05 December, 2011

Ergadii Guurtidu U Xilsaartay NabadayntaColaadii Ceerigaabo Oo Akadamiyada Ku Eedeeyay Inay Inqilaabeen

Ergadii Guurtidu U Xilsaartay NabadayntaColaadii Ceerigaabo Oo Akadamiyada Ku Eedeeyay Inay Inqilaabeen Waajibaadkoodii Distooriga Ahaa, Cadeeyeyna Inay Farogalin Joogto Ah Ku Hayaan Shuruucda Ay Dajinayaan

“Akadamigu Mashaariicda Aanu Wadno Ayay Isku Sawiraan, Oo Xeerarka Aanu Dajinayno Ayay Nagu Soo Faragaliyaan Oo Ay Yidhaahdaan Anagaa Dadka Wax Ka Soo Waydiinayna, Goluhuna Wuu Ka Tashanayaa” Md Obsiiye

“Akadamiyadu Nalamay Shaqaynayne Ceerigaabo Iyo Kalshaaleba Way Na Garab Cararayeen, Dadkii Aanu Masuulka Ka Ahayna Way Noo Dhaafeen” Md C/Qaadir Indho

Hargeysa, December 5, 2011 (Haatuf) - Gudoomiyeyaasha arrimaha bulshada, arrimaha gudaha ee golaha guurtida Somaliland C/qaadir Maxamed Xasan (Indho) iyo Axmed Muuse Obsiiye (Gacan) oo ka mid ahaa ergadii golaha Guurtidu u dirtay xalinta shaqaaqadii labada beelood ku dhex martay Ceerigaabo ayaa ku eedeeyay Akdamiyada Nabada iyo Horumarka inay carqaladaysay gudashada waajibaadkooda distooriga ah ee gudo galista hawsha nabadaynta ee loo xilsaaray, kuwaas oo cadeeyey in si qayrul sharciya ay ula wareegeen xilkii sharci dajineed iyo nabadgalyo ee qaranka ay ugu xilsaarnaayeen xilinta isku dhacyada beelaha.

Xildhibaanadan ayaa sidoo kale Akadamiyada Nabada ku eedeeyey in shuruucda ay dajinayaan golahoodu iyo aqoon is waydarsiyada loo qabanayo xeerarka ay dajinayaan ay isku sawiraan Akadamiyadu, isla markaana xadgudub ku sameeyaan xilka golayaasha sharci dajinta, iyagoo intaa ku daray in carqaladihii ay kala hor yimaadeen hawshii nabadaynta ee golahoodu u xilsaaray Akadamigu ay u gudbiyeen shirgudoonkooda, golahooduna go’aan cad ay ka gaadhi doonaan talaabada laga qaadanayo.

Guddoomiyayaasha arrimaha bulshada C/qaadir Maxamed Xasan iyo arrimaha gudaha Axmed Muuse Obsiiye oo shalay si gooni gooni ah ugu xogwaramay Haatuf, waxna kaga waydiinay caqabadaha ay Akadamigu nabada iyo horumarka kala hor yimaadeen gudashada waajibaadkoodii nabadaynta beelaha Ceerigaabo shaqaaqadu ku dhex martay ayaa ugu horayn guddoomiyaha arrimaha bulsha C/qaadir Indho, isaga oo ka hadlaya waxa uu yidhi “Akadamiyadu nalamay shaqaynayne Ceergaabo iyo Kalshaaleba way na garab cararayeen, warbixintiina shirgudoonka ayaanu u gudbinay, talaabada laga qaadayo iyo go’aankeeduna shirgudoonka iyo golaha ayuu u yaalaa, shan Litir oo Batrool ahna kama helnee iyagoo na garab cararaya ayuun baanu aragnaa”.

Md C/qaadir Indho oo aanu su’aalnay maadaama waajibaadkoodii distooriga ahaa ee nabadgalyada qaranka ay ugu igmanaayeen ay faro galin ku soo samaysay Akadamiyadu in la odhan karo waxay inqilaabeen golayaashoodii sharci dajinta, waxa uu yidhi “Shaqadii aanu qaranka u haynay Akadamiyadu iyagaa ku shaqaysta, anaga waxba nalama qabtaane dadkii aanu masuulka ka ahayn ayay noo dhaafeen, hase yeeshee ama Akadamiyada ayaa dalkan Guurti ka noqon ama golahayaga distooriga ah, sidaa darteed anagu shirgudoonka ayaanu u gudbinay warbixintayadii, golaha ayaana iska leh go’aanka uu ka qaadanayo”.

Sidoo kale guddoomiyaha guddiga nabadgalyada golaha guurtida Axmed Muuse Obsiiye oo ka mid ahaa ergadii guurtidu u dirtay shaqaaqadii Ceerigaabo, oo aanu wax ka waydiinay in wax faro galin ah ay ku sameeyeen Akadamiyadu ayaa waxa u ydihi “Had iyo jeer mashaariicda aanu wadno ayay Akadamiyadu isku Sawiraan. Ta labaad had iyo jeer xeerarka aanu dajinayno ayay soo faro galiyaan oo ay yidhaahdaan anagaa dadka wax ka waydiinayna oo golayaasha ku soo celinayna, faragalintaasina goluhu wuu ka tashanayaa, anagu waxaanu golaha u soo gudbinay in shaqada ay hayaan Akadamiyadu ay tahay hawlihii golaha guurtidu u xilsaarnaa”.

Dhinaca kale xoghayaha guddiga arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ee golaha wakiilada Cumar Axmed Saleebaan (Cumar San-weyne) ayaa xogwaran uu Haatuf siiyay badhatamihii bishii June 2011, ayaa sidoo kale Akadamiyada Nabada ku eedeeyay inay faragalin ku hayso xilkii xeer dajineed ee golahoodu u igmanaayeen, gaar ahaana sheegay in aqoom isweydaarsigii ay u qabteen xeerka nabadgalyada waddooyinka ay ku damaaciyeen inay ku soo wareejinayaan maamulka aqoon is weydaarsiga xeerkaasi, hase yeeshee ay ka diideen guddi ahaan, taas oo uu ku eedeeyay Cumar san-weyne Akadamiyadu inay faragalin ku hayso xilkoodii sharci dajineed , tilmaamayna in dhaqaalihii ay ku bixin lahaayeen aqoon is waydaarsiga xeerkaasi ay shuruud kaga dhigeen maamulka aqoon is waydaarsiga in xeerkaasi nabadgalyada waddooyinka lagu soo wareejiyo”. http://samotalis.blogspot.com/

No comments: