08 November, 2011

Maydkii Inankayga Anigaa aastay, Ninkii Dilayna Hebel-hebel ayaan....

 Maydkii Inankayga Anigaa aastay, Ninkii Dilayna Hebel-hebel ayaan ……. Dawladuna wax baadhis ah kumay samayn ilaa hadda sababtii loo dilay " Aabo Iid

Umadda Dhibaa wada gaadhay aniga Inankaygu ha dhintee dad badan oo kale ayaa dhib  gaadhay oo wax la yidhiba aanay jirin

Hargeysa-Aabo Maxamed Iid Ibraahim Cabdi oo ah Aabihii dhalay Wiilkii Dhalinyarada ahaa ee dhawaan ku dhintay Hawl-galkii ay dawladu ku raraysay dadkii daganaa Xaafada Shacabka gaar ahaan Cusbitaalkaa Dabadiisa ayaa sheegay inaanay Dawladu ilaa hada waxba ka qaban Dilkii Wiilkiisa, wax xidhiidha iyo wada hadal ahna la  galin.

Aabo Iid Ibraahim oo  u  waramay wargeyska Waaheenoo ku Booqday Meherad uu ku leeyahay meel u dhaw goobtii Inankiisa Bilaysku ku toogtay, waxa uu sidoo kale sheegay inaanay Dawladu wax baadhis ah ku samayn Kiiskii Inankiisu ku dhintay,isagana aanay la soo xidhiidhin mudadii uu mootanaa Wiilkaasi.

Oday Ii doo aanu wax ka waydiinay  in ilaa hada Xukuumada Madaxwayne siilanyo xidhiidh la saoo samaysay  kalana hadashay Alle haw naxariistee Dhimashadii Wiilkiisa ayaa ku jawaabay "Aniga Inankaygii Dawlada ayaa dishay hadii ay dishayna wax xidhiidh ah oo ay ila soo samaysay ama igu soo booqatay  ma jirto, Inankayga maydkiisana aniga aastay iyadoo aan cidina igu kalifin cidina igu Khasbin, dawlada aanu ka wada xidhiidhnay ama aanu ka heshiinayna ma jirto, hadiise laga tegi waayo Xidhibaano beeshayada ah ayaa ii yimi waxaanay igu yidhaahdeen Dawladii ayaanu u tagnay waxay diidantahayna ma jirto, laakiinse ilaa hada anigu wax aan arkay iyo cid ila hadashay toona ma jirto" mid kale anigu Inankayga Ninkii Dilay waan garanayaa, dawladuna wax baadhis ah oo ay samaysay ma jirto, waxay aniga igu tidhina ma jirto ee waxan eegayaa Umadda Reer Somaliland Sharaftooda iyo karaamadooda oo aan leeyahay Qalalaaase iyo dhibi idinkuma wanaagsan, sidaasana aniga iimaan ahaan iyo caqli ahaanba ku sugayaa"

S: mudo ayaa ka soo wareegtay markii inankaaga Xabadu ku dhacday ee uu dhintay, marka maxaa kalifay in  kuula soo xidhiidhi wayday Dawladu?

J: ma garanayo, Wasiirka Arrimaha guduhu Jaraa'id iyo Tv-ga wuxuu ka yidhi arintaa waanu qaadanay oo Dawlada ayaa qaadatay Dilkaasi, dee Tv-ga iyo Jaraa'idka ayuu ka qaatay, laakiin aniga wax xidhiidh ah oo layla soo sameeyay iyo wax aanu ka heshiinay iyo cid ii timi oo tacsi iigu tmi toona  ma jirto.

S: hadii dawladu kula  soo xidhiidhi wayday mudada intaasi lee gee  inankaagu mootanaa, adiga iyo Madaxdii markii hore u tagtay ma la xidhiidheen idinku Dawlada?

J: maya waayo aniga in layla soo xidhiidho ayay ahayd, laakiin anigu inaan cid la xidhiidho maaha Ninka halkaa fadhiyana waan ahay.

S: waxaad ka dhawaajisay in Askarigii Inankaaga dilay aad garanayso, maxaad ka cadaynaysaa inaad ninkaasi garanayso, miyaad arkaysay markii xabada ku dhufanayay oo goob joog ayaad ahayd markii shilku dhacay,sidaad ku ogaatay?

J:  haa waan joogay anigu oo meel kumaan maqnayn Ninkana Hebel hebel ayaan u aqaanaa anigu, markaa dee waan garanayaa.

S: waxaad sheegtay Dawladu inaanay ilaa hada wax baadhis ah samayn, maxaad ku ogaatay inaanay ilaa hada wax baadhis ah samayn?

J: ilo madax banaan ayaan doontay anigu si aan u ogaado inay baadhistii socoto iyo in kale, haday socotana waxa calaamado u noqon lahaa halkii shilku ka dhacay ayaa la iman lahaa, dadkii meesha joogay ayaa la odhan lahaa meeye oo  wax la waydiin lahaa, sidaasi ayaan ku ogaaday inaanay baadhisi socon, ka dibna waxaan tegay Xafiiska C.I.D-da waxaana lay cadeeyay inaanay wax baadhis ahi socon oo shilkaasi la xidhiidhaa.

S: markii shilku dhacay ee Inanka la dilay Magaalada wax la sheegay inuu sitay Qori oo askarta ku ridayay, adiguna waadigan sheegay inaad goobta inankaagu ku dhintay aad joogtay, markaa side wax dhaceen, maxaase arintaasi ka jirta?

J: taasi waa been aan sal iyo raad toona lahayn, Ninkan dhintay  Guriga ayuu ka soo baxay, waanu sii shaqo tagay, isagoo meel yar oo laab ah ka soo baxay ayuunbaa xabada lagu dhuftay.

S: ugu dambeyntii bal ka waran dhibtii meesha ka dhacday ma adiga ayuunbay kugu koobnayd oo shilkani kugu dhacay mise dadkii kale ee la rarayna dhibaato ayaa soo gaadhay?

J: umadda dhibaa wada gaadhay aniga Inankaygu ha dhintee dad badan oo kale ayaa dhib  gaadhay oo wax la yidhiba aanay jirin,waxaan lagu daadiyay  meel cidlo ah oo aan wax qorshe ah oo laga sii sameeyay jirin, maalintii la rarayayna Qorshahan wasaarada Caafimaadka ayuunbaa wadatay oo waatii Maayirka oo kaadhadh la ordayaa noo yimi, ka dibna iyadoo wax lays yidhi wax laga heshiiyay jirin subax qudha lagu waa bariistay.

Waaheen

No comments: