Xukuumada Oo Xabsiga U Taxaabtay Suldaan Xuseen Cirday Oo Ka Tirsan Salaadiinta Gabiley
Hargeysa, December 8, 2011 (Haatuf) – Ciidamada Amaanka Hargeysa ayaa shalay galab Xabsiga u taxaabay Suldaan Xuseen Aw Muuse Cirday oo ka tirsan Salaadiinta gobolka Gabiley, kaas oo mudo dhaw maalmood ah la sheegay inuu Misigta ka dhaawacnaa kadib markii Mushamac uu ku siibtay, isla markaana wakhtigii la xidhayey la sheegay in garbaha la hayey.
Suldaan Xuseen Cirday ayaa Xadhigiisa lala xidhiidhiyey dhacdadii ka dhacday Deegaanka Seemaal ee lagu dilay saddexda qof, kaas oo la sheegay inuu ka mid ahaa odayaashii wax ka saxeexay soo afjarida shaqaaqadii sanadkii hore ka dhacday deegaanka Ceelbardaale ee la isku khilaafsanaa.
Suldaan Xuseen ayaa wakhtigii la xidhay ku sugnaa gurigiisa oo ku yaala xaaladda Jigjiga yar, isla markaana la sheegay in uu hada ku jiro Saldhiga Ibraahin Koodbuur ee Magaaladda Hargeysa.
Sidaas waxa Haatuf xalay u xaqiijiyey Wiil uu dhalay suldaanku oo Magaciisa la yidhaahdo Cabdi Shakuur Suldaan Xuseen Aw Muuse, kaas oo xalay khadka tilifoonka aanu kula xidhiidhnay si aanu wax uga ogaano xadhiga Suldaanka iyo sababaha lala xidhiidhiyey xadhigiisa.
C/Shakuur ayaa waxa uu sheegay in markii ay Ciidamada Amaanka ee xidhayey aabihii ay waydiiyey sababta loo xidhayo ay ciidamadii bilaysku u ku wargaliyeen inay qabaan amar sare oo aanay dibna uga laabanaynin. Ugu horayna Cabdi Shakuur Suldaan Xuseen xadhiga aabihii ka hadlayaa waxa uu yidhi "Waxa maanta Casarkii noo yimid Ciidamo bilays ah, waxaanay nagu yidhaahdeen waxa amar nalagu siiyey inaanu soo xidhno Suldaanka, waxaanu markaa u sheegnay inuu Suldaanku dhaawacan yahay oo uu Misigta wax ka qabo, waxaanay nagu yidhaahdeen waxaanu qabnaa amar naga sareeya. Aabo waxa uu dhaawac culus ka qabay Misigta oo Shamac ayuu maalin dhawayd ku siibtay, oo shalay ayuun baa Gabiley laga soo qaaday oo Hargeysa loo soo gudbiyey, markaas waxaabanu is lahayn soo kaba oo Tigidhkii dhakhtarka ayaabanu u soo goynay, laakiin waxa dhacay in nalaga horjoogsaday oo odaygii isaga oo dhaawac ah inta la qaaday ayaa baabuurkii la saaray oo ilaa iyo hadana waxa uu ku xidhan yahay Saldhiga Koodbuur".
C/shakuur isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka jawaabay inuu aabihii wax ka saxeexay heshiiskii lagu soo afjarayey shaqaaqooyinka Ceelbardaale, waxa uu yidhi "Haa wuu mid ahaa dadkii wax ka saxeexay shaqaaqadii hore uga dhacday deegaanka Ceelbardaale, laakiin dad badan oo wax ka saxeexay iyo Caaqilo badan oo arintaas wax ka saxeexayba way joogaan wax talaabo ahna wali lagama qaadin markaa ma garanayo sababta Salaadiintii gobolka Gabiley kalidii looga bartilmaameedsaday".
Dhinaca kale xadhigan Suldaanka ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa wakhti xabsiga loo taxaabay waxgarad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Gabiley oo uu ka mid yahay la taliyaha Madaxwaynaha ee arimaha siyaasadda Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad).

No comments:
Post a Comment