15 December, 2011

Xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale oo ka faalooday sida loo wado dilkii Seemaal

Xildhibaan tilmaamay in xadhiga Abiib Timocad muujinaayo kartidarada xukumada Siilaanyo balse dadka ay waxqabad uga dhigayso!

Hargysa,-Xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale oo ka mida golaha wakiilada Somaliland kana soo jeeda gobolka Gebilay ayaa ku eedeeyay xukumada Siilaanyo xadhiga la-taliyaha siyaasada madaxweyne Siilaanyo Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timocad) wuxuu kaloo duray xil-ka-qaadista taliyihii hore ee ciidanka qaranka Somaliland Nuux Taani iyo dilkii foosha xumaa ee ka dhacay tuulada SEEMAAL dhawaan.

Xildhibaan Bashiir Tukaale wuxuu saluugay qaabka loo maamulay xadhiga la-taliyaha siyaasadda madaxweyne Siilaanyo oo lagu xidhay xarunta denbi baadhsita CID-da Hargeysa ilaa welina halkaa ku xidhan laguna xidhiidhinaayo dilkii foosha xumaa ee ka dhacay SEEMAAL.

Xildhibaan Bashiir ugu horeyn wuxuu canbaareeyay cidii geystay dilkaa foosha xun ee ka dhacay SEEMAAL wuxuuna sheegay inay yihiin cadow ku soo duulay nabadgelyada Somaliland wuxuuna yidhi qadiyadan horaa looga gaadhay heshiis ku meel gaadh ah oo labada beelood isla qaateen laakiin xukumada Siilanyo oo dhamatystirkeeda laga rabay ayaa ka gaabisay kaalintay ku lahayd dayacday taasana ka dhigtay degaanka CEELBERDAALE mid u nugul nabadgelyo daro.

Xildhibaan Bashiir wuxuu sheegay in fulinta dilkani yahay shirqool cadowga Somaliland soo maleegay wuxuuna ka codsaday hayadaha denbi baadhista Somaliland inay balaadhiyaan baadhistay wadaan oo aan lagu koobin reer iyo qolo. wuxuu kaloo xusay in kooxda debedmeerka ah ee AWDALAND STATE ku lug yeelan karaan falkan.

Xildhibaan Bashiir maruu ka hadlaayey xadhiga la tliyaha madaxweyne Siilaanyo Abiib Timocad wuxuu yidhi xadhiga Abiib waxaan u arkaa mid muujinaya kartidarada maamulka Siilaanyo oo dadka xadhiga Abiib Timocad u tusaaya waxqabad balse ku qarinaaya guuldarooyinka ku gedaaman maamulka Siilaanyo waayo la-taliyha madaxweyne Siilaanyo Abiib Timacad waa masuul ka tirsan xukumada Siilaanyo waxaan madaxweyne Siilaanyo ogayna ma oga ayaan u malaynayaa xadhiguna waa sharaf dil lagu karaamo dilaayo Abiib Timocad.

Sidoo kale maruu ka hadlayaayey xilka qaadistii taliyihii hore ee ciidanka qaranka Nuux Taani wuxuu yidhi xilku waa meerto oo masuul xilka waa laga qaadi karaa balse dhaqano cusub baa soo baxay oo ah in warbaahinta laga yidhaahdo hebel iyo hebel xilka halaga qaaado oo ay fusho

No comments: