04 November, 2011

War Degdeg ah: Madaxwayne Cabdi Iley oo Lasheegay in Xilkii Laga Xayuubiyay | Kilil5.com

War Degdeg ah: Madaxwayne Cabdi Iley oo Lasheegay in Xilkii Laga Xayuubiyay | Kilil5.com: "3 November 2011

Addis Ababa (Kilil5)---Warar hordhac ah oo aanu ka hellay dad lagu kalsoonyahay oo ah madax sare oo katirsan Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in Madaxwayne Cabdi Iley laga xayuubiyay dhamaanba xilalkii uu hayay oo dhan, todobaad gudihiisna si rasmi ah loogu dhawaaqi doono xil ka qaadista Madaxwayne Cabdi Iley.

Xil kaqaadista Madaxwayne Cabdi Iley ayay sida ay wararka Shabakadda Kilil5 ka helayso madaxda sare ee DDS qaarkood sheegayaan in la horkeeni doono baarlmaanka deegaanka todobaadka soosocda, si xil ka qaadista madaxwaynaha rasmi looga dhigo. Waxay warar kale sheegayaan in dhawr todobaad kadib madaxwaynaha la keeni doono Jigjiga, si uu u baarlamaanka deegaanku u ansixiyo xil kaqaadistiisa, si rasmi ahna loogu dhawaaqo.
"
Sii akhri

War Degdeg ah: Madaxwayne Cabdi Iley oo Lasheegay in Xilkii Laga Xayuubiyay | Kilil5.com:

No comments: