03 November, 2011

Tacsi: Marxuum Maxamud Ciise Jaamac

TACSI UU DIRAAYO LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE ARRIMAHA DHAQAALAHA, GANACSIGA IYO MAALGASHIGA

ALLaha U Naxariistee waxa xalay ku geeriyooday Hargeisa Maxamud Ciise Jaamac oo ahaa Aqoonyahan sare, siyaasi iyo oday dhaqan.

Anigoo ku hadlaaya magaca Xafiiska La-taliyaha, ka reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga Amaal Cumar Carte waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta uu marxuumku ka tegay meel kasta oo ay joogaanba.

Marxuumku wuxu ka mid ahaa aqoonyahanka reer Somaliland ee qurbaha wax barasho u baxda kuwii ugu horeeyey, isagoo U tagay wadanka Ingiriiska 1952kii soona  bartay Cilmiga Beeraha, wuxuna markii dambe ka mid noqday Siyaasiyiintii Somaliya, isagoo dorashadii 1964ka barlamanka galay.
Allaha U naxariistee Marxum Maxamud Ciise Jaamac waxa uu xilal kala duwan kasoo qabtay dawladihii rayidka ahaa isaga oo muddo ahaa Wasiirkii Beeraha dawladihii wakhtigaas, Marxuum Maxamud Ciise markii dambe wuu isaga diga rogtay siyaasada wuxuna ka mid noqday Aas aasayaashii Mashruuca Ceelbardaale ee la shaqeeyay Allaha U Naxariistee SHeikh Muxumed Raage.
Markii u Halgankii dib u xoreynta ee SNM bilaabmay wuxu raggii bud-dhiga u noqday ee tallo iyo taagba u huray xorayntii dalka. Waxuu ahaa samotalis dun wacan oo marwalba xagga wanaagga wax ka eega.

Alle ha ka yeelo marxuumka kuwa dhaxla janatul fardows, ehel iyo asxaabna iyo inta aqoonta u lahayadba ha inaga yeelo kuwa laasima samir iyo duco. Aamiin.

Ahmed Hassan Arwo
La-taliyha Madaxweynha Somaliland
Arrimaha Dhaqaalha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
samotalis@gmail.com
http://www.facebook.com/#!/pages/Ahmed-Arwo/246544372035127

No comments: