24 December, 2011

Wasiirka Maaliyada oo ka noqday Go’aankiisii Iscasilaada iyo Nuxurka Kulan uu la yeeshay Madaxweynaha.


Wasiirka Maaliyada oo ka noqday Go’aankiisii Iscasilaada iyo Nuxurka Kulan uu la yeeshay Madaxweynaha.

Wasiirka Maaliyada oo la sheegay in uu ............

Hargeysa (GNS) Wasiirka Maaliyada Somaliland Eng. Maxamed Xaashi ayaa ka noqday go’aankiisii is casilaada ee uu istiqaalada ugu Gudbiyey Madaxweynaha Somaliland. 

Wasiirka Maaliyada oo la sheegay in uu saaka u gudbiyey Madaxweynaha Somaliland istiqaalada uu kaga tagayo Jagada Madaxweynaha ayaa kulan uu caawa fiidkii la yeeshay Madaxweynaha kaga noqday go’aankaasi ka dib markii ay ka wada hadleen Madaxweynaha iyo Wasiirka arinta keentay in uu Wasiirku dalbado iscasilaada. 

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Kulankan dhex maray Madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyada ee keenay in uu Wasiirku ka noqdo go’aankiisii balse warar xogogaal ah ayaa tilmaamay in uu Wasiirku ka noqday go’aankaasi uu ku doonayey in uu is casilo, waxaanay Madaxweynaha isla af garteen in dhaqaalaha ay isku khilaafeen Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaale lagu daro Khasnada Dawladda. 

Sacad Muse Cabdi 
Gabiley News Writer 
Hargeysa/ Somaliland
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: