Daahir Riyaale, Axmed Yuusuf Yaasiin Iyo Siciid Sulub Oo Hab Tuugo Ah Isugu Wareejiyey Lahaanshaha Guryihii Dawladda Ee Ay Ku Jireen
Hargeysa, October 17, 2011 (Haatuf) - Madaxweynihii iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland, Daahir Riyaale, Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Wasiirkii hore ee Hawlaha guud Siciid Sulub ayaa hab tuugo ah isugu wareejiyey lahaanshaha Guryihii dawladda ee ay ku kala jireen, iyadoo ay mulkiyado aan sharciga waafaqsanayn ay u samaysteen Guryahaasi.
Waraaqaha Mulkiyadaha loogu sameeyey saddexda Guri oo la aaminsan yahay in la wada qoray kadib markii doorashadii 26 June 2010 lagaga guulaystay Daahir Riyaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin oo xiligaa labadoodu isu ahaa Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen ayaa hadana waxa qaarkood loo eekaysiiyey sidii oo codsigooda la qoray wakhti ka horeeyey doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26 June 2010, taas oo ay ku guulaysteen Madaxweyaha hadda xilka haya Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici).
Tusaale ahaan qoraal uu wasiirka hawlaha guud ee hore Siciid Sulub 4 July 2010 uu u qoray Maayirka Hargeysa uu ku amrayo Dawladda Hoose ee Hargeysa in guriga Lambarkiisu yahay A/105 iyo Dayrka ka soo hor jeeda ay ku wareejiso Madaxweyne ku xigeenkii hore JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, halka mid la mid ahna oo Riyaale lagu siinayo guriga dawladda A/86 uu Siciid Sulub dawladda Hoose u qoray 21/3/09, balse la aaminsan yahay in warqadaasi la qoray doorashadii ka dib oo laga dhigay Back dated.
Sida uu sharcigu tilmaamayo waxa hanti dawladeed bixin kara ama Manayn kara Madaxweynaha JSL oo kaliya, isaga oo raacaya shuruudo ay ka mid yihiin in qofka loo garto in hanti dawladdeed (sida guri) loo hibeeyo uu noqdo shakhsiyaad la isla garanayo, in hawlo mudakar ah uu soo qabtay Qaranka, laakiin ma jiro sharci u banaynaya ama awood u siinaya Wasiir ay xukuumaddiisii dhacday inuu isagu Madaxweyne hore u garto in la siiyo guri dawladdeed sida ku xardhan warqada uu Siciid Sulub u qoray duqa caasimada Hargeysa 21/3/2009, taas oo uu Siciid Sulub ku sheegayo in wasaaradiisu go'aansatay in guriga dawladda ee A/86 la siiyo Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo ka noqday dalkan Madaxweyne iyo ku xigeenka inuu yeesho guriga dawladda ee uu ku jiray markii uu ahaa Madaxweyne ku xigeenka JSL.
Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Daahir Riyaale ayaa isna Siciid Sulub waxa uu u qoray warqad uu ku mulki siinayo Guriga dawladda No. A/129 ee uu Wasiirka hore ku jiray.
Warqadan uu Riyaale u qoray Siciid Sulub ayaa waxay ku taariikhaysan tahay 4/5/09, lamana garanayo sababta ay warqadani uga horaysay tii Siciid Sulub dawladda Hoose ugu qoray Madaxweyne ku xigeenkii hore oo xiligii ay soo baxday ahaa 4/7/2010.
Mudane Riyaale marka uu siinayo Siciid Sulub guriga dawladda kuma taalo qoraalkiisa sabab uu u cuskanayo arintan aan ahayn jawaab ah "Aniga oo tixraacaya qoraalkaagii aad igaga codsanaysay in aan guriga A/129 ku mulkisiiyo waan kaa aqbalay, waanan ku mulkisiiyey gurigii dawladda".
Siciid Sulub ayaa lagu tiriyaa inuu ka mid ahaa wasiiradii ugu Musuqmaasuqa badnaa ee Maamulkii Daahir Riyaale, iyadoo dhacdooyinka Musuqmaasuq ee uu ku lug lahaa ay ka mid ahaayeen Gaadhi yar oo Suzuki ah oo uu Xamar kala yimid intuu ka iibiyey hay'adda wadooyinka, isagoo wasiirka hawlaha guud ah ayuu hadana isu codsiga iyo jeegii (cheque) lagu siinayey lacagta gaadhiga (Hadaad rabto inaad hesho warar dheeraad ah oo arimahaa ku saabsan waxaad ka heli kartaa cadadyadii hore ee Wargeyska Haatuf www.haatuf.net)
No comments:
Post a Comment