii aan ka dhexbaxay waxaan ka soo noqday Djabuuti oo aan ka shaqeynayay, arrintiina waxay keentay oo aan 1995-kii dib ugu noqday Xaruntii agoomaha oo aan 15 sanadood ka maqnaa, halkaygii ayaanan ka galay., muddo ayaan xeraddii waxaanan markii danbe Macalin ka noqday dugsiga sarre ee Faarax Oomar oo aan ka dhigi jiray maadada Fiisigiska…Laakiin, haddana, muddo laba sano ah markii aan ku shaqeeyay macalinnimaddii waa la iga eryay shaqaddii 2007-dii oo Garab la’aan ayaa I heshay in kasta oo aan ku dagaalamayna ma suurtoobin in aan ku guulaysto oo dib aan u hello shaqaddii, immikana noloshaydu meel halis ah ayay maraysaa. Immika waxaan u baahanay, oo iigu muhiimsani waa in aan hello dadkaygii iyo xuquuqdii aan dalka ku lahaa ka sokow Waalidka… ta kale noloshaydii ayaaba cidhiidhi ku jirta oo niyad jabkii iyo xaaladahaas addagi waxay I gaadhsiiyeen quus iyo in aan quutal-yoomkii ama cuntaddii ka fekero, sidaas darteedna cid kasta oo I garrab gelli karta waan u baahanahay taageeraddeedda.”
Akhriste, intaas qisaddii wiilkan dhalinyaradda ah haddii aynu kaga gudubno waxaa xussid muddan oo aanu weydiinay haddiiba loo baahdo goobta laga helli karro, waxaana uu noo sheegay in uu joogo waqtiyadda qaar Beerta xoriyadda, siddoo kalena waxa uu galinka danbe nagu soo marraa oo laga helli karaa Xarunta Wargeyska Saxafi ee magaaladda Hargeysa.
Published: 2012-01-11
Source: Wargeyska Saxafi
No comments:
Post a Comment