Arabsiyo: Ceel-Biyood Oo Ku Dumay Shan Qof Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac
Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo C/laahi Cabdi Faarax ayaa sheegay in Dadkan dhaawacyadu soo gaadheen oo Sadex ka mid ahi ay yihiin dhaawac halis ah......
Arabsiyo(GNS)- Hal Qof ayaa ku dhintay Afar kalena waxa soo gaadhay dhaawacyo cul-culus, Ka dib markii uu Shalay galinkii danbe ku dumay Ceel-biyood ay ka qodayeen Beer Bustaan ah oo ku yaala duleedka Waqooyi Galbeed ee Magaalada Arabsiyo.
Dadkan waxyeeladu ka soo gaadhay Shilkan ayaa sida uu noo xaqiijiyey Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo C/laahi Cabdi Faarax ayaa ka qodayey Ceel-Biyood ay ku dhoobo qaadayeen oo dhererkiisu dhannaa 17-Joog ku dumay. kaasi oo sababay dhimashada Hal-qof oo Magaciisa uu ku sheegay Muuse Xaashi C/laahi, oo Xalay fiidkii lagu aasay Magaalada Arabsiyo. Sidoo kalena waxa uu Gudoomiyuhu sheegay in Laba nin oo ka mid ah kuwa dhaawacu soo gaadhay ay magacyadoodu kala yihiin Daa'uud Xaashi C/laahi, Khadar Yuusuf C/laahi, halka uu ku sheegay Labada kalana ay ahaayeen Shaqaalihii Beerta ka hawl-gali jiray kuwaas oo aanu Magacaantooda garanayn.
Sida uu sheegay Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo C/laahi Cabdi Faarax waxa Dadkan dhaawacyadu soo gaadheen oo Sadex ka mid ahi sii daran yihiin loola cararay dhinac Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargaysa, halka Hal Qof oo ka mid ahna oo dhaawaciisu sahlan yahay la geeyey Cusbitaalka Gabiley.
Ma'aha Markii ugu horreysay ee Ceelasha Magaalada Arabsiyo ay ku dumaan Mu'waadiniinta qodanaya Ceelashooda. Balse, waa markii labaad ee Muddo Sannad gudihii ay ku dumaan. waxaanay ahayd hooraantii Sanadkan mar Ceel-Biyood sidan oo kale loo qodanayey uu ku dumo Dadkii Qodayey, kaasi oo ay ku dhinteen Sadex Qof.
Gabiley news Desk
Contactgabiley@yahoo.com
No comments:
Post a Comment