
Madaxwayne Axmed Siilaanyo Oo Saaka Ka Kalahay Burco, Kuna Sugan Magaaladda Laascaanood Ee Xarunta Gobolka Sool Iyo Nuxurka Khudbad Uu U Jeediyay Ciidamada Milatariga
Laascaanood (Ramaas) Oct 8,2011 - Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa ku sugan Magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Madaxwaynaha iyo weftigiisa oo xalay ku sugnaa Magaaladda Burco ee gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa saaka markii ay gaadheen Magaaladda Laascaanood waxa soo dhaweeyay dadwayne tiro badan oo maamulka gobolkaasi u sii abaabulay, waxaana Madaxwaynuhu khudbad u jeediyay qaar ka mid ciidamada milatariga ah ee ku sugan halkaa iyo dadwaynaha Magaaladda Laascaanood isaga oo uga waramay xaalada dalku wakhtigan marayo iyo arimo kale oo la xidhiidha amaanka gobolka Sool.
Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu u balan-qaaday in aanay Xukuumaddiisu waxba ka kala hadhi doonin wax ka qabashada baahiyaha gobolka Sool, waxaanu Madaxweynuhu uu ka garaabay baahiyaha ay soo bandhigeen Masuuliyiintii ku hadlaayey afka gobolka Sool, kuwaas oo uu u sheegay in wixii suurto-gal ah ay wax ka qaban doonaan, waxaanu u soo jeediyey inay ka qayb-qaataan horumarka gobolka Sool, isla markaana ay ilaashadaan Nabadgelyada guud ee gobolka Sool
Sidoo kale, Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo waxa uu kulamo la yeeshay ururada bulshada, gaar ahaan ururka Haweenka gobolka Sool oo hore loo dhaawacay guddoomiyahoodii, iyaga oo ka wada hadlay arimo sida la sheegay khuseeya horumarinta haweenka gobolka Sool oo ay matalaan ururka haweenka ee la kulmay.
Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo sidoo kale, waxa uu kormeer ku maray xafiisyada Magaalada Laascaanood, kuwaas oo uu hubinayey hanaanka ay u shaqeeyaan.
Wixii war ah ee ka soo kordha safarka Madaxwaynaha ee gobolka Sool kala soco Ramaas
Ramaasnews Desk
Hargeisa
No comments:
Post a Comment