29 November, 2011

Xukuumadda Oo Xabsiga Madaarka Caasimada Ku Xidhay Koox Dhaawacyo Ku Soo Gaadheen Dagaalada Somalia Iyo Taliyaha Bilayska Oo Ka Gaabsaday Fadeexada Xubno Kale Oo Hargeysa Lagu Dawaynayo

Xukuumadda Oo Xabsiga Madaarka Caasimada Ku Xidhay Koox Dhaawacyo Ku Soo Gaadheen Dagaalada Somalia Iyo Taliyaha Bilayska Oo Ka Gaabsaday Fadeexada Xubno Kale Oo Hargeysa Lagu Dawaynayo

"Badaa Ka Bax, Nin Waliba Wuu Odhan Karaa Amarka, Laakiin Arrinkaasi Waxba Ka Sheegi Mayno" Maxamed Saqadhi Dubad, Taliyaha Bileyska

Hargeysa, November 29, 2011 (Haatuf) - Ciidanka Amaanka ayaa shalay galab Madaarka caasimada ku xidhay todoba xubnood oo iskugu jiray xubno dhaawacyo rasaaseed soo gaadheen iyo rag adeegayaal u ahaa oo ka soo duulay madaarka magaalada Muqdisho ee dalka Somalia, una socday in lagu daweeyo Cusbitaalada Hargeysa.

Kooxdan ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen dagaaladii u dambeeyey ee Ciidamada maamul goboleedka Puntland iyo Maleeshiyada Beesha Leelkase ku dhex maray magaalada Gaalkacayo ee Puntland, kuwaas oo dhaawacooda hore loogu qaaday magaalada Muqdisho ee  Somalia ayaa maalintii shalay abaaro 4:00 Galabnimo diyaarad ka soo qaaday Muqdisho markii ay soo cago dhigatay Madaarka Hargeysa kana soo dageen ayaa la sheegay in isla markiiba Ciidamada amaanku u duubeen Diyaarada oo rakaabkii ka soo degay, halkaas oo muddo saacad iyo badh ah ay ku xabisnaayeen diyaarada gudaheeda.

Kooxdan lagu xidhay Madaarka oo tiradooda guud tahay todoba xubnood oo afar ka mid ahi yihiin dhaawacyo, halka saddex kalena ay adeegayaashii waday ahaayeen ayaa markii dambe ee diyaarada laga soo dejiyey lagu xidhay Saldhiga Bileyska ee Madaarka Caasimada hortiisa.

Wariye ka tirsan Haatuf oo xalay fiidkii booqday Madaarka ayaa ku arkay kooxdaasi dhaawacyada qaba iyo xubnihii la socday ee Somalia ka yimid oo gagi cidlo ah oo banaan dibadyaal ku ah, iyaga oo aan haysan hu iyo gogol ay ka jirsadaan dhaxanta qabow oo halkaasi ka dhacaysay, hase yeeshee ay Askarta saldhigu ay xaabo dab ah oo ka caabida qabowga ay u shideen.

Xukuumada Somaliland ayaan iyadu ilaa hadda aan ka hadal kooxdan iyo kuwo hore oo caasimada Hargeysa lagu daweynayo oo laga keenay Somalia sifaha ay dalka ku soo galeen iyo faraqa u dhexeeya labadan kooxood oo la sheegay inay ka soo wada jeedaan beesha Leelkase ee deegaanka Gaalkacayo.

Taliyaha ciidanka Bilayska Maxamed Saqadhi Dubad oo la sheegay inuu amarka xadhiga kooxdaasi isagu bixiyey oo aanu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay si aanu wax uga waydiino kooxdaasi dhaawacan iyo raga la socday ee ka soo duulay Muqdisho sababta xabsiga loogu taxaabay, maadaama oo koox hore oo dhaawacan ay todobaadkii hore ka soo dageen madaarka oo lagu daweynayo Cusbitaalada Hargeysa ayaa isagu ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo sababta loo xidhay.

General Saqadhi oo isagu ka hadlaya arimahaasina waxa uu yidhi "Baddaa ka bax, arrinkaa waxba ka sheegi mayno ninka wax naga doonayaa xafiiskuu noogu yimaadaa"

Taliyaha oo aanu waydiinay waxa ka jira in amarka lagu xidhay kooxdaasi in isagu uu bixiyay, isla markaana la sheegay inuu ku dooday in lagu tuhunsan yahay inay xidhiidh la leeyihiin Ururka Al-shabaab ayaa waxa uu yidhi "Nin waliba wuu odhan karaa amarka laakiin waxba ka sheegi mayno arinkaasi".

Maa markii ugu horaysay ee ay soo shaacbaxdo koox dhaawacyo ka soo gaadhay dagaalada Somalia ka aloosan oo lagu daweynayo Somaliland oo qaar ka mid ahna la xidho, qaar kale oo ka mid ahna lagu daweeyo cusbitaalada Caasimada.

No comments: