02 November, 2011

Wanqashii furitaanka xarunta Telefiishanka Qaranka ee Yurub oo lagu qabtay London



Wanqashii furitaanka xarunta Telefiishanka Qaranka ee Yurub oo lagu qabtay London

London - Xaflad balaadhan oo loogu dabaaldagayay laguna soo dhaweynayay furitaanka xarunta telefiishanka Qarankaee Yurub ayaa lagu qabtay maalintii Sabtidii ee taariikhdu ahayd 29,Oct,2011, galbeedka magaalada London. Munaasabadan oo ay kasoo qayb galeen dadweyne aad u tiro badan oo reer Somaliland ah, masuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Somaliland oo ay ka mid ahaayeen wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda ee Somaliland, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, , la-taliyaha arrimaha dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga ee madaxweynaha, agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta, aqoon yahano, fanaaniin iyo abwaano.Aayado quraana ka dib waxa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay caruur reer Soamliland ah oo ka socotay ururka jaalliyada Somaliland ee WLSC, kuwaasi oo heesta calanka ee Somaliland halkaasi ka qaaday, taasi oo qiiro galisay dadkii madasha xaflada ku sugnaa oo mar kaliya wada istaagay iyagoo wadnaha gacanta saaray.


Suxufiga caanka ah ee reer Somlailand Maxamuud Sh Axmed dalmar ayaa ugu horeyntiiba si qoto dheer uga waramay muhiimada saxaafadu u leedahay ummadda iyo faa’iidooyinka ay u ku jirta haddii sida saxa ah loo isticmaalo.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Maxamed yoonis Cawaale oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka xog waramay horumarka dhanka saxaafada ee xukuumada Somaliland samaysay, isagoo ku dheeraaday doorkii qurbajooga reer Somaliland kazoo qaateen isbedelka dalka dhacay. Waxa isna halkaasi ereyo kooban kazoo jeediyay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Xuseen Aadan Ahmed, oo sheegay in saxaafadu tahay mid qiimo weyn qaranka ugu fadhida oo loo baahana yahay. Lataliaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga Md.Axmed Xasan Carwo oo ka xog waramay oo sheegay inuu ka mid yahay dadka saxaafada la saaxiibka ah ee sida aadka ugu ololeeya ee jecelna horumarinteeda.

Axmed Carwo iyo Xeerilaaliyaha Xuseen Adan

Axmed Carwo waxuu kaftan ahaan u yidhi..."Dadweynahu ha bartaan hawsha La-taliyaashu hayaan..Hadday Wasiiradu yihiin gacantii Madaxweynaha, Waxaanu haysaanaa dhegta Madaxweynha oo wax badan oonu u sheegnay ayaa Golaha Wasaarada loo gudbiyaa, waliba kuwa iyaga ka yimaada, ayuu Madaxweynahu na yidhaa iga shaandheeyaa, teeda kale anagu toos ayaanu dadweynaha iyo Madaxweynaha isagu xidhnaa anagoon eegeyn dano gaar ah oo wasaarad amba hayadi leedahay iska dhaaf tu ruux leeyahay...dee ha nalala shaqeeyo oo mas'uuliyaddayada ha la qiimeeyo"... Dhinaca kale isagoo Axmed Carwo ka hadlaaya saxaafadda, waxuu yidhi," Haddaad maqasheen seddexda dhardhaar ee dawladnimo, sida Golaha Fulinta, Sharci dejinta, iyo sharci ilaalinta, waxa afreeya tiirka warbaahinta. Dal dimuquraadi ma sheegan karo haddaanu lahayn warbaahin madaxbanaan".

Isagoo si tifaftiran arrintaas ka hadlay ayuu waxuu ku soo gunaanaday sida ay xukuumadda Madaxweyne Silanyo uga go'antay madaxbanaanida warbaahinta mid xukuumadeed iyo mid gaar ahba. Tvga qarankuna waa mid magaca uu sito ku sifoobi doona oo muwaadinka u dhex ah, ilaaliya sharafta, sharciga, dhaqanka iyo asluubta qaran iyo muwaadin een noqon mid cid gaar ah u adeega. Axmed waxuu sheegay in Xukuumaddan oo xiligii doorashada aad ugu hadashay madaxbanaanida ayna ka suurtoobin inay af qabato. Waxuuna yidhi "Waxa leysku qaldaa mas'uuliin xukuumadda ah oo si shakhsi ah u dacweeya saxaafad ay u arkaan inay gef shakhsi ka galeen iyo xukuumaddii hore ee magaca xukuumadda ku dacweyn jirtay. Ninka maanta dacwoodaa waa shakhis la mid ah oo la xaquuq ah muwadinka uu dacweynaayo, uuna u maraayo sifo sharci ah, lana xidhayn saxafi aan maxamadi xidhin ooyna waaran u soo jarin. Waxa daliil u ah in Madaxweyne Axmed oo si badheedh saxaafadaha qaar ay u aflagaadeeyaan oo ay jirto sharci iyo qodobo distoori ah oo sharafta madaxda ilaalinaaya, inuu iskii u gartay inaan cidna maxkamad lagu geyn aflagaado isaga loo geystay. Haddaba hadday mas'uulinta qaar iyagu ay gartaan inay xaq muwaadin ahaan dacwoodaan, dee ma aha mid loo anayn karo xukuumadda" ayuu yidhi Axmed Carwo

Intaas dabadeed waxaa hadalka u kacay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo si qotodheer uga xog waramay dedaalka loo soo maray TVga iyo warbaahinta guud ahaan, hiigsiga dhow iyo kan fog ee Wasaaradda, isagoo ku sheegay in si dhakhso ah loo gaadhsiin doono Ameerika, dhowana dalka laga hirgelin doono idaacad wada gaadha dalka. Waxuu balan qaaday madaxbanaanida Tvga iyo dhexdhexaadnimadiisa.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay dad tiro badan oo reer Somaliland ah oo isugu jira qaybaha kale duwan ee bulshada iyo abwaano soo bandhigay gabayo iyo heeso loogu dabaadegayo furitaanka telefiishanka qaran ee Yurub. Fanaaniinta qaranka ee reer Somaliland ayaa iyaguna halkaasi macaan dadka halkaasi ugu soo bandhigay.

Somaliland ah oo isugu jira qaybaha kale duwan ee bulshada iyo abwaano soo bandhigay gabayo iyo heeso loogu dabaadegayo furitaanka telefiishanka qaran ee Yurub. Fanaaniinta qaranka ee reer Somaliland ayaa iyaguna halkaasi macaan dadka halkaasi ugu soo bandhigay.


Sawirada: Courtesy Hadhwanaagnews
Mohamed Haragwaafi
Haragwaafi4@yahoo.co.uk

No comments: