11 September, 2011

“Cabdirahamaan Cabdilkadir Karka Kulayl Baa Ka Keenay” Dr. Maxamed Cismaan fadal


“Cabdirahamaan Cabdilkadir Karka Kulayl Baa Ka Keenay” Dr. Maxamed Cismaan fadal

 Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo ka mid ah aqoonyahanka Somaliland, ayaa ku tilmaamay in guddoomiye xigeenka xisbiga KULMIYE Cabdiraxmaan  Cabdiqaadir  uu gar u leeyahay dhalilihii uu dhawaanta u jeediyey Madaxweyne Silaanyo, isla markaana waxa uu kula taliyey inay xukuummada Silaanyo la gudboon tahay  in ay umadda si xaqsooran ay xilalka kooban ee dalka  ugu qaybiso oo ay samayso caddaalad beeleed.
Digtoorku waxa uu sidan ku sheegay qoraal uu arrintaa ku qodobeeyey oo uu maanta ka soo saaray magaalada Hargeysa, kaas oo u dhignaa sidan:
“1. Cabdiraxmaan gar buu leeyahay oo wuxu la hadlayaa madaxweynihii iyo dawladdii uu ugu yaraan 8da sanadood u soo halgamayey in uu kursiga keeno. Markii madaxwenihii iyo dawladdii Kulmiye isku hubsatay kursiga, Cabdiraxmaan wuxu arki waayey wax fa’iida ah uu ay isga iyo beeshiisa mid hoose iyo mid guudba ay u soo kordhisay. Cabdirahmaan isagoo Xisbiga Kulmiye hormuud uga ahaa beeshiisa iyo ta guud ee Habaryoonisba waxa aynu wada ognhay in la dhaafiyey xilalkii wasiirnimada ee cid waliba ogeyd in uu xaq u lahaa.
2. Waxa intaa u dheer in beeshii uu matilayey iska daa wax dawladda Kulmiye u soo kordhiso oo ay ka safaysay shaqooyinkii dawladda. Shaqaalii hoose ee aan siyaasadba ku shuqul lahayn ayaa dibedda looga soo tuurayey oo lagu tumanayo xooqoodii shaqaalanimo iyo kii muwaadinba. Tuhun baa halkaa imanaya in beeshii dhamayd lala dugaadheeyey siyaasinyiintii la is hayey.
3. Haddaba cidda mar walba laga sugayo in ay beesha xaqooda ugu dooddo waa cidda dawladda xilka uga haysa. Ilaa maalintii dawladda Kukmiye dhisantay tabashada beeshu way soo kordhaysay, waxayse u deysay cidda xilku ka saarnaa in ay wax ka qabato oo ah ciddii toos xil fulneed u haysay. Haddaba maadaam oo aan kursi fulineed maanta jirin waxay arrintaasi ku soo baxsatay Cabdirahmaan oo xilka Guddoomiye-xigeenka 1aad ka haya xibiga Kuliyme ee talada dalka haya; waxay dhawaaqistiisu ka tarjumaysaa qarax milil muddo dusha laga dhayayey.
4. Maxaa la gudboon dawladda Axmed Silanyo? Kow: Mar hadday dooratay in ay beelo wax-ku-qaybiso oo ay iska barbar martay sida dunidu ku shaqayso oo ah qof walba in awoodiisa aqooneed iyo kartiyeed wax lagu siiyo iyo in tartan furan wax lagu kala helo, waa in ay umadda si xaqsooran ay xilalka kooban ee dalka  ugu qaybiso oo ay samayso caddaalad beeleed.
Laba: dib ha isugu noqoto oo ha u soo celiso xilaka dawladda ee fulin iyo kuwa maamul ee ay xaqqa u leeday beeshu. Saddex: Ha turxaan saarto oo ha la wada hadlo oo ha la daweeyo waxa kulaylkan keenay. Beel xaqdarro tirsanaysa haddii la iska dhegatiro danta guud baa sadhoobaysa.
5.Maxaa la gudboon beesha:  in ay beeshu sidii ay weligeedba ugu shaqayn jirtay nabadda  iyo danta guud in ay sii xoojiso;  in ay xaqeeda dimuqraadiga ah ku doonato iyadoo isla markii ka duulaysa danta beesha guud ee Habar Yoonis iyo tan dadka gobolada ay degtoba ay la wadaagto. Waxa kale oo beesha la gudboon in ay la xisaabtanto siyaasiyiinteeda iyo ciddii xil u haysaba oo ay ku qiimayso midhaha ay hogaamintoodu u keentay ilaa hadda.”

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: