02 November, 2011

Hargeysa iyo saaka tolo maxaa ku cusubaa?

Hargeysa iyo saaka tolo maxaa ku cusubaa?

Hargysa,-Ciidamada amniga ayaa arooryadii hore ee saaka ka Bilaabay badhtamaha magaalada Hargeysa Baadhis lagu Baadhayo gaadiidka yaryar iyo kuwa waaweynba ee maraya magaalada hargeysa gudaheedaa lamana garanaayo sababta keliftay inkastoo beryahanba ay joogto noqotey in baadhis gaadiidka lagu sameeyo goobaha isgoosyada siiba habeenkii iyadoo xukumadu u qeexin dadkeeda wax la baadhayo si ay uga caawiyaan.

Magaalada Hargeysa ayaa la sheegay inaanay arinta baadhis maalmeedka gaadiidka la qabin gobollada kale ee somaliland,cabsiduna ku kooban tahay halkan .

baadhistan ay wadaan ciidamada amaanka ama booliska somaliland ayaan badiyaaba ka jirin jidadka ama laamiyada xaafadaha dhexmara hase yeeshee ku badan wadooyinka gaadiidka iyo dadkuba aad ugu badan yihiin ee suuqa iyo xarumaha dawlada waxaanay arintani xanibtay habsami socodkii gaadiidka waxaana cidhiidhi galay adeegyadii gaadiidku fulin jireen waxaanad arkaysaa gaadiidkii oo safaf dhaadheer galay oo isku xanibay maadaba jidadku awelba cidhiidhi ahaaayeen iyadoo wadooyinka badiddoda ay degan yihii n ganacsatada yaryar ee iibiya khudaarta iyo dharka huudheedhaka.

booliiska wax baadhaya ee gudaha baabuurta baadhaya ayaa u badan dumar ka tirsan ciidanka booliiska balse xagga baadhista loo maleynaayo inaanay khibrad badan u lahayn waxyaabo badana fahmi karin.

Gabadh booliis ah oo baadhis ka waday isgoysaka saldhiga dhexe ayaa baadhisteedu kaftan u badnayd maadaba baabuur kastaa oo ay baadhaysay haddala kaftan goroda u gelinaayey .

Dhinac kale ciidamada amniga ayaan baadhayn gaadiidka waaweyn ee qaada xamuulka sida iskarogooyinka,basaska waxaan iyaga aan la baadhayn baabuurta qaadka qaada oo iyagu xawli sare ku mara wadooyinka caasimada gudahooda.

baadhistan ciidanku wadaan maanta ayaan la garanayeyn waxay daaran tahay amaba wax laga shakiyey maadaba baadhis kale socotey mudo sadex cisho ah dhamaatey daraad taasoo ku beegnayd sanadguuradii 3aad ee ka soo wareegtay maalintii kooxda alshabaab qarxisay guriga madaxtooyada ,xafiiskii undp iyo xafiiska diblomaasiyada itoobiya ee hargeysa

No comments: