20 September, 2011

Bukaan-jiifka Cisbitaalka Hargeysa oo Xilkaa qaadista Dr: Carabeyte ku tilmaamay go’aan lagu deg-deg

Bukaan-jiifka Cisbitaalka Hargeysa oo Xilkaa qaadista Dr: Carabeyte ku tilmaamay go'aan lagu deg-deg

Hargeysa,(Waheen)-Qaar ka mid ah Bukaan-jiifka Waadhadhka "Payment Ward", oo xalay Wargeyska Waaheen la soo xidhiidhay ayaa ku tilmaamay Xilka qaadista Dr: Carabayte Agaasimihii hore ee Cisbitaalka arrin ay ka xumaadeen oo aanay xukuumaddu wax dhaama ugu bedelin iyagoo sheegay mudadii uu xilka hayay inuu wax badan ka taray baahiyahoodii

Bukaan-jiifka magacyadoodu hoos ku qoran yihiin oo ku jira qololka 1aad ilaa 14aad ayaa Waaheen u sheegay Dhakhtar Carabayte inuu ugu hagar bixi jiray oo uu Gacantiisa ula tagi jiray Bukaanada Liita ee Qaliinka u baahan halka aan hortii laga heli jirin Agaasime Maamul iyo Xirafdiiba isku darsaday oo markaad u yeedhato hawsha aad uga baahan tahay kuu fulinaya.

Waxaya Bukaan Jiifka Cisbitaalka Hargeysi sheegeen Dhakhtarka Hargeysa inay joogaan dad xanuunsanaya oo meelo kala duwan ka yimi isla markaana u baahan in si hoose loo eego daryeelkooda sidaasi daraadeed ay iyagu u arkaan xilka qaadistii Agaasimaha arrin la Siyaasadeeyay oo ka fog xaqiiqada isla markaana loo baahan tahay xukuumaddu inay dib u eegto.

Magacyadda Bukaan-jiifka qaba aragatidaasina waxay kala yihiin:-

Caaqil Axmed Xasan Dhagdhes

Cali Jaamac Aadan

Jaamac Muuse Cawad

Maxamed Aadan Jaamac

Xamse Jaamac Muuse

C/ladiif Muuse Cawad

Kal-soon C/laahi Abokor

Waaheen

No comments: