21 November, 2011

LA-TALIYAHA MADAXWEYNHA EE DHAQAALAHA OO TACSI DIRAAYA

LA-TALIYAHA MADAXWEYNHA EE DHAQAALAHA  OO TACSI U DIRAAY EHELKA AMBASSADOR MAXAMED AXMED NUUR.

Waxaan tacsi u dirayaa ehelkii, qaraabadii, tafiirtii, xigtadii, xigaalkii iyo asxaabtii Maxuum Ambassador Maxamed Axmed Nuur Alle ha u naxariistee. Marxuum Maxamed oo ahaa safiirka Somaliland ee dalka Kenya oo ku geeriyooday Nairobi 20/11/2011, waxuu ahaa hawlkar u heelan hawsha uu dalka u hayo oo si niyad ah oon hagrasho lahayn uga hawlgala danaha Soomaliland ee dalka Kenya. Waxuu ahaa muwadin jecel dalkiisa una xusul duubnaa ictiraaf doonka iyo wax kasta oo horumarinaaya qarannimada dalka hooyo.

Waxaan sidoo kale tacsida u dirayaa xukuumadda iyo shacabweynha Somaliland gaar ahaan Jaaliyadda Soomaliland ee Kenya.

Waxaan Alle uga baryayaa marxuumka naxariis iyo inuu ka yeelo kuwa dhaxla janatul fardows, dhammaanteena ina waafajiyo samir iyo ducada marxuumka. Amiin.

Axmed Xasan Carwo
Lataliyaha Madaxweynha ee
Dhaqaalha, Gnacsiga, iyo Maalgashiga

eci.advisor@gmail.com

http://www.facebook.com/pages/Ahmed-Arwo/246544372035127#!/pages/Ahmed-Arwo/246544372035127?sk=wall

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: