03 November, 2011

TACSI KA TIMID MADAXWEYNAHA SOMALILAND




TACSI KA TIMID MADAXWEYNAHA SOMALILAND


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan Qoyskii, Qaraabdii, Asxaabtii iyo Ehelkii Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamud Ciise Jaamac. Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo dhamaan Shacabka reer Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo.

Maxamud Ciise Jaamac oo ahaa Aqoonyahan sare, siyaasi iyo oday dhaqan, wuxu ka mid ahaa dhallinyaro reer Somaliland ee qurbaha wax barasho u baxda kuwii ugu horeeyey, isagoo U tagay wadanka Ingiriiska 1952kii soona bartay Cilmiga Beeraha, wuxuna markii dambe ka mid noqday Siyaasiyiintii Somaliya, isagoo dorashadii 1964ka barlamanka galay.

Allaha U naxariistee Marxum Maxamud Ciise Jaamac waxa uu xilal kala duwan kasoo qabtay dawladihii rayidka ahaa ee Soomaliya, isaga oo muddo ahaa Wasiirkii Beeraha. Marxuum Maxamud Ciise markii dambe wuu isaga diga rogtay siyaasada wuxuna ka mid noqday Aas aasasayaashii Mashruuca Ceelbardaale .

Markii u Halgankii dib u xoreynta ee SNM bilaabmay wuxu ka mid ahaa raggii bud-dhiga u noqday ee tallo iyo taagba u huray xorayntii dalka. Waxuu ahaa samotalis dun wacan oo marwalba xagga wanaagga wax ka eega.

Alle ha ka yeelo marxuumka kuwa dhaxla janatul fardows, ehel iyo asxaab iyo reer Somaliland guud ahaan ha inaga yeelo kuwa laasima samir iyo duco. Aamiin.


The Office of Somaliland Presidential Advisor on:
 Economy, Commerce, and Investments.
Mr. Ahmed Hassan Arwo

002522 409 64 21
UK 07 904020 679

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: