FITNADU WEY HURIDAA EE NACLADI HA KU DEGTO KUWA TOOSIYA.
Ahmed Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha
Anigoo dabasocda dilkii
fuleynimo ee nabarka foosha xun ku suntay qaranimada Somaliland, waa dilkii ka
dhacay Seemaal eh, ayaan jecelay inaan wax ka idhaahdo kaalinta warbaahinta,
oday-dhaqameedka iyo wax-garadka arrintan ka hadla.
Warbaahinteenu waa xor waxaana xornimadooda damaanad qaaday dastuurka iyo shurcuucda dalka. Waxay hayaan waajib qaran oon looga maarmin hab-maamul-wanaaga dawladnimo. Waa tiir muhiim ah oo loo baahan yahay inay dhaliisha iyo la-xisaabtanka xukuuumad iyo mucaardiba xoojiyaan si hagar la'aan ah oo dhexdhexaad ahna ay ummadda u tusaan qaladka iyo gef waxay u arkaan, si ummadeenu ay u hesho inay qiimeyso siyaasadda ooy raacaan halkay danta u arkaan. Dhaliisha runta aha ee xukuumaddu waa toosin. Kolkay tahay been abuur iyo cayna, waa mid milgaha marbaahinta wax yeelaysa.Been-abuur iyo war aan la hubsan oo beenoobaa wey kala duwan yihiin. Kan xumi waa been abuur loo kasay.
Haddaba taas mecnaheedu ma aha inay xor u yihiin baahinta fidnada, iyo hurinta colaad sokeeye. Taasi waa xaraan, waayo waxwalba waxa ka horeeya nabadda, iyo jiritaanka qarannimo ee dalka hooyo. Ma aha arrin lagu gaban karo xoriyadda warbaahinta in meel dab ka baxaayo baansiin lagu shubaa wey reebantay. Waxa warbaahinta la gudboon dab-damis iyo gurmad nabadeed. Ma aha inay horseedo colaad iyo naxli sonkoreysan.
Sida cinwanka ku cad
waxaan soo qaatay odhaahdii Rasuulkeena SCWS uu inoogu muujiyey in nacdasha oo
ah cadhada Alle ay ku soo degto qofka ummadda fidino ka dhex abuura. Waxa
aynu ognahay oo kale xadiiska odhanaaya..qofka gardaro ruux muslim ah qudha ka
jaraa waxuu la mid yahay ruux aadmigoo dhan dilay. Sidoo kale ayuu Rasuulkeenu SCWS inooga digay dilka dhex mara muslimka, isagoo inoo sheegay in dagaalka Muslimka
dhexmaraa kan dhintay iyo kan wax dilayba ay yihiin ehlu naar.
Waxa si fudud loo
fidinayaa ereyo turxaan iyo naxli leh oo qofka yidhi laga yeebo inay ka keentay
cadho. Waxa xumaanta ugu weyn wadaa ee fidnada hurinayaa ma aha ciddii sida
axmaqnimada ah ehelkooda loo dilay oo iyagu aan xaqooda ka tanaasulin bal se
ka sugaaya garsoorka iyo xukuumadda, waa dad u badan dhinaca warbaahinta oo leh TV,
Idaacad, Internet , Jaraa'id, iyo websiteyo. Waxaad moodaa inay ku naaxaan
naxliga iyo xumaanta.Eeddo dabcan waa intooda arrintan ku kacda ee ma aha mid aan dhammaan u xanbaarinaayo.
Waan garan karaa in
dadka qaar si cadho leh oo caadifad leh ay arrinkan uga hadlaan, waa dabeeci.
Waxay se masiibo tahay cidda sii kordhinaysa ee sida xamaasadda ah u fidinaysa.
Waxaad arkaysa sida loo baahiyey hadaladii cadhada ka dhashay ee
oday-dhaqameedyada qaar ka yimid. Kolka kuwa sida degan uga hadlay ee isla
reerka ah aad ku arkayso meel meel qudha. Bal soo badha oo labadaas hadal isu
qiyaas sida loo kala fidiyey.
Haddaba inagoo dhammaan
isku raacsan in arrintan foosha xun aynu isku si u aragno, oo aynu ku ciil baxno
garsoorka oo la hor keeno cid kasta oo falkan lagu xidhgiidhiyo, waxa inala
gudboon inta baadhisto socoto inaynu samir iyo nabaddoonnimo aynu waxwalba ku
dhowrno. Yeynaan u jabin kuwa xumaanta sameeyey ee hadafkoodu yahay
khalkhal-gelinta nabadda aynu ku caano maalnay.
Ma nihin malaa'ig,
xaakim iyo maxkuumba waxaynu nahay aadmi, qalad iyo gefna waa ina daan weyne. Waxa
aarintu tahay gefka iyo qaladka sida loo saxo iyo in cadaaladdu shaqayso,
muwaaadinkuna helo garsoor uu ku kalsoon yahay oo xaqiisa cidda u gefta looga
soo jaro. Ma aha in cidina sharciga ka weyntay, iyo in cidina sharciga
gacanteeda ku qaadato.
Waxaynu ku noolnahay
mandaqad dagaal daashaday, xoog iyo muruq baabiiyey. Waxaynu taas kaga
badbaadnay waa nabadda aynu shacbi iyo xukuumadba wada ilaalinay. Waa
dhacdooyinka nabad-diidku kolba ay bar nabad ah ka fuliyaan sida aynu dhammaan uga
hawl galno. Waa samirka iyo kalsoonida dhibanayaashu ku qabaan nidaamka
dawladnimo ee dalkeena. Waa habka wadajir ee aynu gurmadka dab-damiska ugu diro
inagoo gacmaha is haysana.
Dariiqaas aynu guusha ku
gaadhany yaan laga leexan. Warbaahintu ha ogaato in falalka ka dhashay xumaanta
ay fidinayaan in haddaan ifka looga jarin, ay aakhiro xisaabteeda la weydiin
doono. Ha ogaadaan ereyga qof cadhaysan ka soo baxay ee ay buunbuuniyaan ee ay
meel walba gaadhsiiyaan in dambigeeda ayna cidi la wadaageen . Alle ha laga
cabsado oo wanaaga iyo samotaliska ha la fidiyo. Ha laga dheeraado xumaan
sheega iyo inta ka ganacsata dilka iyo dhiiga aadmiga.
Yaan reeraha dhibaatadu
gaadhay la sii shidin oon loo horseedin inay dhib kale ay iyana cid aan dambi
lahayn u geestaan. Taais ma aha aargoosi. Waxa aargoosi ah iyada oo la helo
cidda dambiga geesatay oo gacan bir ah lagu qabto,lana mariyo xumaanta ay
geysteen dheefteeda. Inta la kicinaayo, waxa xaqooda ay ku heliyaan in la
dejiyo, oo ay if iyo aakhirba ay ku helayaan wanaag iyo abaal marin. Sidoo
kale ayey ku aargooysan doonaan cadaaladda ooy ku ciil bixi markay arkaan
ciddii ehelkooda sida foosha xun u dishay oo inta la ugaadhsaday sharciga lala
tiigsaday.
Waxa haddaba inala
gudboon inaynu dhammaan u kacno ugaadhsiga dambiilayaasha si gaar ahna waa
waajib u saaran cidda ay ka soo jeedaan.Ma se aha mid yaraynaysa waajibka guud
ee bulshada saaran iyo xilka u gaarka ah xukuumadda iyo laamaheeda amniga. Aan
ku celiyo xilka warbaahinta, culumada iyo oday-dhaqanka, saaran ee ah wanaag-farka, xumaan-reebka, nabad-doonka, samir-qaadashada, la-shaqaynta baadi-doonka
mujrimiinta, iyo taakulinta maadi iyo ruuxba, inta dhibtu soo gaadhay.
Waxa la sheegayaa in
labada dhinacba ay jiraan dad ka soo qaxay oo cabsiyi ka soo rartay
guryahoodii. Waxa habboon in dadkaas loo gurmado oo loo fidiyo taakulin iyo
taageero maal, mood iyo ammaan ah. Maamulada labada gobal ee Awdal iyo Gabiley
si gaar ah ayey arrintan xil uga saaran yahay. Waa inay wada shaqeeyaan ooy
subax iyo galabba ay kala war qaataan, ooy wadajir gurmad nabadeed iyo taakulin
kaleba ay u geestaan kolba meesha looga baaho.
Aan mar akle idiin soo
qaato Abwaan Gaariye iyo xikmadiisa ma-guuraanka ah. Waa tilmaan cad oo
sifeynaysa aayo-xumada dhacdooyinka dagaal ee la dhex-dhigo dadka wada dhashay
ee abid aan kala maarmin, kala fogaan, kala tegi karin. Waxuu idhi abwaanku:
mar labaad ubadkeena
sidii Ey la guhaadshay
in ilkaha lagu qaado
-Unugtii shaleytoole
isku meesha u jeeday
iminka yaa iska hor jeedshay
-Laba oorya walaaliyo
ilmaadeer is maquunsha
lama sheegin aduunkee
-marka aan ugu liito
mar aan eeda sokeeyiyo
ilmahayga ku waayo
-mar aan aayo la'aanta
seedigay ugu aaro oo
walaashay asay qaado
-mar haday aqalkayga
haddii layga adkaadiyo
hadaan raystey idhaahdaba
-mar lay oohin u tahay
bal maxaan istafiiday
-Afartii garjahoodba
hadaan soo wada ooday
xageen geela irmaaniyo
markey beeshu haraado
u aroorinayaa
Fadlan fariinta
wanaagsan aynu fidino, nabadda aynu taageerno, cadaaladda aynu ku kala baxno,
cadowga aynu meel uga soo wada jeedno. Dalka cidina gaar uma laha, waa dalkeenii waa mid aynu dhammaan leenahay, cidna laga xigin, cidna ayna marti ku ahayn.
Inta yar ee kas gaabka ah ee ina kala qaybinaysa yeynaa raacin. Soomaliland
waxa leh reer Soomaliland oo dhan, si siman , si isku mid ah ayuu waajibka
qaran inoo saaran yahay, si siman oo isku mid ah ayeynu xuquuqna u leenahay.
Wadajir iyo walaalnimo.
Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha
Dhaqaalaha, Ganacsiga
iyo Maalgashiga
Pls Join me at my
Facebook Page
Likegaree pagekan fadlan
http://www.facebook.com/pages/Ahmed-Arwo/246544372035127#!/pages/Ahmed-Arwo/246544372035127

No comments:
Post a Comment