24 December, 2011

Cali Xoor-xoor Haddii la soo Celiyay Cumar Xasan in la soo Celiyaana Waa Waajib?.

Cali Xoor-xoor Haddii la soo Celiyay Cumar Xasan in la soo Celiyaana Waa Waajib?.

Waxaa jira Dad badan oo bulshadu u baahantahay, dawladuna u baahantahay .....

Bulsho Walba Waxaa ku jirta in badan oo Balaayo xijaab ah oo Dadka iyo Dalkuba u baahanyahay oo aan laga maarmi Karin, kuwaasi oo quudiya Danyarta iyo da'yartaba kuwaasi oo gacanta ku haya in badan oo bulshada ka mid ah oo aan Aqoon madaxwayne iyo Xukuumad kale toono. 

Cali Xoor-xoor dad badan ayaa u yaqaanay Deeqsi illaahay umadda usoo diray oo aan lahayn kayd gaar ah oo uu wax dhigto ama jeebabkiisa ka fuudh yeelo balse lacagtiisa waxa uu galin jiray bulshada qaybeheeda kala duwan sidoo kale waxaa jira Cumar Xasan Caalin oo ahaa Maareeyihii hore ee Kastanka Kalabaydh oo isaguna ahaa Nin bulshada inteeda badan ka hayay Xukuumada, waxaa jiray Qoysas badan oo danyar ah oo illaahay inta ka sokaysa Cumar Xasan Gacanta ku hayay oo Maanta aan Waxba haysan oo kii danbena ka jaray, bulshadaasi oo isugu jirtay Dad jilicsan, dad naafo ah oo kastanka la jaar ah, xaasaskii ay ka dhinteen Mujaahidiintii SNM iyo qaar kale oo Maanta u Agoomoobay Badalkii Cumar Xasan. 

Waxaa jira Dad badan oo bulshadu u baahantahay, dawladuna u baahantahay balse fikir qaldan laga Aaminsanyahay tusaale ahaa Cumar Xasan Caalin lama sheegin Wax uu meel dhigtay, balse Miskiinka iyo Madaxwaynaha sibuu wax ugu wada qabtaa, Waxaanu ahaa Nin Dadka iyo dalkaba si fiican ukala yaqaanay, kaasi oo fahmayay Meel kasta oo ay wax kaga soo bixi karaan, Maanta waxaaad Arkaysaa Dugsiga la jaarka ah Kastamka kalabaydh oo Malaayiin dollar maalintii agtiisa maraan in Macalimiintii Bilaa mushahar u Xidheen, ardaydiina laga gooyay Quudintii yarayd iyo dhacdhicii kastanku ku Kabi jiray Waxbarashada Dugsigaasi. 

Haddii ay Xukuumadu Daacad ka tahay Dadka wax uqabana dadka iyo dalkaba oo aanay meesha ka shaqaynayn Marwadaa wadata ee Lama badali karo, Cumar Xasan Bulshadaa u baahan, oo Dawladaa u baahan oo Dalkaa u baahan ee Waa waajib in la soo celiyo, Wasiirka Maaliyaduna hore ayuu uqiray Waxqabadkii balaadhnaa ee Cumar Xasan . 
Waxaa Bulsho waynta reer Somaliland inteeda badani iswaydiinaysaa Sababta Maamulka Dalka gacanta loogu galiyay dumar taasi oo inta badan bulshadu qirayso in Meelaha dhacdhaca iyo dhaqaalaha somaliland ugu badanyahay la geeyo dad ay Qaraabo dhaw yihiin Marwada Madaxwayne Siilaanyo sida Maareeyaha kastanka kalabaydh oo la sheegay in Wasiirka lagu qasbay in aanu Badali Karin ninkaasi, halka ay dib ugu soo celisay Maareeyihii hore dekada berbera Cali Xoor-xoor. 

Waxa isku kay qaban la, sababta ay marwadu u leedahay markaan Gabiley imaado waxaa la iila dhaqmaa sidii gabadh gurigoodii kusoo noqotay iyo Dagaalka iyo duulaanka hoose ee ay ku hayso Dakhliga iyo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Bulsho waynta Gobolka Gabiley ka soo jeeda. 

Guntii iyo Gabogabadii Waxaan kula talin lahaa Xukuumada Siilaanyo in ay Degdeg usoo Magacawda Cumar Xasan, si ay gacan ku haynta bulshada Gabiley dib ugu soo noqoto gacanta dawlada, taasi oo aan isleeyahay wax badan oo maanta ay reer Gabiley tirsanayaan ay bogsiin lahayd. 

Raaxo Cabdi Faarax 
Raaxo98@yahoo.com 
Uk/Bristol 

No comments: