20 December, 2011

Dr.Gaboose oo markii u horeysay talooyin iyo dhaliilo culus u soo jeediyey madaxweyne siilaanyo iyo xukumadiisaba

Dr.Gaboose oo markii u horeysay talooyin iyo dhaliilo culus u soo jeediyey madaxweyne siilaanyo iyo xukumadiisaba

Hargysa,-Dr.Maxamed Cabdi Gaboose oo dhawr bilood ka hor ka mid ahaa golaha wasiirada xukumada Siilaanyo dhawaana urur siyaasadeed cusub kaga dhawaaqay magaalada Hargeysa ayaa durbaba ku tilmaamay xukumada madaxweyne Siilaanyo mid u nugul dhaliilaha saxaafadu ka qorto,wuxuu Gaboose intaas ku daray in wax badan oo xukumada Siilaanyo ka kaldani jiraan.

Gaboose wuxuu u soo jeediyay madaxweyne Siilaanyo inuu aqbalo dhaliilaha iyo galdaloolooyinka xukumadiisa ee warbaahintu farta ugu fiiqdo islamarakaana aanu u arag saxaafada kuwo cadaw ku ah ee uu fahmo toosin ay khaladaadkiisa ku saxayaan,wuxuuna yidhi isagoo la hadlaaya madaxweyne Siilaanyo ha dhibsan saxaafada khaladaadkay ku tusayaan maalin kasta ee i sixitaan u qaado.

Wuxuu kaloo Gaboose u soo jeediyay madaxweyne Siilaanyo inuu ka feejignaado talooyinka guracan ee ay badda ugu macanaynayaan inta ku xeeran oo isaga dhigaaya inay nasteex u yihiin ,wuxuu isagoo arintaas ka hadlaayana yidhi saaxiibadaa iyo kuwa agtaada ku dhashay ee kugu xeeran ee danta kula leh waxay ku odhanayaan dadka adigaa ugu sita,waxba ma xuma, dadku way dhergeen oo waxba inagama xuma ogow kuwaasi wey ku lugoynayaane.

Dhanka kale Gaboose oo u khudbadaynaayey qaar ka mid ah ardayda dhigata dugsiyada Dhexe/Sare ee dalka oo uu isagu soo ururiyey hool ku yaala Hotel Kaah magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ardayda ka qalinjebisa dugsiyada sare iyo jaamacadaha dalka sanad walba aanay helin wax shaqo ah oo bilaaa camal suuqa iyo baararka la tuban yihiin,qaarkood tahriibaan maalin walba ,qaarkoodna faraha iskula hadlayaan oo wali ku dhaw yihiin markii xukumada Siilaanyo isku mashquushay oo shaqooyin u abuuri kari weyday wuxuu intaas ku daray in si taas looga baxo la taageero ururkiisa UMMADDA oo ka saari doona dhibaatooyinka shaqo la'aanta .

Ugu danbayn wuxuu Gaboose u sheegay dhalinyarada isguulada dalka dhigata in wadooyinka dalka kulli gogo'an yihiin oo isagoo ahaa wasiirkii ugu cuslaa xukumada siilaanyo uu ku kufay oo gaadhi kula qalibmay oo uu dhiman gaadhay balse waxaa markhaati ma doon ah in Gaboose aanu ka hadli jirin dhibaatooyinka haysta dhalinyarada reer Somaliland intii uu ahaa wasiirka arimaha gudaha,sidoo kale kamauu hadli jirin dhaliilahaa uu Siilaanyo iyo xukumadiisaba u jeediyey xilligii uu ahaa wasiirka arimaha gudaha oo ay ka soo degeen xeebaha saylac ciidamo hubaysan oo ka tirsan jabhada ONLF oo gudaha itoobiya ka dagaal galay ,sidoo kale waxaa magaalada Hargeysa ku gubtay in ka badna 60 guri oo uu ku sheegay gaboose inay ahaayeen Bulal iyo Baakado kuna eedeeyay inay dadkii lahaa iska gubeen si daaro loogu dhiso

No comments: