15 December, 2011

Ciyaarta Semi-final ka Sool VS MaroodiJeex Ciyaartii Oo dhamaatay Maroodi Jeex oo u gudbay Final ka Lana Ciyaari doonta Hawd

Ciyaarta Semi-final ka Sool VS MaroodiJeex Ciyaartii Oo dhamaatay Maroodi Jeex oo u gudbay Final ka Lana Ciyaari doonta Hawd

Burco /ToggaHerer 15 Dec 2011

Tartanka Gobolada Somaliland Wareega Semi-final ka Garoonka Alamzey Stadium Burco .

Ciyaartan Waxa Wada Dheelaya Gobolada Sool iyo MaroodiJeex.
Sool VS MaroodiJeex.

Garsooraha Ciyaarta Maanta ayaa ah Garsoore Caalami ah Waana Yusuf Maxamed Maaweel Waxanu ka yimi Wadanka Finland Waxaana lagu wadaa in uu Ciyaarta Final kana Garsooro .


Sool 1:3 MaroodiJeex


Ciyaarta Half Kii Hore waxay ku dhamaatay Eber Iyo Eber.

Qaybtii Danbe Ciyaarta ayaa Hadda Bilaabmatay




Goolka Waxa U saxeexay Gobolka Maroodi jeex Cabdi Riyaad oo Sita Funaanada 12 se ka ciyaaraya No 9.

Ciyaartan ayaa ah Ciyartii ugu Heerka saraysay uguna saraysa ee la iskaga hir yimaado intii uu socday Tartanka Ciyaaraha Gobolada.

Ciyaartan ayaa ah mid si khibrad leh loo wada ciyaarayo waxaana la odhan karaa waxa wada Ciyaaraya hadda Labada Tababare ee kala Hogaaminaya labada Xul.

Maxamed Cawil Xasan No 9 ee Gobolka Sool

Barbaro ayay maraysaa Ciyaartu..

Goolka Labaad Waxa U saxeexay Gobolka Maroodi jeex Govinda No 11

Goolka Sadexaad waxa Saxeexay Govinda oo sita No 11.



Gobolka Maroodi jeex ayaa la ciyaari Doona Ciyarta Final ka Gobolka Hawd maalinta Sabtida ee 17 Bisha Dec .

Gobolka MAroodiJeex ayaa kulankii Hore ee ay la ciyaareen Gobolka Hawd waxay kaga Badiyeen laba Gool iyo Eber se Waxay haddana Mar kale isugu Yimaadeen Kulanka Final ka ciyaaraha Gobolada Somaliland.

Govindha oo Ciyaara Gobolka MaroodiJeex sita No 11 ayaa Hogaaminaya Xaga Gool dhalinta ilaa Hadda Ciyaaraha Gobolada Somaliland…

Ciyaartan ayaa ahayd Mid aad u Xirfadaysanayd Ciyaartoyga Gobola Sool aya u haniyeey Guusha Gobolka MaroodiJeex guusha ay gaadheen.

Warqabadka ToggaHerer

Burco

 http://samotalis.blogspot.com/

No comments: