19 December, 2011

Masuuliyiinta Saddexda Xisbi Qaran oo Aragtiyo iska soo Horjeeda ka Bixiyey Go’aanka Madaxweynuhu

Masuuliyiinta Saddexda Xisbi Qaran oo Aragtiyo iska soo Horjeeda ka Bixiyey Go'aanka Madaxweynuhu ku Dhaqan-geliyey Xeer ay Hore uga Qayliyeen

Masuuliyiinta saddexda xisbi ee KULMIYE, UDUB iyo UCID, ayaa markii ugu horreysay daaha ka fayday aragtiyahooda ku wajaan go'aankii Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ku dhaqan-geliyey saddexda xeer oo ku saabsan doorashooyinka, kuwaasoo ay axsaabta qaranku hore sida fiinta uga qayliyeen mid ka mid ah xeerarkaas markii Golaha Wakiilladu ansixiyey wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey.

Xisbul-xaakimka talada haya ee KULMIYE iyo labada xisbi mucaarad ee UDUB iyo UCID, ayaa si weyn uga biyo-diiday qaar ka mid ah qodobadda wax-ka-beddel iyo kaabis goleyaasha Baarlamanku ku sameeyeen Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta siyaasadda Xeer Lr. 14/2011 oo ka mid ah saddexda xeer Madaxweyne Siilaanyo qallinka ku duugay dhaqangalkooda Arbacadii toddobaadkan, iyagoo hore Madaxweynaha ugu dalbay in aannu saxeexin xeerkaas baarlamanku ansixiyeen xeerkaas ka dalbay Madaxweynaha in aannu saxeexin xeerkaas, isla markaana dib ugu celiyo Golaha Wakiillada.

Labada xisbi mucaarad ee UDUB iyo UCID, ayaa go'aanka ku tilmaamay go'aanka Madaxweyne Siilaanyo ku dhaqan-geliyey xeerkaas mid sharci-darro ah oo aan la aqbali karin, isla markaana ka dhalan doonaan cawaaqib-xumo dalka halis gelin kara, balse xisbul-xaakimka talada haya ee KULMIYE ayaa isagu aragti ka duwan ta mucaaradka ka bixiyey dhaqangelinta xeerkaas.

"Anigu dhaqan-gelinta xeerkan ee Madaxweyne Siilaanyo waxaan u arkaa uun inuu yahay Golaha Wakiilladu yaanay kaa horiman, sababta oo ah xeer marka labada gole isa soo dhaafiyaan Madaxweynuhu waa qallinka u dambeeya ee ah ma yahay maslaxaddii ummadda.

Markii hore ee wax-ka-beddelka lagu sameeyey xeerkan Madaxweynuhu Baarlamanka dib ayuu ugu celiyey isaga oo leh laba qodob wax ka beddela. Maalintaas anigu waxaan idhi labadaa qodob waxbaa ku hoos jira, waayo wax dib loogu celiyo xeer may ahayn. Wixii ku hoos jiray wuu soo baxay in xildhibaanku sida uu doono u socdo oo wakaa Guddoomiyihii Wakiilladu cirka la qabtay oo isagoo hayey xil qaran oo ummadda uu u dhexeeyo iminka furtay urur, annaga xildhibaano ayaa naga baxay oo noo soo qoray warqad cad, iyadoo dastuurka qorayo in aannu xisbigii laga soo doortay ka bixi karin." Sidaa waxa yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee UDUB, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Axmed Yuusuf Yaasiin oo u warramay shalay shabakadda wararka ee Berberanews.

Madaxweyne-ku-xigeenkii hore waxa uu sheegay in xeerka nidaamka ururrada iyo axsaabtu noqday mid lagu hungoobay oo aanay dan qaran ku jirin, isagoo arrimahaas iftiiminayeyna waxa uu yidhi; "Xeer waxa loo sameeyaa mustaqbal iyo jiil dambe. Anigu waxaan islahaa xeerkii aad samayseen sannadkii 2000-kii markii aan Golaha Wakiillada ku jiray. Xeerka la sameeyo maanta oo laga joogo 11 sanno kadib wuxuu noqon doonaa xeer ka dhidibo adag kiinii, laakiin wuxuu noqday xeer lagu hungoobay, sababta oo ah wuxuu noqday shaadh ay isle'ekaysiiyeen mudanayaashu Madaxweynuhuna ku raacay."

"Waxaan is lahaa Guurtida ayaa arrinkaas ka leexan oo aan iyagu xisbina ku jirin, balse iyaguna dantii qaranka may eegin. Cilladiisu waxay iman doontaa iminka wixii ka dambeeya oo aad u dheer, waxaanna masuuliyadeed leh maamulka maanta jira," ayuu hadalkiisa raaciyey Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.

Sidoo kale, Afhayeenka xisbiga UCID Mr. Maxamed Khayre Shabbaash oo Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay xalay si wax looga weydiiyo aragtida xisbigiisa ee ku aaddan dhaqangelinta xeerka nidaamka ururrada iyo axsaabta, ayaa ku tilmaamay inuu yahay sharci-darro ay isku bahaysteen xukuumadda iyo golayaasha Baarlamanku.

"Waxaannu u aragnaa sharci-darro ay isu bahayisteen xukuumadda iyo golayaashuba, waxana ku jira xeerarkaas qodobo ka horimanaya Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxay xukuumaddani ku fadhidaa waa diiwaangelin xaaraan ah, hadday sidaas ku adkaysteen, annaguna haddaanu nahay xisbiyada mucaaridka ah, waxaannu qaadi doonaa tallaabo," ayuu yidhi Mr. Shabbaash.

Afhayeenka UCID waxa uu rajo ka muujiyey go'aan Maxkamadda Sare ka saarto dacwad arrintaas la xidhiidha oo ay hore ugu gudbiyeen, "Waqtigan waxaannu ka dhursugaynaa maxkamadda oo aannu ku rajoweynahay inay caddaaladda u dhacdo arrintani, kana hadhi mayno, mana yeelayno.

Haddii sharcigu shaqayn waayo oo la ixtiraami waayo dastuurka oo la hirgelinwaayo annaguna tallaabadayada ayaanu qaadi doonaa," ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Afhayeenka UCID.

Haseyeeshee, Xoghayaha Guud ee xisbul-xaakimka KULMIYE Mr. Xasan Siciid Yuusuf, ayaa isagu sheegay in xisbigoodu taageersan yahay dhaqangelinta xeerkan oo ay hore diiddanaayeen.

Mr. Xasan Siciid oo isaga Jamhuuriya weydiiyey mowqifka xisbigooda ee dhaqangelinta xeerkaas, waxa uu si kooban ugu jawaabay; "Annagu waannu oggolnahay xeerkaasi ee ma diidanin, waanuna kula soconaa xukuumadda," ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee KULMIYE. Jamhuuriya

No comments: