14 September, 2011

Shahaadooyin lagu gudoonsiiyay Dufcaddii 3aad ee ka qalinjebisay Jaamacadda HOPE University


Madaxweyne ku Xigeenka JSL oo ka qaybgalay Munaasibad Shahaadooyin lagu gudoonsiiyay Dufcaddii 3aad ee ka qalinjebisay Jaamacadda HOPE University +SAWIRO

HOPE Universty: Munaasibad ilyartu is qabatay oo Shahaadooyin lagu gudoonsiiyay Dufcaddii 3aad ee ka qalinjebisay Jaamacadda HOPE University+SAWIRO
“Shahaadada Master-ta Dibada ayaa loo doonan jiray, laakiin waxaannu heshiis la soo galnay Kampala University oo aanu ku nidhi reer Uganda-ow waxaannu maraynaa halkii aad shalay marayseen, waanay naga aqbaleen.”- Prof. Najiib Sh. Abdikarim. Gudoomiyaha HOPE University+DAAWO Sawirrada+Dhegeyso Khudbadihii Madasha

Hargeysa (Togaherer)- |Munaasibad ballaadhan oo shahaadooyin lagu gudoonsiinayay Dufcaddii 3aad ee Ka qalinjebisay Jaamacada HOPE University ayaa shalay lagu qabtay Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Dufcaddan oo ka kooban 68 arday waxa 48 kamid ahi barteen waxbarashada heer Degree ee Culuumta Computer Science-ka iyo Maamulka iyo Maaraynta. Halka 20ka arday ee kale oo ka mid ah shaqaalaha dawladda hoose ee Hargeysi barteen Cilmiga Caafimaadka Guud ee (public Health) loo yaqaan.

Xaflada qalinjebinta ardayda jaamacadda Hope University waxa ka qayb galay Masuuliyiinta qaranka oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Kalluumaysiga, Maayarka Caasimada Hargeysa, Maamulka/Macalimiinta Jaamacada iyo Waalidiin tiro badan.
Guddoomiyaha Jaamacadda Prof. Najiib Sheekh Cabdikariin oo furitaankii xafladda ka hadlay, ayaa ka waramay jaamacadda Hope oo hadda afar jirsatay muddadaas oo uu tilmaamay inay soo martay marxalado kala duwan, waxaannu tilmaamay in jaamacaddu xoogga saartay culuunta baahida weyn loo qabo oo ay ka mid yihiin farsamada laabka caafimaadka iyo caafimaadka guud.

Prof. Najiib waxa uu sheegay in ardayda ka qallinjebisay IT-ga ay barteen duruus dheeraad ah oo ku cusub cilmigan, kuwaas oo farsamo ahaan iyo aqoon ahaanba ku xidnaayeen duruusta u dambaysay shirkadaha caalamiga ah soo saaraan. Waxa kale oo uu ammaanay Maayarka caasimadda Eng. Jiciir oo uu sheegay inuu isagu ka masuul ahaa in shaqaalaha dawladda hoose jaamacadda ka bartaan caafimaadka guud.
“Waxaa hore u ogaydeen shahaadada Master dibada ayaa loo doonan jiray, laakiin waxaannu heshiis la soo galnay jaamacadda Kampala University oo aannu ku nidhi reer Uganda-ow waxaannu maraynaa halkii aad shalay marayseen, waanay naga aqbaleen oo weliba lacagtii ay halkaa (Uganda) ardayda kaga qaadayeen ay hoos u dhigaan ilaa $400, markaa ardaydu iyaga oo Hope jooga ayey diyaarinayaan shahaadada Master oo ay ka qaadanayaan Kampala, waxaanay dufcaddii u horreysay qallinjebinaysaa bisha March ee sannadka soo socda,” ayuu yidhi Prof. Najiib.
Maayarka caasimadda Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in ay dalka faa’iido wayn culuun baahi weyn loo qabay oo jaamacadda Hope soo kordhisay.

“Waxa farxad noo ah in dawladda hoose ee Hargeysa kaalin ay u baahnayd oo ka maqnayd oo ah caafimaadka guud in aannu aragno midhihii u horreeyey, dalkana waa u farxad, waxaannan arrintaa ugu mahadnaqayaa jaamacadda Hope weliba Prof. Nagiib” ayuu yidhi Eng. Jiciir.
Maayarku waxa uu shaqaalaha kula dardaarmay inay ilaaliyaan cilmiga ay barteen, waxaannu ballanqaaday inuu ka bixinayo ardayda doonaysa inay sii kordhiyaan aqoonta ay barteen oo ay ku daraan shahaadada Master-ka, isla markaana mushaharka loo kordhin doono.
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo isagu ardayda guddoonsiiyey shahaadooyinka, ayaa hadal uu halkaasi ka jeediyey waxa uu ku hambalyeeyey ardayda qallinjebisay iyo jaamacadda Hope, waxaannu ku baaqay in la kordhiyo aqoonta caafimaadka oo baahi weyn dalku u qabo.
“Jaamacadda Hope waxay ka mid tahay jaamacaha aqoon loo baahan yahay dalka ku soo kordhisay, waayo waxa muhiim ah in ay wax cusub keeno ee aannu waxeenu noqon isku dayasho. Caafimaadka guud horumarka fayo-dhawrka waa ka kow oo magaalo kasta oo Somaliland u baahan tahay oo qashinkii meel walba lagu daadinayo, haddii markaa dawladdii hoose shaqaalaheedii barteen waa wax aynu u baahanahay, waxaan leeyahay dawladaha hoose ee magaalooyinka waaweyn ee kalena ha ku soo darsadaan shaqaalahooda jaamacadda intii la awoodo,” ayuu yidhi Md. Saylici.
Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu xusay in 20-kii sanno ee Somaliland jirtay lagu dadaalayey nabadayn iyo dhismaha dawladnimada, balse tobanka sanno ee soo socda lagu dadaalo sidii wax walba loo tayeyn lahaa.
Warqabadka togaherer
Xafiiska Hargeysa, Somaliland
Togaherer@gmail.com

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: