08 October, 2011

Mujaahid Cali Guray Oo Si Adag Uga Hadlay Xildhibaanadii Labada Xisbi Mucaarad


Mujaahid Cali Guray Oo Si Adag Uga Hadlay Xildhibaanadii Labada Xisbi Mucaarad Uga Digay Rogtay Urur Wadani, Sheegayna In Xubnaha UDUB Iyo UCID Ka Baxay Golaha Laga Saarayo.

Hargeysa (Ramaas) Oct 8,2011 - Afhayeenka xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB Md Cali Xasan Maxamed (Cali Guray) ayaa ka hadlay xildhibaanadii doraad ku dhawaaqay inay ka baxeen xisbigaas isla-markaana ku biireen urur siyaasadeedka WADANI.
Md Cali Guray waxa uu sheegay in xisbiga UDUB ay ka baxeen labada xildhibaan, labadoodana ay waajib ku tahay inay ka baxaan golaha wakiilada, isaga oo sheegay inay ku bedalayaan mudanayaal kale.
Afhayeenka xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB Mujaahid Cali Xasan Maxamed (Cali Guray), sidoo kale waxa uu ka hadlay dhowr iyo toban xildhibaan oo ku dhawaaqay inay iska casileen xubin-nimadii xisbiga UCID, waxaana ugu baaqay hogaanka UCID inay xildhibaanada ka baxay xisbiga ay keenaan bedalkooda.
Afhayeenka xisbiga UDUB Md Cali Guray  oo u waramay wargeyska madaxa-banaan ee FOORE ayaa isaga oo ugu horeyn ka jawaabaya xisbi ahaan sida ay u arkaan xildhibaanada ka baxay xisbigooda "Xildhibaanada golaha wakiiladu saddexda xisbi ee imika jira ayuun-bay ku kala jiraan meel kalena uma kala wareegi karaan, golaha wakiiladana saddexda xisbi iyo ururo aan wakhtigan jirin kuma wada jiraan, markaa cidii UDUB ka baxda xubin-nimadeedii way banaanaaneysaa oo anagu badalka ayuun-baanu geynaynaa, markaa xildhibaano cusub ayaanu ku badalaynaa oo sharciga ayaa nasiinaya."
Mujaahid Cali Xasan Maxamed (Cali Guray) oo la waydiiyay sababta xisbiga UDUB ay uga baxeen xildhibaanadu ayaa ku jawaabay "Waatan ururadii siyaasiga ahaa la furay markaa waxa laga yaabaa in cid damac lahayd ay ka wayday halkan, markii horena way jirta fikrada ah inaan saddexdan xisbi la ahaan, markaa sababta waxaan u malaynayaa inay tahay in dadku ururada ay galayaan." Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray "Ururada cusubna waxa looga baahnaa dad cusub iyo dhiig cusub, laakiin intii xisbiyada ahayd haddii ay yihiin wax xisbiyada kale lagaga doorto ma hayaan ayaan isleeyahay."
Afhayeenka UDUB waxa kale oo uu ka hadlay xildhibaanadii ka baxay xisbiga Mucaaradka ah ee UCID "Intaaba UCID waxay xaq u leeyihiin inay badalkoodii keenaan, waayo qofku codka uu ku soo baxay xisbiga ayaa lahaa oo uu ku soo baxay, xeer ahaana lama ogola in loo kala wareego xisbiyada." Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray "Xisbiga UDUB waxa uu wakiilada ku leeyahay 33 xildhibaan, markaa 33-kaasi waa inay mar walba ahaadaan UDUB waana sharci, markaa haddii ay UDUB iska casileen waa inay golihii wakiilada ka baxaan."
Md Cali Guray waxa kale oo uu sheegay inay diyaariyeen xildhibaankii wasiir Duur lagu badalay "Haa…waanu badalay taana muran kama joogo, magaciisana waxa la yidhaahdaa Siciid laakiin inuu wali fadhiistay kama war qabo."ayuu yidhi.
Source: Foore

No comments: