04 November, 2011

Xukuumada Degaanka Soomaalida Itoobiya Oo Xukun U Dhaxeeya Shan Sanno Illaa.....


Xukuumada Degaanka Soomaalida Itoobiya Oo Xukun U Dhaxeeya Shan Sanno Illaa Xabsi Daa’in Ku Riday 45 Qof Oo Ka Mid Ah 57-kii Ruux Ee Ciidamadeedu Ka Qabteen Deegaanka Yoocaale.


Jig-jiga (Ramaas) Nov.03, 2011 – Maxkamada sare ee dawlada deegaanka Soomalida Itoobiya ayaa maanta xukun ku riday 45 ka mid ah 57 qof oo ciidamada Itoobiya ka qab-qabteen deegaanka Yoocaale oo uu dagaal ku dhex maray beesha Arab iyo Ogaadeen.

45-kan qof oo ka mid ah 57 ruux ka soo jeeda beesha Arab ee Somaliland oo markii dagaalku dhex maray beesha Ogaadeen ee Itoobiya ay ciidamadda Liyuu Booliska ee kililka Soomalida Itoobiya iyo ciidamada Milatariga Itoobiya ay qabteen deegaanka Yoocaale oo dhowr todobaad ku xidhnaa xabsiga dhexe ee Magaaladda Jig-jiga ee magaalo madaxda dawlad deegaanka Soomalida Itoobiya ayaa maanta la hor-geeyay maxkamada sare ee Ismaamulka Soomalida, waxaana halkaasi lagu dhageystay dacwadooda.



Warbaahinta Kililka Soomalida Itoobiya ayaa baahinaya in Maxkamada sare ee dawlad deegaanka Soomalidu ay ku riday xukuno xadhig ah oo dhaadheer, kuwaas oo u dhaxeeya 5 ilaa xabsi daa’in.

Dadkan reer Somaliland ee dawlada Itoobiya xukunka ku riday oo dhan 45 qof oo ka mid ah 57-ka ay qabteen ciidamada Itoobiya ayaa 10 ka mid ah lagu riday xukun dhan min 25 sanadood oo xadhig ah, 32 ka mid ahna waxa lagu xukumay min 15 sanadood oo xadhig ah, halka 2 ka mid ahna lagu riday min 5 sanadood oo xadhig ah.

Maxkamada sare ee kililka Soomalida Itoobiya ayaa sidoo kale waxa ay xabsi daa’in ku xukuntay mid ka mid ah dadka ay maanta xukuntay.

Dhinaca kale, maxkamada ayaa dadka ay maanta xukunka ku riday waxa ay ku eedaysay inay dileen 7 qof oo ay warbaahinta Itoobiya ku sheegeen muwaadiniin calankooda hadhsanayey.

Waxa kale oo dadkan shacabka ah ee Itoobiya xukuntay ay ku eedeysay inay gudaha dalka Itoobiya ku soo galeen si sharci daro ah, iyagga oo sita saanad Milatari.

Warbaahintu may sheegin in la sii daayey dadka kale ee aan la xukumin, maadaama oo markii hore ay qabteen 57, balse ay xukuntay oo kaliya 45 ka mid ah.





Ramaasnews Desk

Hargeisa
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: