47 Mudane Oo Wakiilada Soo Hordhigay Mooshin Lagu Sharciyaynayo In Codbixiyayaasha Doorashada Deegaanada La Diiwaangaliyo, Xildhibaanada Beesha Madaxweynaha Oo Xubin Kaliya Aanay Kaga Jirin
Hargeysa, October 17, 2011(Haatuf)-47Mudane oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhigii shalay ee golahaasi soo hordhigay mooshin ay ku dalbanayeen in diiwaangalin cusub lagu galo doorashooyinka golayaasha deegaanada ee dalka ku soo fooleh, iyagoo tilmaamay in diiwaangalintii hore ee lagu galay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-June 2010-kii aan lagu gali karin doorashada, isla markaana ay soo jeediyeen in lagu cadeeyo xeerkii diiwaangalinta codbixiyayaasha ee labada gole ansixiyeen ee xeer lr 37/2008.
Gudoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Maxamed C/llaahi Ciro oo gudoominayay fadhiga shalay ee golaha ay mudanayaashaasi soo hordhigeen mooshinkaasi oo magacyada 47ka mudane ee soo saxeexay madasha fadhiga laga xaadiriyay ayaanay haba yaraatee hal xildhibaan aanu kaga jirin mudanayaasha kasoo jeeda bariga Burco.
Liiska 47-ka xildhibaan, hase yeeshee wakiilada deegaanada kale ee Somaliland ayaa iyagu ku dhamaa mooshinkaasi.
Ilaa hada ma cada sababta xildhibaanada beesha bariga Burco ay uga muquurteen mooshinkaasi, hase yeeshee mooshinkaasi oo uu madasha ka akhriyay Mudane Maxamed Saalax Cige oo ka tirsan 47-ka mudane ee mooshinkaasi golaha soo hordhigay ayaa cadeeyay in mooshinkooda ay ku dalbanayaan in diiwaangalin cusub dalka laga hirgaliyo inta aan la gaadhin doorashada golaha deegaanada.
47-ka mudane ee mooshinkaasi soo saxeexay oo madasha laga akhriyay magacyadooda waxay kala ahaayeen:
1. Maxamed Saalax Cige
Xaashi Xuseen Caabi
Jaamac Xasan Aadan
Cali X. Maxamed Muuse
Xuseen Ismaaciil Yuusuf
Maxamed X. Yuusuf Waabeeye
C/qaadir Askar Xuseen
Axmed Maxamed Nuur
C/raxmaan Maxamed Jaamac
10.Xuseen Maxamed Cige
11.Xasan Cawaale Caynaan
13.Bashiir Xuseen Tukaale
14. Ibraahim Axmed Haybe
15. Maxamed Xuseen Ciise
16. C/kariin Aw Cali Shabeel
17. Maxamed Baaruud Shide
18. Axmed Ibraahim Daahir
19. Siciid Cilmi Rooble
20. Maxamed Faarax Qabille
21. Maxamuud Jaamac Dable
22. Axmed Xasan Aadan
23. Aadan X. Diiriye Dirir
24. Naasir X. Cali Shire
25. Maxamuud Axmed Obsiiye
26. Cali Yuusuf Axmed
27. C/qaadir Ismaaciil Jirde
28. Axmed Cabdi Kijaandhe
29. Aadan Maxamed Hoori
30. Siciid Cartan Xuseen
31. Cali Sh. Ibraahim Aareeye
32. Baar Siciid Faarax
33. Xamse Maxamed Gaadaweyne
34. Cali Maxamed Aadan (Cali Barre)
35. C/qaadir Jaamac Xaamud
36. C/arxmaan Muuse Jaamac
37. Siciid Maxamed Cilmi
38. Saleebaan Yuusuf Cali
39. Axmed Barkhad Obsiiye
40. Mahdi C/llaahi Maxamuud
41. Maxamed Barkhad Miigane
42. C/llaahi Axmed
43. Maxamed Cismaan Bulqaas
44. C/raxmaan Maxamed Talyanle
45. Maxamed Jaamac Cabdi
No comments:
Post a Comment