08 November, 2011

Wakiilada Mushaharka Iyo Gunnooyinka Usoo Xaadira, Xubnaha Aan Kuraasidooda Qadar Daqiiqado Ah Aan Fadhiyi Karin & Raga Madasha Ajandayaasha Lagu Codaynayo Ka Soo Daahira

Wakiilada Mushaharka Iyo Gunnooyinka Usoo Xaadira, Xubnaha Aan Kuraasidooda Qadar Daqiiqado Ah Aan Fadhiyi Karin & Raga Madasha Ajandayaasha Lagu Codaynayo Ka Soo Daahira

Qaybtii 10aad ee barnaamjika miisaanka 82-ka xubnoodee golaha wakiilada Somaliland muddii shanta sano ahayd ee xilka loo soo doortay ee ka dhamaatay oo aanu halkii idiinka sii amba-qaadi doono, qormada taxanaha ah ee aanu ka diyaarinay xildhibaan kastaa ficilada iyo habdhaqanada uu ka muujiyey madasha fadhiyada golahaasi muddadii shanta sano ahayd, ayaa sidoo kale waxa jira mudanayaal iyagu saxeexa liiska xaadiriska mudanayaasha soo xaadira oo hadana madasha fadhiyada iskaga baxa, halka ay sidoo kalena jiraan xildhibaano aan sal u lahayn in kursigooda ay ku fadhiyaan labada saacadood ee goluhu ku gudo jiro hawlmaalmeedkooda shaqo ee ay ku lafo guraan shuruucda iyo xeerarka ay dajinayaan, waxaana inta badan Kaamboolka xarunta golaha wakiilada lagu arkaa mudanayaal gaaf-wareegaya, iyadoo goluhu fadhiyo ama xafiisyada guddiyada ku sheekeeya, halka ay sidoo kalena jiraan xildhibaano xilliyada ay madasha fadhityada ku sugan yihiin xaalado xasaasiya ka abuura iyo xubno aan madasha fadhiyadaba aan ka soo xaadirin, balse mushaharka iyo gunno bileedka uun usoo xaadira.

55. Md Farxaan Maxamed Cali oo ka mid ah mudanayaasha xisbiga Udub ee laga soo doortay gobolka Togdheer, isla markaana ka mid ahaa golihii hore ee qaab beeleedka ku fadhiyay, hase yeeshee mabaa'diidii xisbiga Udub ee laga soo doortay ka mid ah xubnaha ka digo rogtay ee wakiilada xisbiga Kulmiye mawqifyadooda kula saftay, ayaa isagu ka mid ah wakiilada aan inta badan lagu arag madasha fadhiyada ee aan sida joogtada ah uga soo xaadirin, hase yeeshee inta badan madasha fadhiyada lagu arko fadhiayda gole weynuhu ajandayaasha ku ansixinayo ama go'aano lagu soo saarayo, kuwaas oo codadka la qaadayo ee lagu kala qaybsan yahay loolan adag loo galo, codadka shuruucda iyo mooshinada lagu ansixinayo.

56. Md Maxamed Faarax Qabille oo ka mid ah mudanayaasha xisbiga Ucid ee laga soo doortay gobolka Saaxil, isla markaana muddadii shanta sanadood ahayd mabaa'diidiisa mucaaridnimo aan mar kaliya badalin, ayaa isagu ka mid ahaa mudanayaasha Ucid ee wakiilada xisbiga Kulmiye kala mawqifka ahaa afkaarihii mucaaridnimo ee madasha fadhiyada ay ka muujin jireen xilliyadii xukuumadii hore ee Rayaale ay xilka haysay.

Md Qabille ayaa isagu ka mid ah wakiilada sharaarada badan ee madasha fadhiyada aan inta badan ka soo xaadirin, fadhiyada uu ka soo xaadirana aan qadar nusasaaca ah aan fadhiyin kursigiisa, isagoo inta badan gaaf-wareega xarunta golaha wakiilada subaxa hore, inta badana soo kalaha, isaga oo ka mid ah ku socodka badan gobolka Saaxil ee laga soo doortay xilliyada siyaasadeed ka oogan yihiin.

57. Md Maxamed Cismaan Bulqaas oo ka mid ah mudanayaasha xisbiga Kulmiye ee laga soo doortay gobolka Sanaag, gaar ahaan deegaanada bariga Sanaag, isla markaana lagu soo doortay doorasho toos ah, ayaan muddadii shanta ee uu golahaasi ku jiray aan ka leexanin mabaa'diida xisbiga Kulmiye ee laga soo doortay, isagoo kamid ah xubnaha deegaanada bariga Sanaag ee laga soo doortay golahooda uga dooda, isla markaana inta badan doodaha uu ka dhiibto madasha fadhiyada kaga hadla xaaladaha ka taagan deegaanadiisa, hase yeeshee Md Bulqaas ayaan isagu si xidhiidh ah uga soo xaadirin madasha fadhiyada golahaasi inta badan, balse ka soo xaadira golaha fadhiyada mooshino xasaasi ah la hor keeno.

La soco……

No comments: