29 November, 2011

Majaajilaha Radio Maqalloocshe

Radio Maqalloocshe

A. A. Garas

Halkani waa Raadyow Maqalloocshe oo aydin ka dhagaysataan mawjadaha kaftanka aqoonka, akhyaartayada indhaha cascaseey maanta waxaad ka raali ahaan doontaan warkii dunida oo uu la kufay wariye dhagax kariye, balse waxaan maanta idiin hayaa bahal Gabay ah oo aan idinku gadh qaban doono.
Ku doonnoo ku waynee
Kulmiyoow ku maad tahay?
Ma kursiga nin fuuliyo
Oday kaliya baad tahay?
Kaysahaynu aasniyo 
Ma kornayl Muusuu 
Kulmiyaba ahaan jiray?
Kuraygaa Xirsiya iyo 
Ma duulistaad tahay?
Nacnac kardhanayiyo 
Malaa Kaahin baad tahay?
Mise kolayga Roodda
Ninka kuu dudaad tahay?
Koofeerka dumarkoo
Keeg lagu jaraayiyo
Ma kalloodhad baad tahay?
Kooxahan shabaabtiyo
Ma kufaar gadhlaad tahay?
Qurba joog kamiinloo
Koob shaaha shubinnoo
Kaashkii xawilayiyo
Kurka waalan baad tahay?
Ma kartoon sawiranniyo
Wax komiidhiyaad tahay?
Kudlad Xamar ku socotiyo
Koonfur caashaq baad tahay
Kulmiyaw ku weynee
Malaa kiishka Xaashee
Dhaqaalaa kobcaayiyo
Korodh beena sheegaha 
Laga koobiyaad tahay?
Kaabihii dhaqaalaha 
kadab-go'da jaqdaad tahay?
Kaanbaynkii foodkii
Kitaabkii la qorayee
Kadaaboobay baad tahay?
Kuuskii la qaatiyo
Kootadii baddeeniyo 
Armaad kaybelkii tahay?
Konbaniyo tartamayiyo
Kaar-goo miyaad tahay?
Kaalmadii Mahiigoo
Laga kaarto baxayiyo
Ma kacdoon demaad tahay?
Kulmiyoow ku waynee
Kosongiyo Nagaaddiyo
Hay'adahan dad boobkiyo
Kondhom qaybisaad tahay?
Ma kiniinkan ceebtiyo
Karaahida Raxmaankiyo 
Kala koriyahaad tahay?
Kala qaybi garankiyo
Ma karaamo waabaad
Kulmiyaw ahaydeen?
Ma ragood karbaashtiyo
Habro kibirku raaciyo 
Kontomeeye ururoo
Labadii kulaanboo
Kalahaaya baad tahay
Caashaqa kadinka yaalloo
Kulaylkii butaacoo
Kildhigiyo furkiisii
Kala jebinayaad tahay?
Kaabad dhagax dulsaar
Kuwa noolna qadiyaa
Jabhad kaashifaad tahay?
Kaftan hayga noqotee
Habar koobisaa tidhi
Kiristaan ma odhan karo
Muslinimo kiliiniyo
Kaskii muuminkana male
Kala nooc lahaygoow
Kulmiyoow ku caashaqay
Kool-kooli haybaad kulmiyaw ahayd
Kalgacayl Jabuutoo
Kaarahay dadkiisaad
Kulmiyaw ahaydeen?
Kal nuglaanta yaabnaye 
Ma nin gaal kiraystoo
Wadaniga karbaashoo
Shisheeye u kadleeyaad 
Kulmiyaw ahaydeen?
Ciidankiisa kaba tira
Kaashade cadaawiyo
Ma kadeedkan baad tahay
Kiintaal galleyiyo
Kaa waayay koombee
Ma kadeedkan baad tahay?
Kol mucaarid baad tahay 
Kol muxaafid bad tahay,
Kortinkii nin moodkiyo 
Ma karbaash qoyaad tahay?,
Ma colkii kabanaayay ee 
wax kudaayay baad tahay?
La soco………..

No comments: