20 December, 2011

Kulamo Dhexmaray Wasiirka Maaliyadda iyo Hantidhawrka Guud oo Khilaaf Culus u Dhexeeyey

Kulamo Dhexmaray Wasiirka Maaliyadda iyo Hantidhawrka Guud oo Khilaaf Culus u Dhexeeyey


Wasiirka Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mr. Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim (Maxamuud-dheere), ayaa markii ugu horreysay isku soo horfadhiistay kulamo lagu doonayo sidii xal looga gaadhi lahaa khilaaf culus oo labada dhinac ka dhex qarxay dhowaan, isla markaana ragaadiyey xidhiidhka wadashaqayneed ee ka dhexeeyey hay'adahaas.

Wasiir Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey xalay inay Hantidhawraha Guud ee Qaranka ka wadahadleen sidii loo xallin lahaa khilaaf in muddo ah u dhexeeyey oo hakad geliyey xidhiidhkii wadashaqayneed ee Wasaaradda Maaliyadda iyo xafiiska Hantidhawrka Qaranka.

"Wixii na dhexyaallay waannu ka wadahadlay, waxna waannu isla meel dhigay oo isla qaadanay, welina wahadahalladii way noo socdaan," ayuu si kooban u yidhi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka gaabsaday inuu faahfaahin intaas ka badan ka bixiyo khilaafka labada dhinac iyo qodobadda ay ilaa hadda ku heshiiyeen iyo sidoo kale waxyaabaha u dhiman ee wadahadallada dheeraadka ah ka yeelanayaan. Sidii kale wasiirku kamuun hadal in kulamadan labada dhinac si iskood ah isugu soo horfadhiisteen iyo in cid kale dhexdhexaadisay.

Ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya xuddunta khilaafka ka dhex oogmay Wasiirka Maaliyadda iyo Hantidhawraha Qaranka, hasayeeshee sida ilo-wareedyo kala duwan Jamhuuriya u xaqiijiyeen, warbaahintuna dhawr jeer oo kala duwan baahisay, khilaafka labada dhinac waxa uu bilaabmay badhtamihii sannadkii 2010, kadib markii sida la sheegay ay Wasiir Maxamed Xaashi Cilmi iyo Hantidhawre Maxamuud-dheere si weyn isugu maandhaafeen xisaab-xidhka miisaaniyad-sannadkeedkii qaranka ee 2010kii oo Hantidhawraha Guud u gudbiyey Golaha Wakiillada Somaliland.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland ayaa oo hore u sheegay inuu Hantidhawrka Guud ee Qaranka ka waayey natiijada baadhitaanno uu ku sameeyey ilaa siddeed goob oo wasaaraddiisa, isagoo xusay in dhawr jeer oo uu natiijadaas dalbadayna aannu wax jawaab ah ka helin, waxana sida la rumaysan yahay khilaafka labadaas hay'adood uu sababtay in Eng. Maxamed Xaashi hawlgeliyo hantidhar-hoosaad wasaaraddiisu leedahay oo qabta hawlihii Hantidhawrka Guud, xafiiskaas oo baadhitaanno uu sameeyey arrimo la xidhiidha musuqmaasuq xabsiga ugu taxaabay saraakiil ka tirsan Maaliyadda Somaliland oo ilaa hadda jeelka ku jira.

Kulamada iyo wadahallada u bilaabmay Wasiirka Maaliyadda iyo Hantidhawrka Guud ee Qaranka, ayaa u muuqda kuwo lagu doonayo in lagu damiyo khilaafka labada dhinac ka dhex dillaacay, balse si cad looma oga natiijada kama dambaysta ah ee ka soo bixi doonta.Jamhuuriya

No comments: