"Marka Falal Amaan Daro Dhacaan Maaha In La Buunbuuniyo, Saxaafaduna Waa Seef Laba Af Leh, Ha Ogaato In Masuuliyadi Saaran Tahay"
Wasiirka Warfaafinta, Axmed Cabdi Xaabsade
Hargeysa, December 6, 2011 (Haatuf) - Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi galinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa gaashaanka ku dhuftay in xukuumadu ay cabudhinayso Saxaafada madaxa banaan, kaas oo tilmaamay inay ixtiraamayaan madaxbanaanida iyo xoriyatal qawlka, waxaanu ka digay in la faafiyo wararka khalkhal iyo amaan daro ka dhex abuuraya midnimada shacbiga Somaliland.
Wasiir Xaabsade ayaa sidoo kale ugu baaqay Warbaahinta inay masuuliyad iska saaraan xilliyada ay dalka ka aloosmaan isku dhacyada beelaha ee sababa xaaldaha amaan daro, kaas oo sheegay in laga fogaado wararka colaadaha iyo isku dhacyada beelaha Hurinaya.
Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade oo habeen hore ka soo laabtay socdaalkii nabadraadinta ee ay ugu maqnaayeen shaqaaqadii ku dhex martay labada beelood magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag oo Wargeyska Haatuf xalay xogwaran kooban ka siiyay arrimahaasi, ayaa sidoo kale baaq nabadgalyo u diray shaciga walaalaha ah ee ku dhaqan gobollada Awdal iyo Gabiley, cambaareeyayna falka dilka ah ee ka dhacay deegaanka Seemaal ee u dhexeeya Baki iyo Gabiley.
Wasiir Xaabsade oo ugu horayn ka hadlaya eedaha xukuumada looga soo jeedinayo saxaafada, waxa uu yidhi "Waxaan cadaynayaa inaanay xukuumada Somaliland marnaba aanay ogolayn in madaxbanaanida saxaafada iyo xoriyatul qawlka ay wax cabidhin iyo faragalin ah kula kacdo, waxaanay mabdi'iyan diyaar u tahay inay saxaafada kobciso, balse xaasha' waxba kama jaraan inay xukuumadu cabudhimnayso, waxaase waajib ah in saxaafadu ay masuuliyad iska saarto wararka ay baahinayso, kana fogaadaan waxkasta oo khalkhal iyo iska horimaad ka dhex abuuraya midnimada shacbiga Somaliland, waxkasta oo hurin kara colaad iyo nabadgalyo darana ay ka taxadiraan"
Wasiir Xaabsade oo ka hadlaya dhacdadkii dilka ahayd ee doraad ka dhacday deegaanka Seemaal ee u dhexeeya degmooyinka Gabiley iyo Baki ee lagu dilay saddexda qof oo laba ka mid ahi ay is dhaleen, waxa uu yidhi "Runtii falkaasi dilka ah ee lagula kacay saddexda qof ee aan waxba galabsani waxa uu ahaa fal axmaqnimo ah oo Islaamnimada ka fog, ehelkii ay ka geeriyoodeena tacsi baan u diraya, madaxweynuhuna amar degdega ayuu ku bixiyay in gacan ku dhiigalayaashii la soo qabto,warbaahinta Somaliland waxaan kula talinayaa inay ka taxadiraan wararka ay baahinayaan xilliyada ay falalka amaandaro iyo dilalka foosha xumi ay dalka ka dhacaan, maxaa yeelay warbaahintu waa seef laba af leh, waxna dumin karta waxna dhisi karta, hadba sida loo adeegsado ayuun bay waxtarkeda iyo waxyeeladeedu ku xidhan tahay,sidaa darteed saxaafadu ha ogaato in xil saarsan yahay"

No comments:
Post a Comment