03 December, 2011

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo sheegay in aanu wax mucaaradada uhayn Xukumada Somaliland

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo sheegay in aanu wax mucaaradada uhayn Xukumada Somaliland Xadhiga Boqor Cismaan Buurmadawna kutilmaamay inkaartii Madaxweynaha Somaliland oo kudhacday

"Suldaanka ayaa Madaxweynaha Somaliland ka dalbaday in uu gurmad ufido Boqor Cismaan buurmadaw maadama oo uu yahay "

Berbera (GNS)-Sudaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo suldaan Xusseen Xaji Cabdi Cabdillahi oo kamida sulaadiinta Somaliland oo sadexdii cisho ee udanbeeyay ku sugnaa xarunta gobolka saaxil oo ay booqasho ku yimaadeen ayaa waxay Shirjaraa,id oo ay siwada jira manta ugu qabteen magaalada berbera kaga hadleen waxyabaaha bilicsan ee kusoo kordhay magaalada berbera mudada ay hogaanka dalka haysay xukumada xisbiga Kulmiye iyo waliba isbedelada magaaladan berbera ka hirgalay ee dhinacyada Arimaha bulshada iyo adeegyada haaydaha dawlada oo ay ka xuseen Dawlada hoose ee berbera, Dekeda iyo garoonka diyaaradaha ee berbera oo kutilmaamay mid aad kor loogu qaaday bilicdiisa iyi adeegyadiisa dhinaca dekeda ayaa waxa uu iyana ku sheegay in ay la tartamayso dekedaha caalamka maadama oo laga fuliyay mashaariic badan oo isugu jira dib udhis iyo adeegyo dab ku shaqeynaya oo albaabada furya oo nasiyayna askartii albaabada furi jiray sidoo kale waxa uu Suldaanka guud ee sulaadiinta beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir uu sheegay in aanu mucaarad ku aheyn xukumada Somaliland ee uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo)
balse isaga iyo Madaxweynaha la dhexmaray sida uu hadalka uyidhi. waxa kale oo uu madaxweynaha ku dhiiriyay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir in uu gacanta galiyo Madaxweynuhu meelkasta oo uu filayo in uu ku jiro citiraafka Somaliland isaga oo aan dhegaha udhigayn shacbigaa kugu dhaliili doona hadii aad koonfurta Somaliya ka dhiraan dhiriso citiraafka Somaliland waxaanu hadalkiisa ku bilaabay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir"Horta anigu mucaarad kumaan aheyn xukumada hore iyo Danbeysaba laakiin waxanu wadney toosin uun waxana kusoo doortay dadkii aanu hogaanka u aheyn markaa anaguna iyaga ayuun baanu la matalaa waxan Madaxweynaha Somaliland talo kusiin lahaa in aanu ka waaban halka uu ku jiro citiraafka Somaliland oo aanu is odhan shacbigaa kaa diidi ama kaga hor iman haday tahay koofurta Somaliya haday meel kale tahayba shacbigana anaga noodaa anagaa kaaga filan mar hadaad citiraafka Somaliland raadkiisa kujoogto waxa Kaloo aan leeeyahay waxay Somaliland dooratay in hogaanka siyaasadeed ee ugu sareeyaa dalka yahay Madaxweynaha waana mid saxa in lagugu daba istaago hogaanka dalka waayo umadu waxay kusiisay awoodii aad siyaasada dalka ku hoogamin laheyd laheyd Somalilandna ku hanan laheyd laakiin shacbi kaaga hor iman karaa ma jiro taas laakiin anagu Madax dhaqmeed baanu nahay anaga shacbigana la hadli kara adna waxaad tahay xukumadii lasiiyay awooda in uu ku hogaamiyo waxa meesha jiraana maaha wax buuran maahawaxaanad dee nin siyasiya oo ruug cadaadiyana intii Madaxweyne soo martay dalka adigiyo Cigaal uun baa jira waliba adigu waxaad dheereyd halgankii dheeraa ee aad mudada dheer kusoo jirtay taasna anigu uma arko inay khasaare tahay laakiin Madaxweyne haday kugu jirto shacbigaa sidan yeel oo aad ka dhawrsanayso shacbiga anaga noodaa shacbiga Somaliland laakiin siyaasada dhabta ah inaad nagu hogaamiso waajibkeeda adaa leh taasna hadaanu nahay madax dhaqmeedka waxa aanu kaaga balan qaadaynaa in aan cidina kaaga hor iman waayo umada hadii wax lagu qufilo dee xaqiiqdaa lagaga saara wixii lagu qufilay laakiin in lakhaadir dhawro oo layidhaa waar dadkaa gadoodi oo dadkaa kici doona taasi waa mid dhibaatadeeda adigana kuu leh horumarka uleh markaa aniga tolo waxay ila tahay wax mucaaradada oo inagu aynu isku haynaa ma jirto iyo wax mucaarada oo aanu kugu nahay wuxuunanu leenahay dadkaa aanu matalaynaa wax dareena oo culusi yaanu kaa galin

 laakiin umadu waxay kaaga baahantay in aad ka badheedho siyaasada aad ku hogaaminayso oo aanad nin ugu habran Somaliland halkii aad guusheeda ku gaadhaysaba in aad gacanta galiso koonfur haday tahay Unka haday tahay iyo haday meelkasta tahay anagu waxa aanu kaa doonaynaa siyaasad adag oo taas aad ka badheedhay ee aad ku guulaysatay doorashooyinkii hadaan kuyara noqodo halkaa koofurta aan leeyahay waxan ujeedaa hadii uu citiraafka Somaliland noqodo mid ku xidhan koofurta Somaliya oo ay ka fursan weydo in lays horfadhiisto waxa meesha ku jirana laga saaro waana midhka meesha ku jira adiga oo citiraafka Somaliland ku raadinaya cid walba hor fadhiiso oo miiska ku garaac, Mar ay saxaafadu weydiisay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir mar haduu aaminsanyay in citiraafka Somaliland ku jiro ishorfadhiisiga koofurta Somaliya ayaa waxa uu madaxweynaha ugu tagi waayay ee uu ugu sheegi waayay fikradan ayaa waxa uu ku jawaabay suldaanku"

Dee walaahi markii hore qofku hadii uu mucaarad noqdo dee anigu tilmaamana waan ku bixiyay tan saxaafadana hore ayaan ugu qoray laakiin taasi waxay keentay in ay dad madaxweynaha ka sokeeyaa sikhaldan hadalkayga uturjumeen waxaana nadhex gashay aniga iyo Madaxweynaha gacan sadexaad oo kuntu waaray iyo mooyi sablaale mid ay ka timiye waa markaan runta sheegayo anagu reerkan dhaqankiisii hore barigii halganku bilaamayay waxay dadku odhan jireen sheekh Isaxaaq goblan buu ahaan lahaa Hadii aanu habar jeclo dhalin midh xaqiiqana way aheyd oo dadkii hore dee dad hiile bay ahaayeen waxna istara laakiin nin dhaqan intuu koofur kasoo qaatay aan wali laqabsan dhaqankii beelaha dadkii somaliland ku dhaqnaa ayaa laga yaabaa in uu suuratul faahumku keenoo, Mar uu suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ka hadlaayay baaqyadii uu dhawaahan ku qoraayay warbaahinta ee ahaa in ay beesha magaado shir isugu timaado ayaa waxa uu kaga jawaabay"Tan arintan magaadana runtii xaalbaan ka bixinayaa oo waxaad moodaysaa inay beeluhu ku kala qeybsamaan karaan anigu se sidaas umaan haysane wuxuu baan lahaa laba xisbi oo kaliyi hasoo baxaan Xisbi magaado ah iyo xisbi xabuusho ah tiina runtii waan ka noqday waayo ma jecli in aan tokay waayo oo rag badan oo tolkayi intay Putland dabada ka maraan in ay putland ku dhawaaqaan anigay ceeb igu tahay markaan dadka ku dhiiri galinaayay shir magaado qabsadana raali halayga noqdo ayaan leeyahay xaalna waan ka bixiyay, mar uu suldaanku ka hadlaayay xisbiyada badan ee uu sida weyn udhaliili jiray ayaa waxa uu yidhi"taas waxa aan ku saleeyay markaan 1968 di ugu noqdo in jilib waliba calan yar meel kataagto yacnii qaranimo ayaynu gaadhnay taasna uma baahnin. maruu ka hadlaayay waxyaabaha magaalada berbera iska bedelay ayaa waxa uu yidhi"

Imika markaad maayarada lixda gobol dee markii hore Jiciir waa la majiiranyay laakiin ninbaa baro dheeraysiiyay anagu hargaysa wadooyinka waanu karkaranaa oo kolay iyadu dhaanta wada la,aanta laakiin ninkan Cabdale isagu waxa uu kujab dhigay wadadii uun buu mar qudha kabarkii saarayaa halkay hargeysana ka karkaranayso iyadoo caasimadiiya dawlada hoosena ka balaadhan dawlada hoose ee berbera kaasna waxan leeyahay waxqabadkiisu ma yara oo imika xaafadihii hargeysa oo dhan way isku wada xidhan yihiin oo laami qudhaa kusoo wareegta waana sidii barigii hore ay burco aheyd burco ayaa laheyd laami qudha oo siirooga layidhaahdo inkastoo aanan baryahaa qaadhin laakiin insha alaah waan gaadhi doono bal waxa iyana ukordhay iyo waxa ay qabteen. hadaan dhinaca dekeda berbera ka hadlo waxa aad moodaa in ay manta la tartami karto dekedaha caalamka iyada oo waxbadan oo muuqda ay ka qabteen maamulka hada joogaa waxyaabaha aan ka yaabay waxa kamida albaabada dabku furayo iyo dayactirka lagu sameeyay dhamaan xafiisyada iyo bilicda maanta ka muuqata dekeda waanan ku hambalayaynayaa xukumada iyo maamulka dekedaba wax wanaagasan ee ay qabteen ,

 Mar uu ka hadlaayay suldaanku sulaadiinta faraha badan ee layska soo caleemo saarayo ayaa waxa uu yidhi"imika bahashii sadalada aheyd waxay noqotay in nin waliba habartiisii malkhabad kala soo dago qaar badan oo kamida salaadiintan danbe ayaaban garanayn qiimaha sadlada oo ubaahan in dib loogu furo siminaaro oo loo qabto oo layidhaa waar sadlada shaqadeedu sidaa maaha waxaana imika kusoo badanaya salaadiinta niman aan qayladaba ogeyn oo iska soo boodaya imika waxa lay sheegayaa in boqor Cismaan Buurmadaw in imiraatka lagu xidhay oo loo qabsaday hanti ilma qadaafi leeyihiin oo accountkiisa kusoo shubteen waxan leeyahay arintaasi may dhacdeene inkaartii Madaxweynaha ayaa ku dhacday Madaxweynaha na waxan leeyahay Madaxweyne ninkaa uducee oo arinkiisa adigu madaxweynihiisii baad tahay udulqaado waxkasta oo uu kugu sameeyo ileen isaga uun baa afkiisa iska xumeeyay laakiin manta xawlal Qarqareynkay ayay soo gaadhee caruurtii iyo dadkii eeganayay sugayay naxdin baa dhameysaye xukumad ahaan haka seexanina waa nin Somalilandera waa nin isaga dhashay in uu mucaarad noqdo meeshana wax mucaaradadi meesha mataalo laakiin waxan umalaynayaa in ay taasi isaga ula eekaantay toosin markaa Madaxweyne ninkaa waad inkaartaya oo inkaartaadii ayaa ku dhacdaye ugurmo. 

Sidoo kale waxa uu Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir uu sheegay in dhinac cadaalada ay xukumadani waxbadan ka qabtay iyada oo aan wali lawada saxin hadana waxbadani is bedeleen isaga oo intaa kudaray in shaqsigii ugu haboonaa loo magacaabay gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland waxaanu gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland kutilmaamay shaqsi hawl kara oo cadaalada ilaaliya balse waxa uu Suldaanku farta ku goday qaar kamida garsooryaasha maxkamada gobolka ee hargeysa oo uu kutilmaamay qaar cadaalad daradu biyo dhigtay balse imika aan sidii xukumadii hore udhaqmin lana moodo in wax ay bedeleen dhaqanadoodii hore ee cadaaladeed. 


Dhinaca kale Suldaan Xussenn Xaji Cabdi Cabdilllahi oo isna hadalkooban ka jeediyay shirkaa jaraa,id ayaa Madaxweynaha ku hambalayeeyay caawimadii dhawaan loo geeyay koofurta Somaliya isaga oo sheegay in ay sulaadiin ahaan taageersan yihii xukumada Somaliland waxkasta oo la qabtana ka hadlayaan oo sheegayaan waxa kaloo uu intaa ku daray in xukumadani ka waxqabad badantay xukumadii hore ee Somaliland. 

Reporter by Mohamed Abdillahi Farah 

Gabiley.net berbera/office 

Soofadhiiste@hotmail.com

No comments: