05 December, 2011

Wasiirada Qoyskaskoodu Dalalka Dibadaha Degan Yihiin Iyo Kuwa Dalka Nagida Ku Ah

Wasiirada Qoyskaskoodu Dalalka Dibadaha Degan Yihiin Iyo Kuwa Dalka Nagida Ku Ah
Hargeysa, December 5, 2011 (Haatuf) - Golaha Wasiirada Xukuumada Somaliland oo tirooda guud ka kooban tahay 30 xubnood oo iskugu jira 24 Wasiir iyo 6 Wasiir ku xigeen, ayaa intooda badan ay qoysaskooda iyo caruuraha ay dhaleen ay ku sugan yihiin dalalka dibadaha, kuwaas oo inta badan masuuliyada iyo xilalka ay u hayaan qaranka kaga mashquula socdaalada qoysaskooda dibadaha ku nool, oo ay safaro ugu baxaan.
Halka ay jiraan xubno dalka gudihiisa ay ku sugan yihiin qoysaskooda iyo caruuraha ay dhaleen.
Xubnaha golaha wasiirada ee qoysaskooda iyo caruurtoodu ay dalka gudihiisa ku sugan yihiin ayaa waxa ka mid ah:-
1. Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare marwo Samsan Cabdi Aadan, oo uu ubadkeeda oo dhami Ay ku sugan yihiin dalka gudihiisa.
2. Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Axmed Xaashi Oday
3. Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur)
4. Wasiirka Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid.
5. Wasiirka dhalinyarada, Ciyaaraha iyo dhaqanka Cabdi Siciid Faahiye.
6 Wasiirka Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi
7. Wasiirka Diinta iyo Aw Qaafta Sheekh Khaliil C/llaahi Axmed
8. Wasiirka Caafimaadka Dr Xuseen Muxumed Axmed (Xuseen Xoog)
9. Wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta Ismaaciil Muumin Aare
10. Wasiirka dibu dajinta C/risaaq Cali Cismaan
11. Wasiir ku xigeenka hawlaha guud Cali Cabdi Saa'iq.
12. Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan
13. Wasiirka xanaanada xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir.
14. Wasiir ku xigeenka caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan
15. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha C/risaaq Khaliif

No comments: