20 December, 2011

Xoghayaha UCID: Siilaanyo oo Jeebadaha Ka Buuxsaday Wakiiladii iyo Guurtidiiba

Siilaanyo oo Jeebadaha Ka Buuxsaday Wakiiladii iyo Guurtidiiba Xoghayaha Maaliyada ee Xisbiga UCID

Siilaanyo oo Jeebadaha Ka Buuxsaday Wakiiladii iyo Guurtidiiba

Waxaan aad ula yaabaa dadka yidhaahda Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, siyaasada dalka ka socota wuu ka hurdaa taasina waa fikrad qaldan oo dadka laga dhaadhiciyay laakiin waxaa hubaal ah siyaasadan fawdada gashay iyo qalalaasaha wadankaba inuu isagu u badheedhay, taas waxaa tusaale u ah inay isku milmeen Xukuumada iyo Golayaashii markuu Madaxweynuhu Xeer Lr14 dalbaday laba Qodob oo fudfudud inay wax kabadal ku sameeyaan laakiin ujeedada Madaxweynuhu may ahayn in labadaa Qodob wax laga badalo ee waa marmarsiiyo si ay Qodobo kale oo ay isla ogyihiin Gudoomiyaha Baarlamaanka in lagu soo daro oo shaadhkii Cabdiraxmaan toshay anfacaysa,Hadduu daacad ka yahay Madaxwaynuhu wuxuu odhan lahaa waar laba Qodob ayaan Xeerkan u soo celiyee, waa maxay Qodobadan cusub ee aad ku darteen.

Haddaba waxaan maqaalkaygan ku soo gabagabaynayaa geedi socodka Dimuqraadiyada Somaliland ay ku faani jirtay waxaa inaga burburinaya Xukuumada, Wakiilada iyo Guurtida mar hadii sax iyo qaladba ay isku raacsanyiin.

 Alla  Mahad Leh

 Xoghayaha Maaliyada ee Xisbiga UCID

Cabdalle Maxamoud Qardhab (goodpass)

No comments: