04 December, 2011

Go’aamo laga soo saaray shaqaaqooyin ka dhacay Sanaag iyo beelihii oo balan qaaday fulintooda

Go'aamo laga soo saaray shaqaaqooyin ka dhacay Sanaag iyo beelihii oo balan qaaday fulintooda

Ceerigaabo -Gudida dhex dhexaadinta labadii ardaa ee dhawaan shaqaaqadu ku dhex martay gudaha Magaalada Ceerigaabo ayaa maanta soo saaray go'aan ka koobnaa sideed qodob oo xal u noqda shaqaaqooyin ay dad ku dhinteen oo wakhtiyo kala duwan ka dhacay gobolka Sanaag.

Xaflad loo sameeyay shaacinta go'aamada guddidaas oo lagu qabtay hoolka shirarka ee Dawlada hoose ee Magaalada Ceerigaabo waxaana ka soo qeyb galay weftigii Xukuumadda ka socday , Ergooyinkii nabadaynta ee gobolada kale ka soo gurmaday, Isimadii iyo Cuqaashii Gobolkaasi iyo dadweyne fara badan.
Gudoomiye ku xigeenka gudida dhexdhexaadinta Maxamuud Cawed ayaa halkaasi kaga dhawaaqay go'aamada ay soo saareen oo u dhignaa sidan:-

1. Marxuum Aadan Ismaaciil Xasan oo hore loogu dilay tuulada Ceel Qoxle waxaa laga xukumay 100 halaad iyo gabadh.
2. Marxuum Cabdi Cabdillaahi Jibriil oo lagu dilay badhtamaha magaalada Ceerigaabo waxa isna laga xukumay 100 halaad oo dhogor ah iyo 60 halaad oo lacag ah oo hashiiba tahay 200 Doollar, isu gayna noqonaysa 12 kun oo Doollar.

3. Marxuum Jaamac Ismaaciil Jibriil oo ahaan jiray taliyihii Saldhiga Daallo waxa laga xukumay 100 halaad oo Magtiisii ah iyo 30 halaad oo lacag ah oo laga soo qaaday taliye lagu dilay saldhigiisii hashiibana ay qiimaheedu tahay 200 Dollar, isu gayna noqonaysa 6 kun oo Dollar.
4. Marxuum Shiine Yaasiin Xiin-Finiin oo ahaa taliyihii Saldhiga Booliska ee degmada Fiqi-Fuliyo waxa laga xukumay 100 halaad oo magtiisii ah iyo 50 halaad oo lacag ah oo aanu ka soo qaadnay maadaama dhowr nin wada dishay marxuumka, hashiina uu qiimaheedu yahay 200 doollar, isugaynteeduna tahay 10 kun oo Dollar.

5. Marxuum Faarax Axmed Jaamac oo lagu dilay badhtamaha Ceerigaabo gaar ahaan beerta Xorriyadda waxaa laga xukumay 100 halaad oo dhogor ah oo magtiisii ah iyo 50 halaad oo aanu ka soo qaadnay maadaama rag hubaysan oo gaadhi SURF ah wataa soo weerareen marxuumka ka dibna dilkaas gaysteen, hashii walbana qiimaheedu waa 200 Dollar, isu gayntuna tahay 10 kun Dollar.

6. Dhammaan Jiffiyaha iyo ganaaxa waxa lagu bixinayaa muddo bil gudaheed ah oo ka bilaabata 03.Dec.2011 kuna Eg 03.Jan.2012.

7. Baaqiga mag-weynta waxa lagu bixinayaa muddo 6 bilood ah oo ka bilaabanta 03.Dec.2011 kuna dhamaata 03.June.2012.

8. Mar kasta iyo meel kasta oo lagu kala qaadanayo xukumadaasi dhacay waa inay goobjoog ka yihiin gudida dhexdhexaadinta iyo maamulka Gobolka, waxaana tallaabo sharci ah laga qaadi doonaa cid kasta oo hakad gelisa fulinta go'aamadaasi."

Dhinaca kale, Gudoomiyaha gudida dhexdhexaadinta Siciid Maxamuud Ismaaciil (Sicii Bidaar) ayaa u mahad celiyey labadii dhinac ee xurguftu dhex martay sida ay u dhagaysteen una ixtiraameen gudidooda isla markaana u aqbaleen go'aamadii gudida dhexdhexaadinta ee uu gudoominayay soo saareen.
Dhinaca kalena markii go'aanadaasi lagu dhawaaqay ka dib waxa halkaasi ka hadlay wakiiladii labada dhinac ee la dhexdhexaadinayey kuwaas oo ku dhawaaqay inay si duuduub ah u aqbaleen go'aamadaasi diyaarna u yihiin fulintooda.

Isimada labada dhinac oo ay metelayeen Boqor Maxamed Boqor Axmed Cali oo Beesha Waqooyiga Ceerigaabo u hadlayay iyo Garaad Cabdillaahi Cali Guuleed oo beesha Koonfurta Ceerigaabo u hadlay ayaa si weyn u soo dhaweeyey go'aamadaasi waxayna ballan qaadeen inay labada dhinacba ku kaantarooli doonaan fulinta go'aamadaasi.
Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, Gudoomiyaha Gobolka sanaag Cali Cabdi Hurre iyo Maayarka Degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo iyaguna ka hadlay xafladaasi ayaa ku dheeraaday sida ay lama huraanka tahay in reer Ceerigaabo u ilaashadaan nabadgelyadoodii , wada jirkoodii iyo sharaftoodii .

Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo isaga iyo weftigiisuba goob joog ka ahaayeen kulankaasi ayaa farriin u diray ciidamada ammaanka oo uu ku adkeeyey inay ilaaliyaan amniga loo xilsaaray isla markaana aanay xukuumad ahaan aqbali doonin in iyadoo ciidamadii qaranku ku sugan yihiin gobolka ay had iyo jeer gobolka ka dhacaan falal amni-darro oo iska soo daba noqday kuwaas oo khalkhal gelin kara amniga gobolka.

Wasiirku waxa uu tilmaamay inay maanta guul u tahay guud ahaan bulshada Somaliland, gaar ahaan reer Ceerigaabo, ergedii dhexdhexaadinta iyo intoodii nabadda u soo gurmatayba.
Md. Duur waxa uu ku daray In xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ka go'an nabadaynta bulshada Somaliland.

Wasiirka daakhiligu wuxuu sheegay inay xukuumad ahaan diyaar u yihiin inay la kulmaan beelaha wax ka tabanaya saamiqeybsiga xukuumadda.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com

No comments: