Ururka XISBULLAHI Oo Canbaareeyay Xadhiga Lagula Kacay Gudoomiyahoodda, Sheegayna In Ururkoodu Ku Baaqayo Shareecadda Diinta Islaamka
"Waxaanan horey u sheegnay imikana u sheegaynaa in ururku uu ku baaqayo ku dhaqanka Shareecada Islaamka" Af-hayeenka XISBULLAHI
Hargeysa (GNS)- Urur Diiimeedka XISBULLAHI ayaa maanta si adag u canbaareeyay Xadhiga lagula kacay Gudoomiyaha Ururka XISBULLAHI Sheekh Maxamuud C/laahi Geelle, oo ay maalintii shalay ahayd ciidamadda Amaanku xabsiga u taxaabeen Sheekha.
Ururku waxa ay sheegeen in ay ka xun yihiin xadhiga lagula kacay Gudoomiyahoodda, waxana ay xadhiga Sheekh Maxamuud C/laahi Gaalle ku tilmaameen mid sharci darro ah.
Siddaas waxa uu ururka XISBULLAHI ku sheegay War-saxaafaddeed ka soo baxay xafiiskoodda, waxana war-saxaafaddeedkan oo nuql ka mid ahi soo gaadhay xafiiska wararka ee Gabiley news u dhignaa siddan.
Marka hore waxaanu aad uga ka xunnahay xadhiga loo geystay guddoomiyaha xisbullah Sheekh Maxamuud C/laahi Geelle oo haba yaraatee aan lagu hayn ilaa haddana aan lagu soo oogin wax dambi ah oo uu galay.
Waxaanan horey u sheegnay imikana u sheegaynaa in ururku uu ku baaqayo ku dhaqanka Shareecada Islaamka, kaasi oo aan wadin wax khal-khal iyo khilaaf ah. Sidoo kalena in ururkani aanu hubaysnayn isla markaana cidna aanu ku xidhnayn Ilaahay mooyee.
Hadaba isagoo warkayagu sida u cad yahay ayaa waxaanu aad uga xunnahay Xadhigaasi lagula kacay Sheekha waxaanan u aragnaa mid xad-gudub ah oo cadaaladda ka fog. Waxaanan xukuumadda ugu baaqaynaa in si deg deg ah xorriyaddiisii loogu soo celiyo sheekha.
Ugu dambayntii haddii aanu nahay Xisbullaah waxaanu leenahay waar ma waxaa dambi noqotay Kitaabka Ilaahay ha la isku xukumo?
Allaa Mahad leh.
Cali Cumar Maxamuud
Af-hayeenka Xisbullah.
Gabiley news desk
Contactgabiley@yahoo.com
No comments:
Post a Comment